Toggaherer’s Weblog

WARARKII U DANBEEYEY EE DAGAALKII AY JABHADA OGAADEEN KU SOO QAADAY HABAASWEYN IYO KAMAROOYAAN

Posted on: May 10, 2009

WARARKII U DANBEEYEY EE DAGAALKII AY JABHADA OGAADEEN KU SOO QAADAY HABAASWEYN IYO KAMAROOYAAN

Hargeysa 08 May 2009 THN
Wararkii Udanbeeyey ee naga Soo gaadha Rabasso Iyo Awaare oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegaya In Weerarkii ay Soo qaadeen Jabahada ONLF oo Garabsanaysa Beesha Ogaadeen kuna soo qaadeen Beesha Ciidagale ee Degta kililka 5aad goor habeenimo ah maxsuulka khasaaraheedu yahay Dhimashada Laba Ruux oo shacbi ah oo mid yahay Oday Waayeel ah oo lagu dilay Habaasweyn Halka ka kalena Yahay Wiil Dhalinyaro ah oo isna ay ku dileen Magaalada Kamarooyaan oo Beesha Ciidagale ah .

Dhinaca Jabahada ONLF waxa ka dhintay Hal Nin mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac culus ka dib markii ay weerarka soo qaadeen iyada oo ay kala kulmeen Magaalada Kamarooyaan is rasaaseyn.

Waxa jira iyana Fadhato ay fadhataysteen Magaalooyinka ay soo weerareen Iyaga oo meherada ku yaala baadhay wixii hanti hoos yaalayna qaatay Iyada oo aanan helin wali khasaaraha Maaliyadeed inta ay leegtahay.

Ragii odayaasha ahaa ee ay qafaasheen oo tiradoodu dhamayd 11 Oday ayaa ay dhamaan soo daayeen inkastoo oo ay u geysteen jidh dil ba’an , Ka dib markii ay ka war heleen in beesha Ciidagale qabatay Tiro 13 nin ah oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen kuwaas oo laga soo qabqabtay Aaga sare ee u dhaxeeya Ogaadeen Iyo Ciidagale, sidoo kale beesha Ciidagale ayaa iyana dhinacooda sii daysay Ragan ay qabqabteen.

Labada Nin ee dhintay Ayaa magacyadadooda naloogu sheegay.
1- Oday La odhan Jiray Dafle oo ahaa odayaasha Habasweyn.
2- Ina Muxumed Shiine oo ahaa Wiil Dhalinyaro ahaa oo isna ay ku dileen Kamarooyaan.

Dhinaca ONLF waxa ka dhintay Hal Askari oo ay qaateen maydkiisa iyo nin dhaawac culus ah .

Xaalada Deegamada Weerarku ka dhacay ayaa haatan Degen.

Warqabdka TogaHerer
Hargeysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: