Toggaherer’s Weblog

CIIDAMO HOR LEH OO ETHIOPNAIN AH OO SOO GAARAY QAYBO KA MID AH GOBOLKA HIRAAN

Posted on: May 11, 2009

CIIDAMO HOR LEH OO ETHIOPNAIN AH OO SOO GAARAY QAYBO KA MID AH GOBOLKA HIRAAN

CIIDAMO HOR LEH OO ETHIOPNAIN AH OO SOO GAARAY QAYBO KA MID AH GOBOLKA HIRAAN

Baladwayn 10 May 2009 (THN)
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaarida dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe waxay soogaareen tuulo lagu magacaabo Farlibaax oo dhanka waqoyi bari kaga began Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan .

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa markii ay halkaasi soo gaareen waxay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyagoo hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaana sidookale ay ku dhawaaqeen Bandow ay ku soo rogeen Tuuladaasi .
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ah kuwii ugu horeeyay ee soo gaara gudaha Gobolka Hiiraan wixii ka dambeeyay ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa imaatinkooda goboolka hiiraan .

Hadalheynta maanta gudaha magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiraan ayaa waxay tahay imaatinka ciidamadaasi itoobiya iyo sababta ka dambeysa waxaana wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya tuulada Farlibaax ee ay soo gaareen ciidamada Itoobiya ay sheegayan inay ku sugan yihiin ciidamadii itoobiya ee soo gaaray kuwaasi oo howlo baaritaan iyo xanibaad inta isticmaaleysa wadooyinka degaankaasi ka wada .

Ugu dambeyntii dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka ka agdhow goobaha ciidamada Itoobiya ay soo gaareen ayaa waxay muujinayaan cabsi ayka qaban waxyaabaha dhicidoona hadiiba ay ciidamada Itoobiya u soo gudbaan qeybo ka mid ah tuulooyinkooda inkastoo aan la ogeyn qorshahooda, in ay soo dhaafi doonaan goobaha ay ku sugan yihiin iyo in ay dib isaga laaban doonaan .

Axmed Maxamed Cali
Togaherer Muqdisho

Leave a comment

May 2009
S S M T W T F
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031