Toggaherer’s Weblog

WARIYE XADIIS MAXAMED XADIIS OO XARUNTA DAMBI BAADHISTA EE CID DA LOO TAXAABAY

Posted on: May 14, 2009

WARIYE XADIIS MAXAMED XADIIS OO XARUNTA DAMBI BAADHISTA EE CID DA LOO TAXAABAY
Tifatiraha shabakada Wararka ee Baadiyenews.com Mr. Xadiis Maxamed Xadiis, ayaa lagu xidhay xarunta dambi baadhsita ee CID-da magaalada Hargeysa.
click to comment

Weriye Xadiis Maxamed Xadiis oo Xabsiga Loo Taxaabay

Tifatiraha shabakada Wararka ee Baadiyenews.com Mr. Xadiis Maxamed Xadiis, ayaa lagu xidhay xarunta dambi baadhsita ee CID-da magaalada Hargeysa.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga dambiga lagu haysto weriye Xadiis iyo cida soo dacweysayba, waxayna wararku sheegayaan in ilaa habeenimadii arbacadii boolisku ku raad joogeen, iyada oo markii dambe galinkii hore ee shalay laga soo qabtay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa oo ay ka socotay xaflad loo qabtay araday ka qalin jabisay kuliyada Sitco Collegde, isaga oo markaa gudanayey hawlo la xidhiidha mihnadiisa suxufinimo.

Weriye xadiis oo aan qabashadiisa loo soo marin sifo sharci ah iyo waaran maxkamadeed midna, ayaa waxa qabashadiisa loo soo adeegsay ciidammada ilaalada wadooyinka, sida uu xaqiijiyey wariye ka tirsan wargeyska madaxa bannaan ee Jamhuuriya oo la socday markii la soo qabtay, waxaana weriye xadiis askartii soo qabatay ay toos u u geeyeen xarunta ciidammada ilaalada wadooyinka, iyada oo halkaa lagu hayay ilaa galabnimadii shalay.

Taliyaha ciidammada ilaalada wadooyinka, ayaana weriye xadiis ku wargeliyey in laga doonayo xarunta CID-da oo ka codsatay in loo soo qabto, waxaana lagu amray in ilaa iyo inta CID-du kaxaysanayso uu xidhan yahay, isaga iyo gaadhigiisuba, waxaana markiiba laga saaray suunkii iyo kabihii.

Galabnimadii shalay ayaana wariyaha loo dhaadhiciyey xarunta CID-da Hargeysa, halkaasi oo uu ilaa hadda ku xidhan yahay.

Taliyaha ciidamada dambi baadhista Somaliland oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino waxa lagu hayso wariye Xadiis iyo cida soo dacweysaba ayaanay noo suurto galin in aanu helno.

Maaha markii u horaysa ee xabsiga loo taxaabo wariye Xadiis Maxamed Xadiis, balse waxa jiray xadhigyo kale oo lagula kacay wariyaha,iyada oo aan mar qudhana wax dambi ah lagu helin.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: