Toggaherer’s Weblog

WAR SAXAAFADEED AY SI WADA JIR AH U SOO SAAREEN LABA XISBI MUCAARID EE UCID IYO KULMIYE

Posted on: May 12, 2009

WAR SAXAAFADEED AY SI WADA JIR AH U SOO SAAREEN LABA XISBI MUCAARID EE UCID IYO KULMIYE

Warsaxaafadeed:
Qaabka qarannimada iyo hannaanka dawladnimo ee JSL, waxa aasaas u ah Dastuurka Qaranka. Tiir dhexaadka diimoqraadiyaduna waa wada tashi iyo talo wadaag in lagu maamulo arrimaha dawladeed, isla markaana lagu maareeyo khilaafaadka ka dhex dhasha hay’adaha siyaasadeed iyo sharci-dejineed ee dawladda. Khilaafaadka muddadan dambe ka taagnaa Somaliland waxa sababta ugu weyni tahay marka uu M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu si buuxda u diidey in la wada yeesho wada tashi sida uu Dastuurku ku tilmaamayo qodobkiisa 9aad ee ugu muhiimsan oo tilmaamaya “ Nidaamka siyaasadeed ee JSL waxa saldhig u ah, nabad, talo wadaag, dimoqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyada badan”.

Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE, iyagoo tixgelinaya danta guud ee qaranka, waxay ogolaadeen go’aamadii ka soo baxay guddida dhexdhexaadinta ee ay sababtay muddo kordhinta is daba jooga ahayd iyo dib u dhacyadii doorashada madaxweynaha.

Labada xisbi qaran waxay aaminsanyihiin in go’aamada guddida dhexdhexaadintu ay dhamaystir noqon karaan marka:

a) Dhinacyada khilaafku dhexmaray ay dhamaantood si rasmi ah u wada saxeexaan.

b) Qodobada uu ka koobanyahay go’aanka guddidu qodob qodob looga wada hadlo farsamo ahaan, loona dhaqan geliyo.

Waxa marag madoon ah, sida taariikhdu ina bartay, in saxeexa go’aamada heshiiska ee uu diiday Madaxweynuhu aanay ugub ahayn, oo uu caadaystay inuu ka baxo heshiis kasta oo la wada galo, waxaana markhaati u ah:-

Heshiiskii 24/01/2004 ee gobolada bari (Sanaag bari iyo Sool), ee ay wada galeen xisbiyada mucaaradka, xukuumadu, iyo golayaasha sharci-dejinta laguna go’aamiyey in guddi qaran la sameeyo (Madaxweynahana ayaa ka baxay).

Nov 7th 2004, oo isna gobolada bari khuseeyey, ayna wada galeen Madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, iyo Gudoomiyaha Guurtida, laguna heshiiyey inuu Madaxweynuhu soo magacaabo guddi heer qaran ah, oo uu ka baxay.

Markay labadaas hore hir-geli waayeen, ayaa hadana 2005 kii, guddidii Madaxweyne ku-xigeenku madaxda ka ahaa iyo xubno golaha wasiirada ah loo magacaabay gobolada bari, laguna heshiiyey in xisbiyaduna ka qayb qaataan, kadibna waxaa ka baxay M/weynaha.

Heshiiskii Sheekh ee turxaan bixinta xukuumada, golayaasha xeer dejinta iyo xisbiyada oo ahaa Oct, 2006, isna wuxuu ka burey dhinaca Madaxweynaha.

Heshiiskii taakulaynta gobolada bari ee 2008 oo isna ka fashilmay dhinaca xukuumada.

Heshiiskii ay guddida dhexdhexaadinta ay ka midka ahaayeen Abwaan Gaariye iyo Abwaan Hadraawi, laguna dhexdhexaadiniyey xukuumada iyo golaha wakiilada, oo isna ka burburey dhinaca madaxweynaha.

Heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranka ee 9 June, 2008 ee la xidhiidhsanaa muddo kordhintii xukuumada ee hore, ee sanadka ahayd ee sideeda qodob ka koobnaa, ee sharciyada xukuumadu ku fadhido ilaa manta, oo isna ka burey dhinaca madaxweynaha, iyadoo lawada saxeexey.

Heshiiska 10th Feb, 2009, ee ay wada galeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku, laguna heshiiyey arrimaha server-ka, oo aan waxba ka hirgelin.

Heshiiskan ugu dambeeye ee taagan, ee uu saxeexiisii diidanyahay.

Markayanu u soo noqono warsaxaafadeed kii madaxweyne Daahir Rayaale uu jeediyey Sabtidii 09/05/09, waxa ku cadayd inuu ogolyahay go’aamada, isla markaana uu diidanyahay saxeexa (waan aqbalay iyo saxeexi mayo waxa dhexdooda ku jira waa been). Diidmada Madaxweynaha in uu saxeexo go’aamada guddida dhexdhexaadinta waxay mecneheedu tahay in aanu ogolayn heshiis ah, taasina waxay ka soo horjeedaa rabitaanka dadweynaha, waana cahdi la’aan ka muuqata Daahir Rayaale.

Hab-dhaqanka siyaasadeed iyo hogaaminta (Leadership) waxaan hore taariikhda siyaasadeed loogu arag nin hogaamiye ah oo yidhaahda heshiis la gaadhay waan aqbalay, saxeexina maayo.

Astaamaha hogaanka qaran kasta waxa aasaas iyo bud-dhig u ah marka qaran ay hay’adihiisa siyaasadeed khilaafaad dhex yimaado, inuu hogaamiyuhu iska xil saaro sidii xal looga gaadhi lahaa wada tashina looga yeelan lahaa, hogaamiyaha noocaas oo kale ahi waaka leh isku kalsoonaanta iyo ku shaqaynta wada tashiga; hasa yeeshee sifaha ka muuqata Daahir Rayaale Kaahin waa mid aad uga fog astaamaha hogaaminta aanu kor ku tilmaanay, astaanta qudha ee ka muuqatana ay tahay axdi la’aan, ballan la’aan, run sheeg la’aan iyo daacad la’aan, isagoo xilka madaxweynanimo ka yaqaan aniga ayay igu gudhaa oo qudha. Waxaa ah wax lala yaabo aniga…aniga iyo tixgalin la’aanta ra’yiga iyo dareenka ummadda.

Markaynu u soo noqono dhinaca sharciyada ee uu ka hadlay ee uu ku eedeeyey xisbiyada aqoon la’aanta sharciyada, waxaanu halkan ku cadaynayna in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay aqoon darro siyaasadeed iyo sharciyadeed ba ay ka haysato Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Tusaale ahaan, waxa uu warsaxaafadeed kiisa ku sheegey:-

In aan madaxweynaha lagu samayn karin maamuus ka xayuubin sannadka ugu dambeeya ee mudada xilkiisa.

Arrintan waxa ka hadlaya qodobka 56aad ee Dastuurka qaranka, mawduucuna waa “Kala diridda Golaha Wakiilada”, faqradiisa 7aadna waxay u qorantahay sidan “ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada sannadka ugu horeeya ee muddada xilkooda iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha”. Haddaba, Daahir Rayaale Kaahin aqoon darrada uu sheegayaa ma isaga ayay haysataa mise xisbiyada mucaaradka ayay ka muuqataa?

Jawaabtu waxay tahay Madaxweynaha ayay haysataa aqoon darro iyo jaahilnimo sharciyeed, sababtoo ah nuxurka qodobkan wuxuu ka hadlayaa kala diridda Golaha Wakiilada ee maaha xil ka qaadista Madaxweynaha, halka uu isagu u mecneystay inaan xilka laga xayuubin karin sannadka ugu dambeeya. Waxaanu garanayn inuu isagu yahay madaxii fulinta, oo ilaa daqiiqada ugu dambaysa ee muddada xilkiisa laga xayoobin karo.

Labada xisbi qaran waxay soo dhoweynayaan haddii ay dhab ka tahay hadalkiisii ku saabsanaa in doorashadii Madaxweynuhu ay dhacayso 27/09/2009 oo aanay ka dambaynayn, iyo in server-ku haddii uu liiska kama dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha uu soo saari waayo ugu dambayn 15/06/2009, inay xisbiyadu isaga iman doonaan, talo wada jir ahna ka gaadhi doonaan.

Waxaase lagama maarmaan ah in la dhamaystiro ka hor intaan doorashada la gaadhin qodobadii guddida dhexdhexaadinta oo ay ka mid yihiin qodobadan soo socda:

Magacaabista Guddi heer qaran ee ilaalinta hantida qaranka iyo warbaahinta qaranka.

Ka wada tashiga arrimaha Komishanka Doorashooyinka.

Ansixinta muddo kordhin la’aanta Madaxweynaha.

Miisaaniyadda doorashada oo 25% oo ilaa hadda ay ka sugayaan deeq-bixiyayaashu.

Iwm.

Waxa M/weynaha looga fadhiyaa hirgelinta qodobada heshiiska, gudoomiye xisbi ahaan iyo madax xukuumad ahaanba inuu ka fuliyo wixii ku aadan dhinaciisa.

Bulsho weynta reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in labadayada xisbi qaran ay diyaar u yihiin inay dhinacooda ka hirgelinayaan qodobada heshiiskaas, sidoo kalena waxaa idinkana la idinka rabaa inaad ka markhaati kacdaan, kalana xisaabtantaan cidii heshiiskaa dhinaceeda ka fulin wayda.

“SAXEEX LA’AAN WAA HESHIIS LA’AAN”

“BALLAN LA’AANA WAA DIIN LA’AAN”

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Aadan Maxamed Mire (Waqaf)

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye K/s Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: