Toggaherer’s Weblog

MAXAMED DHEERE OO KA DEGAY MUQDISHO MARKIIBANA U DHAAFAY VILLA SOMALIYA

Posted on: May 14, 2009

MAXAMED DHEERE OO KA DEGAY MUQDISHO MARKIIBANA U DHAAFAY VILLA SOMALIYA

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka degey gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamed Dheere, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan DKMG.

Sarkaal ka tirsan xarunta madaxtooyada ayaa Horseed Media u sheegay in Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” uu ka soo degey diyaarad ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu soo gaarey magaalada.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Maxamed Dheere lagu gelbiyey gawaari ay leeyihiin maamulka gobolka Banadir iyadoo uu la socdey gudoomiyaha haatan ee gobolka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur, kuwaasi oo ka dibna u gudbey xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Lama oga sababta Maxamed Dheere uu u tegey madaxtooyada oo uu joogo madaxweyne Sheekh Shariif.

Imaanshaha Maxamed Dheere oo mar ahaan jirey gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada DKMG iyo xoogaga islaamiga ee ka soo horjeeda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: