Toggaherer’s Weblog

SHIR LAGAGA XAAJOONAYAY SIDII LACAG LA AAN LOOGA DHIGI LAHAA WAXBARASHADA DADKA LAG TIRO BADAN…

Posted on: May 10, 2009

SHIR LAGAGA XAAJOONAYAY SIDII LACAG LA AAN LOOGA DHIGI LAHAA WAXBARASHADA DADKA LAG TIRO BADAN…
Gabiley 07 May 2009 THN
Shir Hawleed Lagaga xaajoonayay sidii Looga Dhigi lahaa Dadka Laga tirade badan yahay in Waxbarashada Looga dhigo Mid Lacag La,aan ah ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Dawladda Hoose ee Gobalka Gabiley .

Shirkaasi oo ay ka Qaybgaleen Wasiirka Dib-udejinta ee Somaliland Mudane Maxamed yuusuf , Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee JSL Mr Xirsi dheere , Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Mudane Mahdi Cismaan Buuri , Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed axmed aw cabdi (Xabiib) Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Gabiley Mudane aaden Muxumed Badde ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka Wajaale iyo Allaybaday iyo weliba Injineer Muuse Dubad , Xassan Daayiq , Sahra Muuse oo iyana dhinaca Beesha Gabooye uga Qaybgalay Shirkan.

Kulankaasi oo laysku Waafaqay kuna Dhamaaday is afgarad waxaa laysla gartay in Dadka laga tirada badanyahay ee Deggen Deegaanka Gobolka Gabiley Adeega Waxbarasho Looga Dhigo Lacag La,aan Bilow ilaa Heer Jaamacadeed .

Kulan Hawleedkan oo ah kii ugu Horeeyay ee Noociisa ah isla markaasna ah Qorshihii ugu Horeeyay ee Dalka ka bilaabma ayaa waxa uu Waxtar iyo Qiime weyn u yeelan doonaa Dadka kasoo Jeeda Beelaha Gabooye ee ku dhaqan Gobolka Gabiley si ay dhinaca waxbarashada ay Mujtamaca ay la Nool yihiin ee walaalahood ah ay usoo Gaadhaan dhinaca cilmiga .

Haddaba Gobolka Gabiley ayaa ah Goob ay Dadka laga Tirada Badanyahay si Xor ah oo Cidhiidhi ahayn ugu Noolyihiin waxaanay sida Muwaadinka Caadiga ah Beelaha Gabooye ugu Noolyihiin Nolol aan Yasid lahayn habayaraatee iyadoo qaarkoodna ay La dhiig Baxaan ama la bixiyaan qaadhaanka Beelaha Deggen Gobolka Gabiley .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com
0025224410416

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: