Toggaherer’s Weblog

WALKIIKA UCID AWDAL OO SHEEGAY IN AY SOO GALEEN TAGEERAYAASHA UDIB IYO KULMIYE

Posted on: May 14, 2009

WALKIIKA UCID AWDAL OO SHEEGAY IN AY SOO GALEEN TAGEERAYAASHA UDIB IYO KULMIYE

Wakiilka xisbiga UCID ee Gobolka Awdal Abuubakar Sh. Xuseen Meecaad, ayaa shaaca ka qaaday in xisbigaasi haatan ay u soo digo rogteen badi shacbiweynaha ku nool gobolada Awdal kuwaas oo ka biyo diiday aflagaadooyinka xadka ka baxay ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, wakiilka oo shalay warkan u sheegay Haatuf ayaa sidoo kale waxa uu aragtidiisa ka bixiyey arrimo ku saabsan dhulka iyo dhismayaasha dawladda ee xukuumadda Rayaale xaraashayso, waxtar la’aanta madaxweynaha ee gobolka iyo fakhriga ku sii badanaya qaybo ka mid ah dadweynaha ee ka dhalatay shaqo la’aanta, iyo tahriibta.

Wakiilka xisbiga UCID oo arrimahaa ka warramayaana waxa uu yidhi: “Waxa in dhawaaleba isa soo tarayey taageerada xisbiga UCID ay ugu imanayaan qaybo ka mid ah dadweynaha oo u badan dhallinyaro, kuwaas oo ka biyo diiday hadalada iyo aflagaadooyinka had iyo jeer dawladda Rayaale iyo xisbiga Kulmiye dhegehooda ka buuxiyeen, balse aanu xisbiga UCID weli waxba ku darsan. Waxaad ogtahay (aniga) in maalin kasta ay dadweynaha gobolada Awdal iyo Selel ka sheekaysanayaan kalsooni-darada ay ka qabaan khilaafka xadka dhaafay ee u dhexeeya dawladda iyo Kulmiye, Dalku waa nagu filan yahay khayraadkiisu, inta Rayaale xaraashayo guryaha dawladda iyo dhulka danta guudna waxa uga wanaagsanayd isagoo dadka ka saara gaajada, oo uu mashaariic dhinaca beeraha shirdaha iyo hay’adaha uu Hargeysa uun dhaqaalaha kaga qaato ku maalgeliyo banka Wajaale iyo banka Giriyaad.”

Wakiilka oo la weydiiyey waxa musharaxiinta xisbiyada mucaaradka ah Kulmiye iyo UCID oo labaduba ka soo jeeda gobolka Awdal, ay had iyo jeer Hargeysa uun u joogaan, halkii ay dadkooda dhex joogi lahaayeen soona kala jiidan lahaayeen, isagoo arrintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi: “Anigu ka hadli maayo Kulmiye, balse musharrax xisbigayaga ee mansabka madaxweyne ku-xigeenku wuxuu Hargeysa u joogaa inuu ka qayb qaato furdaaminta arrimaha siyaasadeed ee murugsan, loogana maarmi waayey inuu goobjoog ka ahaado, waxaanad arki doontaa toddobaadka soo socda musharrax Maxamed/Rashiid Sh. Xasan oo Boorama soo degay.”

Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: