Toggaherer’s Weblog

KHUBARO MARAYKAN AH OO TABABAR UGA FURTAY BERBERA XUBNO KA MID AH SIRDOONKA

Posted on: May 11, 2009

KHUBARO MARAYKAN AH OO TABABAR UGA FURTAY BERBERA XUBNO KA MID AH SIRDOONKA

KHUBARO MARAYKAN AH OO TABABAR UGA FURTAY BERBERA XUBNO KA MID AH SIRDOONKA

Dhawr iyo toban xubnood oo ka tirsan sirdoonka ayaa tababr uga furmay huteelka Maansoor ee magaalada Berbera.

Tababarkan ayaa sida la sheegay waxa casharo ka bixinaya khubaro Maraykan ah, waxaana uu socon doonaa muddo laba todobaad ah.

Ma jiraan war rasmiya oo ku saabsan tababarkann iyo waxyaabaha lagu baranayo midnaba, hasa yeeshee sida ay tibaaxeen warar ku dhowi tababarkan ayaa waxa lagu barayaa ka qayb galayaasha arimo la xidhiidha argagixisada iyo siyaabaha looga hortago ama looga digtoonaado, tababarkan oo todobaadkii hore dhexdiisii ka furmay Hotel Maansoor Berbera ayaan loo ogalay inay cidi u tagto, iyada oo huteelku u kiraysan yahay dadka tababrka qaadanaya oo kaliya.

Xubnaha sirdoonka ee tababarka halkaas ku qaadanaya ayay wararku xuseen inay ka kala yimaadeen gobolada Hargeysa iyo togdheer.

Waa markii ugu horaysay ee tababar noocan oo kale ah lagu qabto magaalada Berbera, kaas oo ay casharo ka bixinayaan khubaro Maraykan ahi.

Hay’adaha sirdoonka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ka caawiya Somaliland dhinaca qalabka iyo gaadiidka sirdoonka Somaliland.

HAATUF

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: