Toggaherer’s Weblog

RIYALE WUXU YIDHI JIBUTI XIDHIDH WANAGSAN AYA INAGA DHAXEYA KULMIYE UCID WAA CADAW HALKAY KA TIMI

Posted on: May 11, 2009

RIYALE WUXU YIDHI JIBUTI XIDHIDH WANAGSAN AYA INAGA DHAXEYA KULMIYE UCID WAA CADAW HALKAY KA TIMI

RIYALE WUXU YIDHI JIBUTI XIDHIDH WANAGSAN AYA INAGA DHAXEYA KULMIYE UCID WAA CADAW HALKAY KA TIMI

Xil. Maxamed Faarax Qabile ayaa naqdiyay hadal uu dorraad jeediyay Madaxweyne Rayaale, isla markaana wuxuu ku dhaliilay oo uu dusha u saaray eedda muranka Siyaasdaeed ee dalka. Waxaanu ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo uu ku tilmaamay mid aan cago ku taagnayn.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa wuxuu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu sharciyadda dalka meel kaga dhacay, isla markaana uu masuul ka yahay muranka Siyaasadeed ee dalka. “Rayaale waxaad moodaysay inuu shalay (Sabtidii doraad) u jawaabayey laba nin oo ah Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu ku tumanayaa karaamadii ummad weynta inay tahay ma oga. Hadalo ayaad ku tidhi labada hoggaamiye, hase yeeshee bal dadka in aad ka haysan karto karamadooda iyo qaranimadooda waxaannu baxnaaninaynaa maalmo. Hadalkii Madaxweynaha waxa ka muuqatay kibir, intaa waxa dheer sharciyadda uu meesha kaga dhacay, muu eegin qodobka 56 ee dastuurka ee waxa uu sideedii u hadlay dal sharciyadi u nooshahay oo uu isagu badbaadiyey, masuuliyad-darrada ka timi Madaxweyne Rayaale awgii ayaa waxa uu dalku galay marxalad aan qaynuunka lagu soo dabaali karin.” Ayuu yidhi Xil. Qabile, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dhammaan fariimihii iyo naqdigii lagaga soo sameeyey caalamka haddii tahay Maraykanka iyo Yuruba dhegaha ayuu ka furaystay, wixii la soo faray oo ahaa maamul-xumada gudihiisa sidii uu u sixi lahaa. Waxaad ogtihiin qodobka 53 oo xilkii iyo waajibaadkii Golaha Wakiilladu ku xakamayn lahaayeen in toddobadii faqradood midna maanta ka shaqayn, waxaad ogtihiin in nidaamkii Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu faraha ka baxeen. Maanta ma odhan karo faqrad baa ka nool dastuurka qaranka, hore ayaa loo yidhi haddii doobi buuxsamo inuu daato la arkeen, waxaan leeyahay koobkii murugadu wuu buuxaa.”

Xildhibaan Qabile waxa kale oo uu ka hadlay waqtiga M/weynaha xilka laga qaadi karo iyo hadalkii M/weyne Rayaale ee ku wajahanaa waqtiga ku-munaasibka ah ee lagu oogi karo xil-ka-qaadis. “Ku eekaan mayso jawaabta aad siisay Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siilaanyo laakiin ummadda oo karaamadeeda gacanta kaaga qaadata ayaa iman doonta mar aanad ogayn. Waxa hadaladiisa ku jirtay in aan xil-ka-qaadis (Impeachment) lagu samayn karin sannadka u dambeeya, qodobkaasi waxa uu dhigayaa in aan Golaha Wakiillada sannadka ugu dambeeya Madaxweynuhu kala dari karin, laakiin isagu ma waxa uu ismooday xubin ka mid ah Golaha Wakiillada. Saacadda uu ku gefo dastuurka ayuu qodobkaasi qabanayaa, haddii ay kaga filan tahay khudbadii uu shalay Ina Rayaale soo jeediyey, haddii uu isku haysto Madaxweyne waqtigiisu noolyahay, maaha qodobka 83-naad ayaana ku soo noqonaya.” Ayuu yidhi Xil. Qabile. Isaga oo sii daba taagan hadalkii M/weyne Rayaale ka jeediyay Shir-jaraa’id oo uu maalintii sabtidii toddobaadkan ku qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa wuxuu yidhi, “Waxa hadaladiisii ka muuqatay in aannu hawsha Serfarku (qalabka kala shaandhaynaya dadkii isdiiwaangeliyey) dhaweyn oo aan la saadaalin karin, waxa kale oo uu ka gaabsaday in haddii doorashadu waqtigeeda ku qabsoomiweydo in qodobka 83 halkii uun u yaalo oo aan laga dhaqaajin Karin, waxa uu ka soo reebay sharciyadii Garoon yar oo uu keligii Gulf-ka ku ciyaaro oo aan qof labaad soo geli karina, ayuu masayrkii iyo siyaasadii dalka ka soo qaaday. Anigu waxaan qabaa nasiib ayaad sheegataye nasiib ma lihid, kii ugu nasiibka xumaa ayaad tahay, sababtu waxa weeye xor ayaa laguu doortay oo waqti ayaa lagu siiyey laakiin karaamadii waad garan weyday, waxaad dabbiqi kari weyday dimuqraadiyadii iyo geedi socodkii ay ahayd ee Alle ha u naxariistee Marxuun Cigaal ka tagay, colaad iyo kala fogaansho ayaad ku beddeshay.”

Dhinaca kale, waxa uu Xil. Qabile ka hadlay oo uu naqdiyay xidhiidhka ka dhaxeeya Jamhuuriyadaha Somaliland iyo Jabuuti. “Waxa uu yidhi Ina Rayaale Jabuuti xidhiidh wanaagsan ayaa inaga dhexeeya KULMIYE iyo UCID-na waa cadowga u shisheeya, xaggay ka timi? Jabuuti xafiis miyeynu ku leenahay? Xafiiskeenii inta uu duhur cad soo saaray Ina Geelle maca wakiilkeenii Lawyo-caddo la soo dhigay, Baasaboorkeenu kama shaqeeyo Jabuuti, xafiisna kuma lihin, heshiisyada mugdiga ah ee lala galo Jabuuti, kuwaas oo lagu dhabar-jebinayo gooni-isu-taaga iyo jiritaanka Somaliland ee tii ugu dambaysayna lagula dhuumaalaysanayo ma damiin buu ka ahaa? Weligay maan maqal jaaliyad reer Jabuuti ah ayaa joogta Somaliland, waxaan qabaa xisbi qudha heshiis lama geli karo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, anigu odhan maayo waa xisbiga talada haya, waayo waa xisbi qaran oo jira ee waxaan qabaa shakhsiyaad ismiidhay ayaa xidhiidh la leh oo dan gaar ah fushanaya, Maansoor ayaa loo xidhay in loogu dabaaldego Ina Cumar Geelle, ma badhasaab baa Ina Rayaale, halkan Badhasaabadii iyo Maayaradii dalka oo dhan ayaa laga kaxeeyey oo waxa looga yeedhay Jabuuti, markaa ma caasimad bay inoo noqotay, goormuuse dhaxal wareegay dalkii la odhan jiray Somaliland.” ayuu yidhi Xil. Qabile, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Ummadda iyo beesha caalamku waxay wada ogyihiin in dhibaatada taala Somaliland ay tahay shakhsi keliya, waxaanuna beesha caalamka u sheegaynaa inuu dhegaha ka furaystay baaqyadoodii iyo kii gudahaba, anigu is garab-dhigimaayo Itoobiya iyo Jabuuti, waayo Itoobiya waa dal xidhiidh inaga dhexeeyo, waa dal wakiil inaga joogo, waa dal ganacsi inaga dhexeeyo.”Ogaal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: