Toggaherer’s Weblog

DADKA OO KA QAXAAYA WAQOOYIGA PAKISTAN SABABO AMAAN DARO AWGEEED

Posted on: May 6, 2009

DADKA OO KA QAXAAYA WAQOOYIGA PAKISTAN SABABO AMAAN DARO AWGEEED
Pakistan 06 May 2009 (THN)
In ka badan 40.000 (afartan kun oo qof) ayaa isaga baxay magaalada Mingor ee dooxada Swat ee Waqooyiga dalkaasi Pakistaan click to comment(5/6/2

DADKA OO KA QAXAAYA WAQOOYIGA PAKISTAN SABABO AMAAN DARO AWGEEED

Pakistan 06 May 2009 (THN)
In ka badan 40.000 (afartan kun oo qof) ayaa isaga baxay magaalada Mingor ee dooxada Swat ee Waqooyiga dalkaasi Pakistaan ayadoo ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Pakistaan iyo Taliban.

Dowlada Pakistan ayaa soo rogtay maalinimadii shalay ee Talaadadii in shacabka ay isaga baxaan qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka kuyaal dooxada Swat ee Waqooyi galbeed dalkaasi Pakistaan.

Ciidamada Pakistaan ayaa wada olole militari oo ay doonayaan inay dib ugu soo hantaan dhulka balaaran ee waqooyiga Pakistaan ee hada gacanta ugu jira xoogaga Talibanka.

Dagaalka ayaa ah mid cabsi geliyey shacabka, ayadoo lagu wado in dad gaaraya 500.000 qof ay isaga baxaan goobaha ay dagaalada ka socdaan.

Waxaa saaka arooryadii weerar xoogan lagu qaaday mid kamid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Booliiska ee magaalada Mingor halkaasi oo uu weli ka socdo dagaal xoogan, kadib markii ay weerar kadis ah ku qaadeen Talibanka.

Maleeshiyooyinka Talibanka ayaa lagu arkayaa jidadka ayadoo ciidamada Dowlada ay dhinacoodana isku aruursanayaan daafaha magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Swat valley.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili lagu wado in maanta ay wada kulmaan Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha dalka Pakistaan, Asif Ali Zardari.

Waxaa soo baxayey warar sheegaya in Dowlada Obama ay hoos u dhigeyso taageeradii ay sii jireen Madaxweynaha Pakistaan Zardari kadib markii uu tilaabooyin adag ka qaadi waayey xoogaga isbaheystay ee Talibanka iyo Al Qaida.

Hase yeeshee waxaa wararkan beeniyey Wakiilka Maraykanka u qaabilsan dalalka Afghaanistaan iyo Pakistaan Mr. Richard Holbrooke.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: