Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA QORSHAYNTA S/L CALI SANYARE & WAFTI UU HORAMINAYO OO JABUUTI U KICTIMAY

Posted on: May 6, 2009

WASIIRKA QORSHAYNTA S/L CALI SANYARE & WAFTI UU HORAMINAYO OO JABUUTI U KICTIMAY

Hargaysa 05 May 2009(THN)
Wafti balaadhan oo ah wakiilo ka kala socda bankiga aduunka iyo hayada gargaarka aduunka ee USAID la yidhaahdo oo uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta Somaliland mudane Cali Ibrahim Cali sanyare aya tagay jamhuuriyada Jabuuti halkaas oo ay ku leeyihiin shir lagaga wada hadlayo arimaha Somaliland gaar ahaan mashaariicda Hurumarinta iyo ganacsiga .

Waraysi uu siiyey saxaafada intii aanu wasiirku ka bixin magaalda Hargaysa ayaa waxa uu ku faahfaahiyey waftigan iyo waxa uu qaban nayo waxaanu wasiirku sheegay in waftigani uu yahay wafti baladhan oo ka kooban 36 xunbood oo isgu jiray dawlada iyo ganacsato

“Waftigani waa wafti balaadhan oo 36 qof ka kooban oo isug jira xubno ka socda xukumada iyo ganacsato ka kala yimid meelo badan oo lagu marti qaday in ay ka qayb galaan shirka ka dhacaaya jabuuti shanta ilaa todobada bishan May oo ay marti qaadeen Bankiga aduunku iyo haydo badan oo ay ka mid tahay hayada aduunka ee USAID ee Maraykanka, hayadan hurumarinta ee Ingiriska , UNDP da , FAO ga , Sanduuqa hurumarinta ee Faransiiska , iyo marti qaad loo diray inay aqbalen moojiye Bankiga Islaamka , iyo Bangiga Africa markaa waxaa lagaga wada tashanayaa sidii loogu horumarin lahaa hantidan gaarka ah amaba loo yaqoono wadaagahan gaarka ah ee ganacsiga ”

Mar uu ka waramayey wasiirku waftiga iyo waxa uu qabanaayo ama uu faaido keenaayo waxa uu wasiirku tibaaxay in siyaalo badan looga faidaysan karo khayraadka bada taas oo u shegay in kaluunka tusaale ahaa la qasacadayn karo ama la barfin karo oo la dhoofin karo waxa kale oo uu sheegay in siyaabo badan looga faaidaysan karo khayraadka dalkeena waxanuu yidhi

“Marka ugu horaysa xaga xoolaha ama horumarinta xoolaha waxaa jira banaamij ay FAgu wado oo kanoo kale la mid ah oo ah wixii aynu haysanay sidii wax loogu kordhin lahaa anab wax loogu dari lahaa tusaale ahaa kaluumaysiga waxaynu soo dabanaa uun waa kauulnkii lakiin kaluunkaa waxyaalo badan ayeynu ku kordhin karnaa sida Isaga oo aynu moorgarayno oo qasaac ku ridno iyo in aynu freez garaynu oo aynu meelo kale u dhoofino oo aynu eebgayno marka waxyaalo badan ayaa lagu kordhin karaa , markaa waxaa loo xushay Beenyada iyo Kaluunka iyo hawlaha kale ee adeegyada ah ee hayadaha wadaniga ah ee ay wada leeyihiin xukuumada iyo ganacsatadu iyo kuwa la yidhaa hantida gaarka ah iyo hantida guud isugu jira iyo xawaaldaha waxa weeyaan in iminka meesha ay joogaan wax lagu daro oo wax lagu kordhiyo oo la kabo oo aqoon iyo taageero kaleba loo helo si dhaqalhii iyo shaqo siintii u balaadhato oo faaidaysi badan laga helo waxa iminka ay qabanayan mid ka badan , markaa world Banka ayaa damcay hab uu u shaqeeyo oo uu u kobciyo Pravite secterka markaa iminka waxaa lagu bilaabayaa Kaliimaysiga , Beeyada , Xawaaladaha , adeegyada lacagta sidii hore loogu marinlaha oo ay u noqon lahayeen bangi iyo kuwan kale ee Public Privet Partener ship ay u noqon lahayeen ay noqon lahaayen wax hurumarsan ”

Wasiirka qorshaynta mudane Ibrahim Cali Sanyare ayaa waxa uu sheegay in arintan iminka loo tagayaa ay tahay in la ogaaado marka hore bahiyaha iyo dhibatooyinka iyo in mark dambe taageero loo fidiyo.

“Iminka laba qabood ayuu ka kooban yahay barnaamijku midi waa in la ogaado baahidoodii iyo dhibatadoodii iyo wixii laga qaban lahaa iyo wixii xaga dawlada looga baahdo ee ama shuruucdii lagu horumarinayey ha ahaato ama nidamadii kale ee lagu dhisaayey ha ahaato ee ay ku hawl galyeen ha ahaato wixi ka dambeeyaan ay tahay taageeradii iyo wixii gaar ahaan iyaka luugu horumarin lahaa iyo wixii lagu qaban lahaa.”

Wasiirku isaga oo ka war bixinaayey arinta ah in markii hore shirarka lagu qabn jiray somaliland waxa keenay in lagu qabto jabuuti ayaa waxa uu sheegay in jabuuti iyo Haragaysa ay yidhiin laba dal oo walaalo ah oo ayna waxba dhimayn hayadihii shirkan ka qab galyeyna ay ku wada tashadeen in jabuuti lagu qabto.

“horta Jabuuti waa dal aynu walaalo nahay oo isku mid nahayoo hadii lagu qabto jabuuti iyo hadii Hargaysa lagu qabto waa isku mid lakiin gaar ahaan hayado badan oo caalami ah ayaa ka soo qayb galaaya sababtaa awadeed ayaa lagu wada tashaday in Jabuuti laga dhigo oo la isku raacay ”

Maxamed muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: