Toggaherer’s Weblog

KOOX BUDHCAD BADEED AH OO KA KOOBAN 5 OO AY QABTEEN CIIDAMADA AMAANKU

Posted on: May 6, 2009

KOOX BUDHCAD BADEED AH OO KA KOOBAN 5 OO AY QABTEEN CIIDAMADA AMAANKU

Berbera 06 May 2009 THN
Ciidamada Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa meel 80km u jirta xeebta Berbera, ku soo qabqabtay 5 nin oo budhcad badeed ah oo hubeysan iyo laashkii ay wateen

Ciidamada illaalada xeebaha ee Degmooyinka Maydh iyo Berbera ayaa hareereeyey Budhcadan markii ay ka war heleen se budhcada ayaa u baxsatay dhinaca bariga. Shantan nin ayaa la sheegay in ay ka degeen laashkii ay wateen kadib markii ay ciidamada illaalada xeebaha isku dayeen inay qabtaan.

Ka dib markii Budhcadu ay u baxsatay dhinaca Bariga yaa Ciidamda Xeebaha Iyo Booliiska ay iska kaashadeen soo qabashada shantan nin ee hubeysan ay gacanta ku soo dhigeen.
Ciidamada Booliiska oo iyaguna dabo gal ku sameeyey shantan nin oo beriga ku cararay ayaa la xaqiijiyey inuu iska horimaad dhexmaray iyadoo mid kamid ah shantan nin uu dhaawacmay soona gaadhay dhaawac culusi afarta kalena gacanta lagu dhigay ayagoo bed qaba.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay wadaa dadaalo ay ku xoojinayaan xeebahooda inaysan kusoo fidin Kooxaha budhad badeeda Dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee April ayaa waxay Maxkamada Berbera ku xukuntay 20 sano sagaal nin oo oo kooxaha budhcad badeeda ah.
Kooxdan ayaa noqonayasa Kooxdii Shanaad ee Budhcad Badeed ah e ay qabtaan Ciidamda amaanka Somaliland

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: