Toggaherer’s Weblog

DAGAALKA MUQDISHO EE MAANTA OO MASJID MADFAC KU DHACAY AY KU NAF WAAYEEN 15 RUUX

Posted on: May 11, 2009

DAGAALKA MUQDISHO EE MAANTA OO MASJID MADFAC KU DHACAY AY KU NAF WAAYEEN 15 RUUX

DAGAALKA MUQDISHO EE MAANTA OO MASJID MADFAC KU DHACAY AY KU NAF WAAYEEN 15 RUUX

Waxaa maanta halkiisi ka sii socdey dagaal culus oo maalmihii la soo dhaafey ka socdey Magaalada dagaaladu halakeeyeen ee Muqdisho, dagaalka maanta ayaa ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkii u danbeeyay, inta la ogyahay waxa ku nafwaayey dad gaaraya 50 qof halka isbitaalada la geeyay 150 qof oo ku dhaawacmey dagaladaas.
Waxaa maanta saacadu markey ahay 2 duhurnimo ku habsadey madfac Masjid la yiraahdo Cabdalle & Cawareere, Waxaa ku dhintey 15 qof halka dadkalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintey ayaa waxaa kamid ahaa Imaamkii Masjidka, goobjooge ku sugnaa goobtaas ayaa sheegay in dadka dhintey badankiis ay taagnaayeen Masjidka banaankiisa halkaas oo ay ku dhegaysanayeen Idaacad ay kala socdeen dagaalada.
Inkasta oo weli la maqlaayo rasaas teel teel ah ayaase Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam sheegteen guulo waaweyn, kadib markii ay la wareegeen meelo badan oo horey ay u joogeen Maxkamidihihii taageersanaa Dawladda Shiikh Shariif, wararka qaar ayaa sheegaya in Maxkamaduhu isku fiirsadeen dagaalka, oo ay jiraan Malayshiyaad badan oo ka tirsan maxkamadaha taageersan Shiikh Shariif, oo gacmaha ka
ka laabtey dagaalka.
Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho, Xerada Guulwadayaasha, Jidka sodonka ilaa Fagax,dhamaan deegaanka Xarayaale saldhiga Wardhiigley intaba waxaa hadda ka taliya Xisbul Islaam & Al-shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: