Toggaherer’s Weblog

MEESHA RAYAALE SHARCIGA KA BARTAY EE NAGAGA BADIYO ANIGA IYO FAYSALNA AANU KU GARAN WAYNAY …

Posted on: May 11, 2009

MEESHA RAYAALE SHARCIGA KA BARTAY EE NAGAGA BADIYO ANIGA IYO FAYSALNA AANU KU GARAN WAYNAY …

MEESHA RAYAALE SHARCIGA KA BARTAY EE NAGAGA BADIYO ANIGA IYO FAYSALNA AANU KU GARAN WAYNAY …

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in aanay jirin wax uu ka aaminsan yahay ballan-qaadka M/weyne Rayaale ee ah in Doorashadu ay ku qabsoomayso waqtiga Komishanku u cayimay ee 27-ka September. Waxaanu ka hadlay aragtida uu ka qabo in Doorashada lagu galo bilaa Diiwaangelin haddiiba loo baahdo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu ka hadlay sida uu u arko in diiwaangelinta la’aan lagu galo Doorashada. Waxaanu soo jeediyay in bilaa Diiwaangelin lagu galo doorashada soo socota haddii aanay Mishiinka kala shaandhaynaya Codbixiyeyaasha ka soo bixin Maxsuul dhab ah oo dhinacyada Diiwaangelintu khusayso oo dhami ku wada qanacsan yihiin.

Guddomiyaha oo uu shalay waraysi dheer la yeeshay Weriye Maxamed Cabdi (Ilig) oo ka tirsan Telefishanka Horn Cable, waxa uu naqdiyay dhaliil Madaxweyne Rayaale u jeediyay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;

S: Guddooomiye, ugu horayn bal nooga waran sida aad u aragto hadalkii Madaxweynuhu kaga hadlay Shirkiisii Jaraa’id iyo eedayntii uu Madaxdiina Mucaaradka u jeediyay?

J: Shirweynihii Xisbiga UDUB wuxuu lahaa (Madaxweynuhu) 29 March dhaafi mayso doorashadu, iyadoo shacbiga iyo umadda oo dhami wada ogayd inay dhaafayso muddadaas. Markaa, marka uu imikana yidhaahdo dhaafi mayso 27 September, tolow ma waxaanu nidhaahnaa maxay kaga duwan tahay tii uu lahaa 29 March bay doorasho ku dhacaysaa. Anigu markuu sidaas oo kale yidhaahdo , waa marka shakiga badani iga sii galo inay ka dhab tahay, meeshaana wax kale ka soo socdaan oo hadhow sabab uga dhigan karo inuu marmarsiiyo kale heli karo. Marka labaad, markuu ka hadlayay arrimihii uu nagu eedaynayay ee ku saabsanaa Mudaharaadkii ka dhacay magaalada London, waxaa sameeyay Xisbiga KULMIYE, taas qofba si buu u eegaa. Isaga (Madaxweyne Rayaale) waxay ula muuqataa inay Khaa’inal-wadaninimo ku dhawayd in isagoo Madaxweynihii ah lagu sameeyo oo uu weliba la yaabay in isagoo London jooga KULMIYE-yahii halkaa joogay loo fasaxay Mudaharaadkii. Waayo; isagu Mudaharaadka waxa uu yaqaanaa dembi, Qaran-diid iyo wax xun, laakiin England iyo dunida kaleba waxa looga yaqaanaa xuquuq shacbigu leeyahay. Markaa, Xisbiga KULMIYE ee uu uga diiday inay Mudaharaad ku sameeyaan Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, ayaa London looga ogolaaday wax aad u culus bay ku noqotay. Markaa, waxaanu leenahay Madaxweyne Daahir Rayaalow, Mudaharaadku wuxuu ka mid yahay Xuquuqda aasaasiga ah ee mushtamaca iyo Axsaabtu leeyihiin…Adigu waa digii naga xukumay in aanu Mudaharaad samayno mid aanu khasbanay mooyaane, waadigii naga xukumay in aanu Hoteelada ku shiro, diiday in aanu meelnaba isa soo taagno, Xafiisyadayada hortoodana ku dhahoo. Markaa, taasi waa aragtida aad ka haysato Xorriyatul-qawlka, sidii aad Suxufiyiinta u xidh-xidhaysay, Adhiileyaasha u xidh-xidhaysay. Waxaad u aragtaa dadka iyo dalku hanti aad adigu leedahay inay yihiin, hanti adigu aad leedahayna maaha….Arrimahaa la xidhiidha heshiisiinta (qodobadii Xeer-b eegtidu soo saartay ee Madaxweynuhu kaga hadlay Shirkiisii Jaraa’id), umaddu way ka dheregsan tahay mawqifka aanu ka taaganahay haddii aanu nahay labada xisbi Mucaarad. Horta, mar uu hadlo oo uu yidhaahdo waan yeelay, hadalkiisii shalay (doraad) baa iigu horeysay, intii ka horeysayna Afhayeen baa u hadlayay oo lahaa Madaxweynuhu wuu yeelay. Afhayeenku nalama joogin markaanu saddexdayada Murashax wada hadlaynay, taana waanu soo dhawaynaynaa inuu yeelay. Laakiin, waxa qudha ee aanu leenahay waxa weeye, waxani waa wax ay umaddi leedahay oo Qaran dhan ka dhexaysa. Waxa la yidhi Xalaal dharaad cad baa la qashaa, Daahir Rayaale-na Annagu waxaanu kula talin lahayn in aanu ka war-wareegin arrintaas (saxeexa go’aamada)….Waxaanu u aragnaa in Madaxweyne ahaan hawshaa daadihinteeda iyo dhamaystirkeeda looga baahanyahay, saxeexo, soo dhaweeyo, kalsooni abuuro oo uu umadda oo dhan ku wada abuuro iyo mushtamaca dibadda jooga ee Dhaqaalaha inaga bixinaya ee leh ‘waar heshiiya’. Waxaa u ekayd inuu yidhaahdo wixii kalsoonid umadda ku beeraya Anigaa hormood ka noqonaya. Laakiin, hadduu mar walba wax ay is leeyihiin way soo baxsan doontaa ka fekero, maanta waxa loo arkayaa markuu taas ka hadlayo ee uu leeyahay Distoorka ma raacsana (Madaxda Mucaaradku), qodobkan 83-aad ee ka hadlaya Guurtidu inay muddo-kordhin ku samayn karto Madaxweynaha, inuu taas u meel dayayo. Balse, waynu ognahay oo waxay ku xidhan tahay duruufo gaar ah, waxaanan leeyahay duruufahaa ha inoo sahadinin. Haddiise Illahay inaguma keenee ay taasi timaado, Distoorku meeshii waa yaalaa oo haddii aynu kan saxeexno, loona baahdo arrintaas taas wax is hortaagayaa ma jirto, laakiin yaynaan sahadsanin oo aynaan inagu u yeedhanin duruufta caynkaas ah (Nabadgelyo baahsan iyo masiibooyin dabiici ah – oo dib u dhigi kara doorashada). Laakiin, waa inaad waxan yeeshaa, si umaddu ugu kalsoonaato oo rabitaanka umadda, dadka kula leh Hoggaanka dalka, dadka kula leh doorashooyinka iyo kuwa kula leh mustaqbalka dalka inaad tixgeliso ayaa loo baahanyahay.

S: Guddoomiye; Madaxweynuhu markuu adiga iyo Guddoomiyaha UCID idinla hadlayay, wuxuu ku celceliyay inaad Sharciga barataan, akhridaan oo Shuruucda dalka u taala aydaan garab-marin, inta idinku aad u aragtaan inay idin khusaysana aydaan ka qaadan, markaa taas maxaad ka leedahay?

J: Waxaan leeyahay, meesha Daahir Rayaale Sharciga ku akhriyay, ka bartay ee nagaga badiyo, Aniga iyo Faysal-na aanu ku garan waynay, isagaa sheegi doona oo taas Anigu hadda ka hadli maayo. Daahir Rayaale hadduu aqoon, Tacliin iyo waxbarasho noogu faanayo, isagay jirtaa oo waxba imika taas ka odhan maayo. Laakiin, waxaan leeyahay Distoorka waanu akhrinay, waxa ku yaalana waanu naqaanaa, Sharciga waanu naqaanaa, Bani-aadamka sida loola dhaqmo waanu naqaanaa, xurmada iyo sharafta uu dadweynuhu leeyahay, waxa uu galo iyo waxa uu guda-na waanu naqaana, calaamaadka iyo facaa’ilka Diktaytoradana waanu naqaanaa, Keli-talisyada waanu naqaanaa, kuwa dadka booba waanu naqaanaa, kuwa dhaca waanu naqaanaa, kuwa Xuquuqda Bani-aadamka ku tunta waanu naqaanaa, kuwa Xoolihii umadda dhacay waanu naqaanaa, waxaana Sharcigooda in aanu naqaano iyo in aanaan aqoon mar uun bay cadaan doontaa.

S: Waxaad hore u soo jeediseen in wax ka bedel lagu sameeyo Komishanka doorashooyinka, laakiin Madaxweynuhu wuxuu yidhi ma jirto cid bedeli karta Komsiahnka, taas sideed u aragtaa?

J: Horta, bedelaada weli mawduucaa hadalkeedii rasmiga ahaa maanaan gaadhin, guddigan dhex-dhexaadintuna waxay soo jeediyeen in arrintaas ay ka wada hadleen saddexda Xisbi iyo Golaha Guurtidu – inti magacaabaysay inay ka wadahadlaan oo Ergadu annagay nagu soo wareejisay, laakiin weli marxaladaa maanaan gaadhin oo waa tan aanu arrinta saxeexeedii iyo fulinteedii dambe ka hadlayno. Markaa, waxaanu ka qabno marka halkaa la gaadho ayaanu wax ka odhan doonaa…Cid kasta oo hawshaa doorashooyinka ku lug lahaydba, umaddu way aragtaa oo indhaha haddaan laga qarsanayn dhaliilo faro badan baa ka yimi – Interpeace baan ka maqnayn, cidii farsamo ahaan ku shaqada lahayd baan ka maqnayn, Komishankaan ka maqnayn oo wixii Diiwaangelinta hawlo ka gelayay baan ka maqnayn. Markaa, dhaliilo faro badan baa ka yimi hawshaa, xudunta cida u ahaydna waa Komishanka, markaa Komishanka haddii la yidhaahdo yaan la dhaliilin macquul maaha. Balse, Komishanka iyo cid kasta oo hawsha haysa waa la dhaliilayaa oo Komishanku dhaliil bay leeyihiin oo taas muran kuma jiro…Afkaar badan baa jirta oo annaga qudhayada ayaan dareemo fara badan ka qabna, cid halagu daro baanu nidhi, hala kordhiyo baanu nidhi, hala bedelo dad qabtaa way jiraan. Laakiin, hadalku wuxuu ku kooban yahay waqti xaadirkan dhaqaajintoodu (haddii la eryo) doorashooyinka uun bay dhibaato ku keeni kartaa. Markaa runta marka loo dhaco dareemadaa kama maqnin, dee dhaliishuna way jirtaa.

S: Xukuumaddu waxay ku doodaysaa in arrinta dib u dhigtay doorashadu tahay Seerfarka kala shaandhaynaya Codbixiyeyaasha, isla markaana loo baahanyahay in hawshiisa la sii wado. Markaa, maxay tahay rajada aad ka qabto 15 Juun ee Madaxweynuhu sheegay ama 27 July ee guddigu soo jeedisay uu Server-ku ku soo saaro natiijo kama dambays ah?

J: Runtii, arrinta Diiwaangelintu waa arrin aynu Sharciga ku qoranay. Diiwaangelinta si loo hirgeliyo hawl faro badan baa inaga gashay, Qaranka ka gashay, Deeqbixiyeyaasha ka gashay oo dedaal aad u badan baa gashay oo dhinac walba leh, waxayna ahayd wax loogu talogalay inay doorashadeena hagaajiso oo qurxiso. Laakiin, ayaan-daro sidaa cid waliba u sheegtay dhibaatooyin aad u fara badan baa ka yimi Seerfer-ka iyo shaqadiisa….Waxaan intaas oo dhan la qabaa haddii waqti munaasib ah la gaadho, hadday cadaado ama markay muuqatoi in aanu Seerfer-ku fulin karayn ama aanay ka soo bixi karayn wax la aqbali karo, la aqbali karo, midho-dhal ah oo doorashada si cadaalad ah ugu adeegi kara oo shacbigu inaga qaadan karo haddaanu ahayn, in laga maarmo oo bilaa Diiwaangelin lagu galo ayaan u arkaa.

S: Doorashada bilaa Diiwaangelin lagu galo miyaa?

J: Bilaa Diiwaangelin in doorasho lagu galo…..

S: Markaa, waa haddii Server-ku xataa hawshiisa dhamaystiro miyaa, oo waxaad aaminsan tahay in dad badani meesha ka baxaan?

J: Anigu dad badan odhan maayo. Laakiin, waxaan leeyahay ama haddii bahalka hawshiisa waqtigiisa dhamaan waydo ha noqoto ama iyadoo waxa ka soo baxaa ay noqdaan wax mushtacama intiisa badan ama dadkii wax dooranayay ( aanay ku qanacsanayn) – maaha cid gaar ah iyo gobol gaar ah. Laakiin, ilayn wixii wuu inaga wada khuseeyaaye wax aynu ku qanci wayno hadduu noqon waayo, waa in aanu iska keen hortaagin doorashada.

S: Taas Xisbiga UCID ma u bandhigteen oo isla qaadateen?

J: Xisbi waliba aragti buu leeyahay, Xisbiga UCID-na taas gaar baa looga waraysan doonaa. Laakiin, mar walba UCID wixii maslaxada iyo danta dalku ku jirto aad bay u aaminsan yihiin.

S: Diiwaangelinta oo muddadaa faraha badan aad sugayseen, doorashada dib u riixday in laga tago sidee bay kula tahay?

J: Dee way nagu adagtahay, laakiin hadday isa soo taagto….Halka lagu socdo haddii ay doorashada u adeegi karta way inoo fiican tahay, haddii kalena wax inaga khasaaroobay bay noqonaysaa oo ayaan-daro ah. Laakiin, ayaan doorashada iyo khasaarihii Diiwaangelintu iska keen raacin.

S: Laakiin, hadday sidaa u dhacdo saw lama odhan karo way adagtahay in doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo?

J: Dee awalba doorashada waynu qabanay oo bilaa Diiwaangelin baynu ku qabanay. Markaa, haddaynaan sidaynu doonayno 100% u noqon, talo kale oo badan oo looga dhawrsan karo oo la iskaga ilaalin karaa way jiraan oo intii loo dhawayn karo Caddaalad loo dhaweeyo. Kollay ku-shubashada qolada dawladda uun baa badisa, waayo iyadaa ilihii dalka gacanta ku haysa. Laakiin, haddana yeelkeeda sidii la iskaga ilaalin karo ee looga dhowrsan karo ayaa la iskaga ilaalin doonaa, balse waxa muhiim ah in aanay doorashadu ina dhaafin.

S: Guddoomiye, ma kula tahay in doorashadu ku qabsoomi karto 27 September ee Komishanku u cayimay, Madaxweynuhuna Digreetada ku soo saaray ee uu balanqaaday?

J: Balan-qaadka Madaxweynaha waxba kuma aaminsani oo waataan sheegayay oo Shirweynihii xisbigiisa wuxuu lahaa waan hubaa inay dhacayso 29 March, qoladiisuna waxay lahayd lix bilood baanu dib u dhigaynaa. Markaa hadalkiisa oo qudha ka soo qaadi maayo, laakiin Qaran ahaan waa in aynu xil iska saarnaa in aanay waqtigaa doorashadu dhaafin.OGAAL

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: