Toggaherer’s Weblog

SHARIIFKA OO LAGAG AWOOD ROONAADAY MUQDISHO IYO MALEESHIYAADKIISII OO KA BAXAY DAGAALKA

Posted on: May 11, 2009

SHARIIFKA OO LAGAG AWOOD ROONAADAY MUQDISHO IYO MALEESHIYAADKIISII OO KA BAXAY DAGAALKA

Shariifka Oo lagaga Awood Roonaaday Muqdisho Iyo Maleeshiyaadkiisii Oo Ka Baxay Dagaalka.

Dagaalka Muqdisho ayaa gaadhay halkii ugu saraysay, wuxuna u muuqdaa mid lagaga gacan-sareeyo dowladda Shariifka iyo taageerayaasheeda, kadib markii intii badnayd ee ciidamada maxkamaduhu ay ka baxeen dagaalka iyagaoo u arkay in uu yahay dagaal fitno oo mujaahidiintii dhexdooda ka bilowday. Magaalada inteeda badan waxay u muuqataa mid gacanta ugu jirta xoogaga Al-Shabaab iyo Al-Muhaajiriin. Waxay haystaan wadooyinka warshadaha, jidka 30ka,Muqdisho satidum, wadada wadnaha, hotel Florence iyo hotel Daameey agtiisa.

Difaaca ugu horeeya ee dowladuna wuxuu joogaa iskuulkal 15 May oo ah irida Villa Somaliya. Dhanka Waqooyi ciidamadii dowlada waxa laga soo jabshay xaafadaha Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis, difaacooda ugu horeeyana wuxu joogaa Suuq-Bacaad iyo Nasiib Buundo. Sh. Yusuf Indhacade oo beryahan la safnaa dowladda hadana aan la ogayn go’aanka uu qaadan doono ayaa wali gacanta ku haya warshada Baastada oo ah halka kaliya ee Al-Shabaab aysan gacanta ku dhigin wali.

Dhanka Koonfurta magaalada ciidamadii Sh. C/qadir Cali Cumar ee ku sugnaa Shiirkole ayaa la soo sheegaya in ay labo u kala jabeen, qayb ka mid ah ay ku biirtay Al-Shabaab, halka qaybtii hadhayna ay wadahadal kula jiraan Shabaabka iyaga oo sheegay in ay hubka dhigayaan dagaalkana ay ka baxayaan,laakiin aysan ku biiri doonin Al-Shabaab. Haddii laga saaro Shiirkole ciidamadaas, waxay dowladu noqon doontaa mid ku soo uruurtay intii uu joogi jiray beri Col. Cabdillahi Yussuf oo ah Villa Somaliya ilaa No 4 iyo inta u dhaxaysa.

Waxa markii ugu horaysa dagaalka Muqdisho kusoo biiray saakay maleeshiyaad u dhashay beesha Mudulood tiradoodana lagu qiyaasay 2000, kuwaas oo dagaalka ka soo galay dhanka Boondheere duulaana ku ah Suuq-Bacaad iyo Afarta Jardiino. Maleeshiyaadkan oo qaba laba Kaaki ayaa saakay dagaal xoogan ka soo bilaabay dhankaas, waxana wali la maqlayaa rasaas xoogan oo ka soo dhacaya dhinacaas. Weerarka beesha Mudulood ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xalay soo dageen Afarta Jardiino.

Saadaasha ayaa u muuqata qorshe dibindaabyo shisheeye oo la doonayo in mar kale ay Muqdisho qabsadaan Al-Shabaab iyo ajaanibta la socota, kadibna ay duulaan balaaran ku yimaadaan ciidamo shisheeye oo markaan ay horkacayaan NATO iyo Maraykan.

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: