Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE RAYAALE OO DIGNIIN CULUS U JEEDIYEY MUCAARIDKA

Posted on: May 10, 2009

MADAXWEYNE RAYAALE OO DIGNIIN CULUS U JEEDIYEY MUCAARIDKA

Waxaad moodaa inay muddo badan qolo saaxiibaday ahi ay ka hadlayeen Tv-yada iyo Warbaahinta, si kooban baan maanta uga hadli doonaa arimahan ugu dambeeyey ee murankoodu taagnaa iyo qodobo kale oo aan is leeyahay markaa in La yara taabto ayey u baahan yihiin, Iyadoo ay 18 may soo socoto oo hadalkayga inta badan waktigaa aan u dhigan doono. Waxaa baryahan mudaba Socotay ilaa Sanadkii hore in eed aanay xukuumadu Lahayn Xisbiyada Mucaaradku markastaba ay dusha ka saaraan xukuumada, iyagoo leh Xukuumada ayaa markastaba dib u dhigta doorashada.

Sidaa waxa uu ka sheegay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxaanuu kaga hadlay qodobo dhawr ah, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Xukuumada iyo Asxaabta Qaranka, Doorashooyinka soo socda, tahriibka iyo arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ” Waxaad moodaa inay muddo badan qolo saaxiibaday ahi ay ka hadlayeen Tv-yada iyo Warbaahinta, si kooban baan maanta uga hadli doonaa arimahan ugu dambeeyey ee murankoodu taagnaa iyo qodobo kale oo aan is leeyahay markaa in La yara taabto ayey u baahan yihiin, Iyadoo ay 18 may soo socoto oo hadalkayga inta badan waktigaa aan u dhigan doono. Waxaa baryahan mudaba Socotay ilaa Sanadkii hore in eed aanay xukuumadu Lahayn Xisbiyada Mucaaradku markastaba ay dusha ka saaraan xukuumada, iyagoo leh Xukuumada ayaa markastaba dib u dhigta doorashada.

Idinka iyo anaguba Waan is ognahay waxa dib u dhigay, waxaa dib u dhigay Nidaam Cusub oo kii hore ee aan doorashada ku galnay aan ahayn ayaan qaadanay , oo ah diiwaangalin kaas oo suuro gal ka dhigi waayay in doorashooyinku Wakhtigoodii ku qabsoomaan. Xukuumadu markasta iyadaa diyaar u ahayd, sanadkii hore haday qabsoomayso in la qabto ayay diyaar u ahayd, maalin in lagu daro diyaar umay ahayn, doorasho in la qabto anaa bilaabay dalkan, nin doorasho iigu faani karaa ma jiro Doorashooyinka iyo Dimuqraaadiyadana anaa dalka ka bilaabay , anaa baarlamaankii hore markuu doorashada Sharci Sadex meeloodoow laba meelood ku baas gareeyay ( Sadex meeloodow laba meelood ) , si aanay doorasho u dhicin muddo shan sanno (5 Sano) oo aan Baarlamaankana loo dooran anaa maxkamada geeyey, anigoo 62 Xubnood oo Golaha Baarlamaanka ahi markaas UDUB ay ahaayeen oo ay waydiisanayeen mar hadaanu u codaynay two third majority (sadex meelood laba meelood) waxaan codsanaynaa inaad noo saxeexdo, waayo sharcigu wuxuu qorayay inaan sexeexo, two Third Majoratina mar haddii ay labada gole ku baas gareeyeen ama inaan Dacwad qoro oo aan Maxkamada dastuuriga ah geeyo, maxkamada dastuuriga ayaan geeyay markaan geeyay waan ogaa doorashada in aanan helayn marnaba 62 Xubnood ee UDUB-ta ah ee Koontiribuushan ka sita (Contribution), Laakiin ujeedadaydu markaa waxay ahayd inaan dalkan dimuqraadiyada geedi socodkiisa horumariyo oo aan marnaba la hakin, oo aan u arkayay markastaba Caalamkan in badana oo ina dafirsan inaan Markastaba Mucjisad kaga iibino qadiyadeena ay dalkeena ka soo baxdo, run ahaantii dadwaynuhuna si sharaf iyo Karaamo leh ayay uga qayb qaateen.

Tan ugu dambeysa waxyaabaha loo baahan yahay dalkan oo nabad gelyada wax u dhimi kara , Khalkhal galin kara ayaa la sameeyay, nimankaa Gidaar noo dhexeeyaa ma jiro, iyadoo cidna ii iman ayay ii iman karaan albaab kayaguna kama xidhna, hadaanu arrin ka wada hadlayno iyada oo aan suuqa laga qaylin, iyada oo aan suuqa buuq laga samayn, wax alla wax nakal hor yaalaa ma jiro, xafiiskayguna mid ka xidhan maaha haddii tilifoon igala soo hadlaan anigu waxaan ahay ninka u diyaar ah ee qaabilaya ee ogol inay wada hadlaan dalkana ka wada hadlaan Maslaxadana ka wada hadlaan, ninka u diyaar ah ayaan ahay, laakin waxaa laga doorbiday inaan waxaas oo dhan aan dan laga galin, dadka maalin kastaba hadal naxliya oo qalalaase ummadan galinaya in la isla taago suuqyada, Joornaalada lagu qoro, warbaahinta laga sii daayo, dadka tallo ka dhaxayso talluu isugu yimaadaa, ee maaha inuu Sheeda iskaga soo qayliyo”

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay go’aanadii Guddida dhexdhexaadintu soo saareena, waxa uu yidhi “Odayadu haday noo yimaadeen kalsooni baanu siinay, oyadii noo yimidse go’aan bay gaadheen heshiiskuna muu ahayn inaanu anagu heshiis kala sexeexano, Go’aan iyagu ay gaadheen bay ahayd, Go’aankaas xukuumadu way soo dhawaysay, waanay aqbashay imikana waan aqabal-sanahay, ninka diidani waxa weeyi ninka Murano kale iyo Shuruudo aanu qorayn Go’aanka daba dhigaya ee leh waxbaa la sexeexi waayay, maxaa aniga iyo sadexdayada Xisbi wax baanu iskugu nimide waxaanu wada saxeexanaynay ma jirin, dadbaan tallo u dhiibanay talada ay soo qoreena waan qaadanay in lagu dhaqmo uun baa meesha taala,arrin kale oo meesha yaalayna ma jiro”.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu ka hadlayay muranada Xisbiyada Mucaaridka waxa uu yidhi “Xukuumad ahaan xiiso uma qabno. 1- Inaanu murano raga saaxiibadayada ah ama inay sii wadaan hadalkoodaa aanay cidna ugu tudhayn ee ay hawada kusii daynayaaan, doorasho inaan galno ayaan anigu diyaar u ahay 27.09.2009, Waqtigaa ay komishanku cayimeen ee aan digreetadana aan ku soo saaray oo sharciya ayaan ku galaynaa, waxaaN ka digayaa Xisbiyadu muran ka horeeya doorashada inay la yimaadaan oo carqaladeeya Geedi-socodka iyo habsami u socodka Doorashooyinka inagu soo aadan”

Madaxweynuhu mar uu la hadlayay Hay’adda Interpeace iyo deeq bixiyayaasha waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan halkan fariin uga gudbinayaa Hay’ada Inter Peace iyo deeq bixiyeyaasha, ugu dambayn 27. July 2009, bay sheegeen baan u malaynayaa, markaa anigu 15 June inay soo saaraan Natiijada ayaan waydiinayaa waanan ku boorinayaa Komishanka iyo iyaga, waxaana nagu waajib ah Xisbiyada, Xukuumada iyo Komishanka inaanu ka wada shaqayno sidii ay suuro gal u noqon lahayd natiijada halkaa ka soo baxdaa inaanu ku hawl galno oo aynaan mar dambe waxbaa la kordhiyay iyo Wakhti dambaa la sameeyey toona in loo baahdo anigu ma aaminsani 27.09.2009, insha alaahu inay dhacdo halkaana lagu kala faraxasho ayaan ilaahay ka baryayaa”

Madaxweynuhu mar uu la hadlayay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka waxa uu yidhi “Waxaan Saaxiibadday halkan uga gudbin lahaa anigoo Madaxweynihii Qaranka oo la ii doortay Madaxwayne imikna tartan ku jira iyo labadiinan kale ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe, Waxaan leeyahay Sadexdeenu Dadka kama fiicnin qaar badan oo u qalma inay Madaxweyne u tartamaan baa dalka jooga, nasiibaan u helnay inaan sadexdeenu u tartano Madaxwayne-nimada, markaa waxaan odhan lahaa dadka aan u tudhno oo hadalada naxliga ah ee saska ku keenaya ee khilaafka ku keenaya inaan uga tudhno oo aynu nasiibkeenana ugu mahad naqno dadkaa inagu ixtiraamay , shuruucda dalkana waa inaynu ixtiraamnaa. Waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa dalkan Doorashadani waa tii afraad, tii koowaad maaha dadkeenu jidbaa u bilaabmay ah inay Vote Paper inagu doortaan, warqad codka oo lagu rido oo kaliya iyada oo aan la is dagaalin ama aan dadka la isku xasaradayn, iyadoon buuq la samayn, tii arfaad baan buuq samaynaynaa ilaahayna inaga aqbali maayo ninka layimaada, dadkuna ka aqbali maayaan. Waxaan leeyahaya bayl of beeberkaasi ayay umadani jid ka dhigatay kaas ayaanay ku soconaysaa, inagu wakhtiga aynu joogno iyo Wakhtiga dambe cidii timaadaba, kaa inaan ka wada shaqayno baa loo baahan yahay, looma baahna buuq iyo qaylo iyo xag-xagasho iyo waanu is haysanaa, rag badani markay hadlayaan waxaad moodaa inay aniga wax iga sheegayaan, anigu uma haysto inay aniga wax iga sheegayaan ee dalkay wax ka sheegayaan ayaan aaminsanahay, waxaan jirin bay sheegaan, inaanu sharci jirin bay sheegaan. hadaba laba sideen iskugu helaynaa anigu inaan maarkidgareeyo (iibinta qadiyada Madaxbanaanida JSL), inaan idhaahdo waar halana aqoonsado iyo waxbaan qabsanay oo saaxiibadayna mafiiqdaa idaba sitaan oo ay yidhaan waxba ma jiraanoo meel loo socdaa ma jiro oo waanu is haysanaa, waanu kala tagaynaa iyo waanu is-dilaynaa oo maalin kastaba laga soo hadlo dibada oo la yidhaahdo maad is dilaysaan”.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu ka hadlayay Xisbiga Kulmiye oo mudaharaad ay kaga soo hor jeedeen Somaliland ku qabanayay UK oo fashilmay waxa uu yidhi “Waxaa Xusuus mudan bari dhawayd waanigii Ingiriiska tegay, maalintii hore ee aan halkan ka waramayay kamaan waramin, waxaa jirtay waxaan markii u horaysay la kulanay High Secretary Of State, awal under Secretary ayaan la kulmi jirnay taas oo aad u arkaysay in Istaatiskeenii kor loo qaaday, Chattam house baan ka hadlay oo aan khudbad ka jeediyay oo waad hesheen baan u malaynayaa wixii aan ka jeediyay, KULMIYE inay London Mudaharaad iigu sameeyaan ayay u diyaar garoobeen, bal waxay iigu mudaharaadayeen baan garanwaayay, ilayn markaan samada isku haysano, markaan qaddiyada Somaliland iibinayo waxa loo mudaharaadayo maan garan, waxaa loo ogolaaday Sabtidii oo qoloda Hudheelkaa ii sheegtay, Arbacana waan soo baxayay nasiib wanaag waan ka soo hor baxay, waxay ka mudaharaadayeen baan garan waayay anigu qadiyadii Somaliland baan iib-geeyee, Ma Somaliland ma rabno ayay u mudahaaradayeen. Waxyaabaha inaga lumay ee aanay saaxiibaday marnaba u tudhayn, dawladi ma jirto, dawladii hadaanay jirin, iyaguba maxay kaga duwan yihiin kuwa yidhaahda Somaliland ma jirto, dawladu way jirtaa nidaam uun baana lagu bedelayaa, nidaam aan dhiganay uun baana lagu bedelayaa , in la yidhaahdo dawladi ma jirto arrin meesha leeg maaha, oo meesha qabata arrin gaf ah baan u arkaa .

Anigu meeshan waxaan ku imid doorashoda aan sheegay iyadaanan kaga tegayaa dadwaynahaas ayaan ku joogaa kalsoonidooda, Kalsoonida asxaabta mucaaradka kuma jooga, kalsoonida dadkii I doortay baan ku joogaa, Iyagaanan u mahad naqayaa, haday mar labaad I doortaana waan u mahad naqayaa labadaba, Xasarada cidaan daba wadaana ma jirto, waxaan leeyahay doorasho go’aanka Xukuumada weeyaan qiimo kastoo ay ku kacayso inaan mar dambe loo baahan, wakhti dambe oo aan ahayn 27.09.2009, hadduu ilaahay yidhaahdo ay doorashadaasi ku dhacdo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay tahriibka waxa uu yidhi ”Mid kale ayaan halkan kaga hadlayaa, oo ayaandaro ah in xanuunkii Afrikoo dhan hayay inagu soo wareegay oo caruurteenii ay tahriib galeen, waana arrin nasiib daro ah, waxaan leeyahay dhalinyarada waa inay joojiyaan Tahriibka, waayo wax alla wax ka soo galayaa ma jiraan, wax alla wax dan oo lagu gaadhayaana ma jirto, waan ogahay shaqo la’aan badani way baahan santahay oo way jirtaa, laakin markaynu dib ugu noqono ilaa 1991-kii, maalinba maalinta ka dambaysa ayaynu ka nolol fiicanahay sidaynu ahayn, sabab macquul ah oo ay dadkaasi Tahriib u galaan ma hayno, waayo Jaamacadihii baan haysanaa, iyadoon Iskuul jirin oo aan Secondary jirin ayaynu joognay, hadda waxbay baranayaan Jaamacad bay ka baxayaan, Obarjunatisku (Opportunities) Mustaqbalka way soo socdaan, dhalinyarada waxaan leeyahay jooga, waalidiintana waxaan leeyahay caruurtiina waaniya, waalidiinta qaarbaa markuu ku daalo ilmahooda guryhooda u iibiya, meherad inay u furan baa ka fiican, gurigiibay iibinayaan oo ay leeyihiin orod oo baddan ku dhimo, waxaa ka fiican in tukaan loo furo ama meel ay ka shaqaystaan, anigu markaa waxaan u soo jeedin lahaa dhalinyada Somaliland, arintaasi Mustaqbal ma leh wadankiina aamina ilaahay faraj deg deg ah ayuu keeni doonaa insha alaahu wadanka, wuu iman doonaa farajyo badani, Ilaahayna hadduu inagu simo wakti ay iman doonaanba fursado shaqo ayaa jiri doonta , dad badan ma nihin markaan runta idiin sheego, Oborjunitis(Opportunities) yari haday noo furmaan inay dad kale oo shaqaale ahi ay dalkeena yimaadaan, Waa 200,000 Km2, ayuu ku dhow yahay wadankeenu, tiraddeenuna 3 to 4 Million bay caga cagaynaysaa, dalalka adduunka Poplition-koodu badan yahay, Bablayshankeena yar iyo Dalkeena weyn iyo khayraadka ku jira hadaan ku guulaysano oo dedaalka wadno ilaahayna inagu guuleeyo, waxaan aaminsanahay in sida dalalka Carabta inuu dalkeenu baradhays noqon doono oo wax badan aynu gaadhi doono”.

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu yidhi “Waxa kale oo jira dhalinyar badan oo inaga ah oo Xamar la geeyay oo la duufsaday oo tahriibka wax ka xun kuwa la barayo oo is-qarxin la barayo, kuwaana halkan fariin baan uga gudbinayaa, waxaan leehayay waan idin cafinayaa ee ku soo noqda dalkiina, meeshaad joogtaan waad arkaysaan waxa yaala dalkiina ku soo noqda noloshiina dib u bilaaba , walidiintana waxaan leeyahay caruurtiina soo celiya, qofku inuu is-dilo if iyo aakhiro toona waxa uu helayaa ma jirto, waxa kale oo aan leeyahay dhalinyarada ka waantooba, waana kuwa hadhaw cadawga ku noqon-doona dalkeena intaasaan halkan uga gudbinayaa run ahaantii.
Waxaan u malaynayaa waan ku dheeraaday baan u malaynayaa, taa iigu muhiimsanina waxay ahayd doorashadaasi insha allaahu Xukuumadu wax alla waxay kala hadhi doonto ma jiri doonto inay dabada ka riixdo mooyaane , dhamaan State Holders, Inter Peace, Komishanka intuba sidii ay doorashadu suuro gal u noqon lahayd inay Doorashadasi 27.09.2009, ay ku qabsoonto oo aan muran dambe iyo qalalaase dambe loo baahan, Saaxiibadayna waxaan leeyahay qalalaase uma baahnin”.
Intaas ka dib Suxufiyiintii shirkaasi Jaraa’id ka qeyb galay waxay Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ay wediiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen sidan:

S: Xisbiyada mucaaridka ahi waxay ku baaqeen in la kala diro Komishinka ka xisbi UDUB ahaan iyo dawlad ahaan maxaa idiinka meel yaala?
J: Horta awood ma u leeyihiin inay komishinka bedelaan, wax aanad awood u lahayn haddii aad ka hadasho, haddii kale waxay noqonayaan cid ka hadlaysa wax aanay ogayn.Komishinka waan magacaabi karnaa nidaam lagu sharciyeeyo ayuu marayaa, cid awood u leh inay erido ma jirto.
S: Madaxweyne Xisbiga KULMIYE waxaad sheegtay inay ku mudaharaadayeen markii aad tagtay Ingiriiska, Guddoomiyahooda dhawaan markii aad kulanteen ma kala xaajootay?
J: Runtii kalama aan hadal, waayo wuxu maba dhicin oo muhiimad badan Aniga qudhaydu ma sii siin.
S: Madaxweyne waxaad sheegtay inaad mudadii aad xilka haysay aad saddex doorasho qabatay, waxana dadweynuhu xiligan ay is weydiinayaan doorashooyinka Goleyaahsa deegaanka iyo Madaxtooyada, ee sidee ayaad u aragtaa?
J: Doorashada Goleyaasha deegaanka dib baan u dhignay iyagaa (Xisbiyada mucaaridka ah) ayaa codsaday in dib loo dhigo oo doorashada Madaxtooyada la soo hor mariyo.
S: Madaxweyne dhawaan waxay dawladaadu iibisay Guryihii dawlada ee xaafada Indian-line-kii Maxaa baahi ah ee keenay in Guryahaasi la iibiyo? Go’aamadan Guddida dhexdhexaadintana ma aad iska kala saxeexataan sidii sanadkii hore oo kale?
J: Haa baahiyo badan ayaa jira, dhulkaa dawladu iyadaa xaq u leh inay iibiso danahaasi ayaan u iibinay oo sharciga ayaa noo ogol, dawladana wax ay u tarayeen may jirine’e inaan si kale uga faa’iidaysano ayaan samaynay.
Heshiiskaasi hore Anaga xisbiyada ayaa isu nimid oo heshiis kala saxeexanay.kana Guddi ayaa go’aan noo soo saartay oo aanu aqbalay

Maxamed Muse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: