Toggaherer’s Weblog

MASLAXADDA UMADDU KA WAYN SAXEEX BAA LAGA CUDUR-DAARTAY IYO SAXEEXA

Posted on: May 10, 2009

MASLAXADDA UMADDU KA WAYN SAXEEX BAA LAGA CUDUR-DAARTAY IYO SAXEEXA
“Ilaahay dadka Madaxda xumaanta kula taliya ha inaga ilaaliyo”

“Maslaxadda umaddu ka wayn saxeex baa laga cudur-daartay iyo saxeexa”

Sheekh Maxamed Aadan

“Mushkiladdan imika ina haysata waxa weeye, dhaqan kale ayaynu soo qaadanay oo aynu dabbaqi kari la’anahay.”

“Wax yar oo basiid ah yaan laysku qabsan ee haddii sulux dhaco waa in la qaataa wixii ka soo baxay”

“Haddii laysu tanaasuli waayo, wallaahi waynu baaba’aynaa”

“Waxa jira wax Xukun la yidhaahdo oo ah in muddicigu uu Maxkamad wax ka soo dacweeyo, in uu Xaakimku cadli ahaado ayuun baa shardi ah, dabadeedna wixii markaa ka soo baxa uun lagu dhaqmo. Taas xukun baa la soo saarayoo, ka hadal ma leh. Mid kalena, sulux ama wada-hadal baa la yidhaahdaayoo, wax xukun ahi ma dhacayaan, waanu khilaafsan yahay shuruucda Xukunka oo waa nimaad lagu heshiinayo. Suluxu ma dhacaayo ilaa la heshiiyo oo dhinacyada is-hayaa ay ogolaadaan oo waxa kaliya oo uu suluxu ka dhex dhacaa laba dhinac oo ogol in la dhex galo. Balse, haddaanay in la dhex galo ogolayn, ma dhacayo.” Sidaa waxa yidhi Iiimaamka Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa, islamarkaana ka mid ah Culimada Somaliland Sheekh Maxamed Aadan oo khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay kaga hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka Siyaasadeed ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in heshiis lagu dhammeeyo. Waxaanu ka waramay siyaabihii Rasuulku (CSW) uu u geli jiray heshiisyada.

Sheekh Maxamed Aadan oo khudbaddii Af-Sooomaaliga ahayd ee Salaaddii Jimcaha ee shalay ee uu ka jeediyay Masjidka Cali Mataan, waxa kale oo uu kaga hadlay cidda uu heshiis dhex mari karo, isla markaana hababkii uu Rasuulku (SCW) heshiiska u geli jiray wuxuu tusaale u soo qaatay Heshiiskii Xudaybiya, kaas oo Rasuulka iyo Gaaladii Quraysheed ee Maka dhex maray sanadkii 6aad ee Hijriyada Islaamka. “Suluxu wuu dhex mari karaa Gaalo iyo Muslim ama Muslimiinta dhexdooda. Bal aynu eegno sida uu Rasuulku (SCW) sulux ula galay Gaaladii.

Heshiiskii Xudaybiya, sanadkii 6aad ee Hijriyada ayaa iyada oo Gaaladii haysata Maka uu damcay Rasuulku in ay soo cimraystaan, waxa uu kaxaystay 1,400 oo Saxaabi, intii aanay bixin ayuu Rasuulku (CSW) waxa uu la tashaday Saxaabadii oo uu yidhi maxaynu yeelnaa. Waxay yidhaahdeen, Nebi Allow Dagaal uma socono, waxaanay qaateen Hub fudud. Markii ay u jihaysteen dhinicii Maka ayay Gaaladii ogaadeen in uu Nebigii ku jihaysan yahay, dabadeed waxay go’aan ku gaadheen oo ay yidhaahdeen, ha noqdo (Rasuulku) oo in uu cimraysto waxaanu ka xignaa Dhiig daata iyo Dagaal. Rasuulku wuxuu u diray Cismaan Binu Cafaan, si uu ugu soo qanciyo Gaalada in aanay Dagaal u socon ee ay Sulux doonayaan, iyana way diideen.” Ayuu yidhi Sh. Maxamed Aadan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa dhacday in ay dheeraato waqtigii ku-talo-galku uu ahaa in uu Cismaan maqnaado, dabadeed Rasuulka waxa u yimi War odhanaya in ay Cismaan dileenba. Rasuulku wuxuu yidhi Dagaal aynu galno mar haddii Ergadii aynu dirnay la dilay. Dabadeed, Gaaladii baa tidhi 1,400 oo aynu dagaal la galnaa wax uun bay ina yeeli karayaane, yaanay ceebi ina raacine aynu heshiiska la galno, oo qodob aynu ku adkaysano ah in aanay sanadkan soo gelin Maka, mar kale haba yimaadeene iyo qodobo kale oo aynu raacino. Nin Suhayl la odhan jirayay ayay soo dirteen..wuxuu u yimi Rasuulkii iyo Saxaabadii, dabadeed wuxuu u sheegay in ay diyaar u yihiin Heshiiska.” Waxaanu Sheekhu ka hadlay qodobadii uu ka koobnaa Heshiiskaas iyo siyaabihii uu Rasuulku uga tanaasulay. “Heshiis buu la saxeexday Afar qodob ka kooban;

1-Sanadkan Adiga (Rasuulka) iyo Saxaabadaadu waad ka noqonaysaan Maka, laakiin kal dambe yimaadda oo idinka oo dhibaato samaynin saddex maalmood jooga ee aad cimraysataan, iska noqda.

2- Muddo 10 sanadood ah ma dagaallamayno.

3-Koox ama Qabiilo hadday go’aansadaan inay Muxammed (Rasuulka) ku biiraan way u furan tahay, hadday go’aansadaan inay Qurays ku biiraan-na way u furan tahay.

4-Haddii Maka cidi ka soo baxdo oo ka soo baxsato Quraysh, una soo gasho Muxammed (Rasuulka), waad noo soo celinaysaan, haddii ay idinka cidi idinka soo baxsato oo Quraysh ama Maka soo gasho, idiinma soo celinayno.

Waa go’aano adag, waxaana qorayay Cali Binu Abii Daalib. Halkaa markay marayso ayuu Rasuulku (SCW) wuxuu u yeedhay Cali Binu Abii Daalib oo uu ku yidhi qor Heshiiska. Cali baa dabadeed ku bilaabay Qoraalkii, Bismillaahi Raxmaani Raxiim, dabadeed Suhayl baa yidhi, Bismillaahi gartay, laakiin Raxmaani Raxiim maan garan ee ka saar maba garanayee. Nebigii wuxuu yidhi, Bismillaah ugu qor hadduu ku qancayo. Markii uu Cali soo gebogebaynayay Qoraalkii Heshiiska ayuu ku qoray, waxa heshiiskan soo saaray oo gaadhay Rasuulka Ilaahay ee Maxamed. Markuu halkaa marayay, ayuu Suhayl yidhi, joog-joog, Muxamed inaad tahay waynu isla ogolnahay, balse haddaanu Rasuul kuu aqoonsanahay arrinkaba iskumaynu qabaneen ee taana meesha ka saar. Rasuulku (SCW) wuxuu yidhi, Caliyow ka saar Rasuulkii Ilaahay. Cali wuu ka cadhooday, waxaanu yidhi ma masaxayo, balse Rasuulkaa inta uu Gacantiisa ula tegay ka masaxay Rasuulkii ILaahay. Waxaanu Ninkii Gaalada ka socday ee Suhayl ku yidhi, iba beeniya oo, Rasuulkii Ilaahay inaan ahay shaki kama jiree, balse haddaad qabsatay Muxamed Ibnu Cabdullaah ayaa laguugu qoray. Sababtoo ah, Rasuulku mustaqbalka ayuu eegayay.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa dhacday intii Heshiiska la qorayay in uu goobtii heshiiska yimi Nin ka soo baxsaday Quraysh, dabadeed Suhayl baa ku yidhi Nebiga I dhegayso, qodobada Heshiiska waxa ku jira qodob odhanaya in aad noo soo celiso ciddii naga soo baxsata ee Ninkan ka bilow hadda oo celi. Rasuulkaa yidhi, hadda weli maynu dhammayn Heshiiska ee kani kuma jiro wixii dambe mooyaane, balse wuxuu yidhi, may-may ilaa aad fuliso mooyaane..Rasuulku wuxuu ku yidhi Ninkii ka soo baxsaday Quraysh, iska noqo oo raac Ilaahay Faraj buu furi doonaaye, waar adna kaxayso.”

Iimaamka Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan waxyaabihii uu Khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay ka mid ahaa xaaladda waqtigan dalku marayo iyo Heshiiska qabyada ah ee saxeexiisa aan laysku waafaqin ee u dhaxeeya Axsaabta Mucaaradka ah iyo M/weyne Rayaale. isaga oo ku dabbakhay sida uu Rasuulku uga tanaasulay qodobada Heshiiskii uu Gaalada la galay qaarkood. Waxaanu ku tilmaamay mid burbur keenaya haddaan heshiiska la gaadhin, oo aan wada-hadal wax lagu dhammayn. “Walaalayaal inaga Bulshadeena Muxaafad iyo Mucaarad waa meelo soke, Usbuucan waxa soo baxayay Heshiiska waa la diidan yahay, waa la aqbalay, waa laga cudur-daartay, waxaasi khal-khal iyo dib-u-dhac uun bay ku keenaysaa horumarkeenii, Diinteenii iyo dadnimadeenii. Umaddanna hadday isu tanaasuli waydo, umaddani hadday wax wada qaadan waydo, umaddani hadday wax isu ogolaan waydo, wallaahi waynu baaba’aynaa oo waynu burburaynaa.” Ayuu yidhi Sh. Maxamed, waxa uu baaq u jeediyay dhinacyada Siyaasadda ee Somaliland. “Markaa imika waxaan uga jeedaa waxaas oo dhan, halka maanta laga leeyahay saxeex baa laga cudur-daartay iyo saxeex, maslaxadda umaddu intan wax ka wayn weeye. Haddaynaan isu tanaasulin, umad jirta noqon mayno, ballamahaynu galnana waxba ka hirgeli maayaan. Waxaan leeyahay, maalin walba qodob baynu isku haysanaa, waar maalin walba markay soo dhawaato hadday kala kacdo, ceebteeday leedahay, umadduna horumari mayso. Walaal waxaan leeyahay, Ilaahay baa nagu og oo dalkan wanaaggiisaanu doonaynaa ee waxaanu leenahay wax yar oo basiid ah yaan laysku qabsan ee haddii sulux dhaco waa in la qaataa wixii ka soo baxay. Imika umaddii xagaaga iman jiray marka la yidhaahdo haddana waa lays haystaa, way iska joogaan oo iman maayaan.” Ayuu yidhi Sh. Maxamed Aadam.

Dhinaca kale, waxa uu Sheekhu sheegay in haddii la qaadan lahaa dhaqanka Diinta Islaamka ay yaraan lahayd muranka Siyaasadeed ee dalka ka taagani. “ Walaalayaal Xalku diin buu ku jiraa, mushkiladdan imika ina haysata ee aanu Anigu dareemayaa waxa weeye, dhaqan kale ayaynu soo qaadanay oo aynu soo waaridnay, kiina waynu dabbaqi kari la’anahay. Haddii dhaqan Islaam aynu qaadan lahayn ama aynu keena qaadan lahayn, sax bay ahaan lahayd. Laakiin, dhaqan kale ayaynu qaadanay oo waynu wareersanahay, markaasaa maalin walba halkii horumarka shacabka aad ka hadli lahayd ayaad saddex bilood ka hadlaysaa waar wada hadla, waar is-af-garta, waar is-waafaqa.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed. Waxaanu sheegay maadaama Rasuulku qodobada qaarkood Ilaahay faray uga tanaasulay maslaxadda Umadda, loo baahan yahay in lagu daydo oo danta dalka iyo dadka looga tanaasulo waxyaabaha qaarkood. Isla markaana lagu dhammeeyo khilaafka is-af-garad.“ Walaal waxaan leeyahay, waar arrinka dhammeeya oo go’aankaasi sida uu u soo baxay ha loo qaato, waayo waa sulux. Waxanna waa wax aynu inagu gacanta ku samaysanay, sababtoo ah, haddaynu eegno qodobadii uu Rasuulku (SCW) qaatay, marka uu Ilaahay leeyahay Gaalo ha yeelin ee uu heshiiska la galay, una tanaasulay, miyaanay u muuqan in uu khilaafayo heshiiska uu la galay Gaaladu hadalka Ilaahay..balse, Rasuulku wuxuu eegay Mustaqbalka iyo maslaxadda umadda. Waxaynu leehanay, ilaahay xaqa ha ina garansiiyo, ilaahay dadka Madaxda xumaanta kula taliya ha inaga ilaaliyo, oo kuwa wanaagga iyo suluxa kula taliya ha inoo badiyo.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadam oo duco ku soo gebo-gebeeyay khudbaddii Af-Soomaaliga ahayd ee Jimcihi shalay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: