Toggaherer’s Weblog

MARKAB AFDUUBNAA OO LAGA LEEYAHAY DALKA BRITAIN OO LA SII DAAYEY LACAG MADAX FURASHO AH AWGEED

Posted on: May 11, 2009

MARKAB AFDUUBNAA OO LAGA LEEYAHAY DALKA BRITAIN OO LA SII DAAYEY LACAG MADAX FURASHO AH AWGEED

MARKAB AFDUUBNAA OO LAGA LEEYAHAY DALKA BRITAIN OO LA SII DAAYEY LACAG MADAX FURASHO AH AWGEED

Wasiirka Arimaha Dibada ee Bulgaria ayaa waxaa uu xaqiijiyay siideynta markab laga leeyahay Britain oo ay la socdeen shaqaale u dhashay wadanka Bulgaria ka dib markii kooxahasi la siiyay lacag madaxfurasho ah .

Malaspina Castle oo ah markabka ay xoriyadiisa siiyeenbudhcad badeeda soomaalida ayaa waxaa saarnaa shaqaale u dhashay wadanka Bulgaria oo tiradoodu ahayd 16 nin kuwaasi oo la sheegay inay xaaladoodu wanaagsan tahay
Sidoo kale shirkad talyaani ah oo u shaqeeynayay Markabkan Xoriyadiisa Helay Habeenkii xalay ayaa waxaa ay xaqiijisay siideynta markabka Britishka ah .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee Bulgaria Millen Keremedchiev ayaa la hadlay wakaalada wararka ee Reuters isaga oo xaqiijiyay in markabka la siidayay balse uusan ka war hayn cadadka lacageed ee ay qaateen Burcada badda ee Soomaalida ah .

Markabkan ay siidaayeen kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ah ayaa waxaa uu ahaa markab Nooca Xamuulka culus qaada oo culeyskiisu dhamaa 32,000 oo tonne waxaana la qafaashay 6-dii bishii April ee aynu ka soo gudbnay
Dowlada Bulgaria ayaa ka hadashay Markabkan la siidayay iyo shaqaalaha Saaranaa waxayna sheegtay in shaqaalaha guud ahaan saranaa markabka ay gaarayaa 24 qof oo u kala dhashay wadamada Russian, Ukraine iyo Filipina waxaana saraakiisha dowlada ay sidoo kale xaqiijiyeen inay guud ahaan xaaladooda Caafimaad wanaagsan tahay shaqaalaha oo idil.

Andrew Mwangura Madaxa Xiririka Badmaaxiinta Bariga Africa ayaa waxaa uu sheegay isaga oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters in markabka la siidayay

Masuuliyiinta Dowlada Birtain weli wax war ah kama soo saarin warka ku aadan in la siidayay markab ay leedahay Dowlada Britain, Siideynta markabkani ayaa waxay ku soo beegmeeysaa xilli ay laba jibaareen burcad badeeda Weeraradooda Maraakiibta shisheeye ay ku qaadayaan
Budhcad badeeda Soomaalida Ayaa waxay gacanta ku haystaan in ku dhow 20 markab iyo shaqaale gaaraya 300 oo shaqaale ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayada Ka hadasha burcad badeeda oo fadhigeedu yahay Magaalada London

Xussen Siciid
togaHerer Malaysia

Leave a comment

May 2009
S S M T W T F
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031