Toggaherer’s Weblog

DAGAALADII MUQDISHO OO MAANTA YAQSHIID KA QARXAY IYO DFKS OO LA WAREEGAY FADHISIMADAAS

Posted on: May 14, 2009

http://194.168.0.32/home.asphttp://194.168.0.32/home.asphttp://194.168.0.32/home.aspDAGAALADII MUQDISHO OO MAANTA YAQSHIID KA QARXAY IYO DFKS OO LA WAREEGAY FADHISIMADAAS

Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ayaa waxaa uu maanta mar kale ku dhex maray xaafada Suuq Bacad ee degmada Yaaqshiid.

Dagaalkani oo ahaa mid aad u culus isla markaana la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu barqadii maanta ka biloowaday xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda.

Dagaalka oo waqti dheer socday ayaa waxaa wararka naga soo gaaraya xaafada Suuq Bacaad ay sheegayaan in ciidamada xoogaga ka soo hor jeeda dowlada ay la wareegeen gacan ku heynta isgooysayada Siinaay iyo 4-ta jardiino ee magaalada Muqdisho mana jiraan wax hada ah oo ka soo baxay dhinacyada ay dagaaladaasi u dhexeeyaan.

Cali Muuse oo ka mid ah holwadeenada gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa waxaa uu noo xaqiiyey in ay maanta degmada Yaaqshiid ka qaadeen 11-ruux oo ku dhaawacmay dagaaladaasi isla markaana ay jiri karaan geeri balse aysan iyagu arki wax meyd ah.

Dagaalka ayaa waxaa inta la hubo ku nafwaayay 4-qof oo rayid ah kuwaasi oo ay haleeshay rasasta iyo madafiicda dagaalka la isku weydaarsanayay,waxaana ku dhawacmay in ka badan 10-qof oo rayid ah.

Dagaalkani oo ah mid weli si teel teel ah uga socda xaafada Suuq Bacaad ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba goobaha waxbarasho iyo ganasi ee wadada Wadnaha.

Dagaalkani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo todbadkani ku dhex marayay magaalada Muqdisho ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda.

Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: