Toggaherer’s Weblog

WARSAXAFADEED MADAXTOOYADA SOMALILAND KA SOO BAXAY

Posted on: May 6, 2009

WARSAXAFADEED MADAXTOOYADA SOMALILAND KA SOO BAXAY

Madaxtooyada Somaliland
Date: 05/05/09

Warsaxaafadeed

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub oo kor loogu qaadayo dalaga Beeraha Somaliland.

Shirkaasi oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somjaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu si qoto dheer u qaadaa dhigay qorshayaal cusub oo ku salaysan sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka Beeraha
dalka Somaliland.

Qorshahaasi oo kooban qodobo kor loogu soo qaadayo dar dar gelinta wax-soo-saarka Beeraha , waxa nuxurkiisu yahay horumarinta Beeraha dalka Somaliland iyo waxyaabaha laga beero, qorshahaasi oo ay soo diyaariyeen Khuburo ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland oo kaashanaya hay’addo iyo aqoonyahano caalami ah, waxa Goluhu uu si wada jir ah u anisxiyay in lagu dhaqmo , maadaama ay kor u soo qaadayso horumarka dhinaca Beeraha Somaliland.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu iyana magacaabay Guddida Qaban qaabada xuska 18 May oo ah Maalintii Somaliland ay kala soo noqotay qaranimadeeda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Maalintaasi oo si weyn looga dabaal dago Somaliland dibad iyo gudaba, waxa Guddidaasi ay isku soo duba ridi doonaan Xafladaha iyo Munaasibadaha lagu xusayo maalintaasi qiimaha iyo qadarinta ka mudan Bulshada reer Somaliland Guddo iyo Dibadba.

Guddidaasi oo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro, waxa ay ka kooban yihiin Toban xubnood.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER
HARGEYSA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: