Toggaherer’s Weblog

DHIMASHO IYO AFDUUB AY ONLF IYO BEESHA OGAADEEN U GEYSTAY BEESHA CIIDAGALE DEEGANKA KILILKA 5 AAD

Posted on: May 7, 2009

DHIMASHO IYO AFDUUB AY ONLF IYO BEESHA OGAADEEN U GEYSTAY BEESHA CIIDAGALE DEEGANKA KILILKA 5 AAD

Hargeysa 07 May 2009 THN
Warar hadda ku soo dhacay warqabadka TogaHerer nagana soo gaadhay degmada Awaare Rabasso Iyo Daroor ayaa sheegaaya in shalay ay jabhada ONLF iyo Beesha Ogaadeen ee Taageerta weerar ay ku sooqaaday tuulooyinka Kamarooyaan iyo Habaasweyn oo dhanka bari ka xigta degmada Awaare.

Weerarkan oo ay jabhada ONLF iyo Beesha Ogaadeen ku laayeen dad shacab ah oo gaadhaaya 4 qof sidoo kalena qafaasheen 11 ruux oo kale oo dhamaantood Odayaal ka soo Jeeda Beesha Ciidagale Afarta nin ee dhintay ayaa naloo xaqiijiyey in mid ka mid ah lagu dilay Kamarooyaan uu ahaa Oday waayeel ah magaciisana lanoogu sheegay in La Odhan Jiray Dafle halka sadexda marxuumka ee kale lagu dilay iyana tuulada Habaasweyn mid ka mid ah sadexda nin oo aanu isna helnay magaciisa ayaa la noogu sheegay Ina Muxumed Shiine Halka Labada Nin ee kale ay ahaayeen Gudoomiyihii Magaalada iyo Ku xigeenkiisa , sidoo kale waxa kale oo naloo xaqiijiyey in ay magaalooyinka wixii hanti yaalay ay Gurteen Jabhadu ka dib markii ay kula dhaqaaqeen Fadhato, wakhtiga ay Weerarka soo qaadeen Onlf Iyo Taageerayaashoodu Ayaa ahayd Wakhti habeenimo ah oo ay magaalooyinka ay soo weerareen la hurday.

Lama garanaayo sababta ka dambaysa dagaalkan ay jabhadu kusooqaaday qabiilkan balse waxa jira warar sheegayay in Jabahda ONLF iyo Beesha Ogaadeen ay Beesha Ciidagale wiigii hore u gudbiyeen in ay ka guuraan shan Tuule oo ku yaal Xuduudka U dhaxeeya labada Beelood lana Gubo Tulayaashaas, Tulayaashaas oo kala ah Habaas weyn INa malaw Kamarooyaan Winiiqa Iyo Isgoyska, sidoo kale waxaad moodaa in ay uga faa’iidaysanayaan isku dirka iyo colaad ka dhex abuurista umada walaalaha ah ee Isaaq iyo Ogadeen gaar ahaan ciidagale oo ay si wayn isugu dhex filiqsanyihiin Mudooyinkan danbena nabad iyo caano ku soo wada noolaayeen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Xasuuqa Ay geysatay Jabahda ONLF kala Soco TogaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: