Toggaherer’s Weblog

BAAQ NABAD-DOON AH OO AY SOO SAAREEN CULIMADA SOOMAALIYEED EE UK.

Posted on: May 6, 2009

BAAQ NABAD-DOON AH OO AY SOO SAAREEN CULIMADA SOOMAALIYEED EE UK.

BAAQ NABAD-DOON AH OO AY SOO SAAREEN CULIMADA SOOMAALIYEED EE UK.

Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen culimada iyo wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa ka dhacay magaalada Sheffield 4th May, 2009. Shirkaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo baxay baaqan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo ah Culimada iyo wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska, kadib kulan aanu ku yeelanay magaalada Sheffield taariikhda kor ku xusan, waxa aanu ku falanqaynay xaalada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna eegnay duruufta xaasaasiga ah ee taagan, annagoo ku dhisnay masaalixda iyo mafaasida sharciga ah ee ka dhalan karta arimaha kor ku xusan, waxa aanu ku baaqaynaa:

1. Waxa aanu u dardaarmaynaa umada Soomaaliyeed meel ay joogtoba cabsida Ilaahay (SWT).
2. In wixii khilaafaad ah ee ka dhex taagan dawlada iyo muqaawamada aan lagu xalin dagaal
3. In ay xaaraam tahay daadinta dhiiga qofka muslimka ah.
4. Waxanu taageersanahay dadaalada nabad-raadiska ah ee ay wado Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
5. In go’aankii ku dhaqanka shareecada Islaamka si dhakhso ah loo hir galiyo.
6. In wixii khilaaf ah ee walaalaha Soomaaliyeed u dhexeeya lagu xaliyo wada hadal iyo is fahan.
7. Waxa aanu sida ugu adag u cambaaraynaynaa dilalka qorshaysan ee lagula kaco wax-garadka umada Soomaaliyeed.
8. In arimaha gaalaysiinta (Takfiirka) looga dambeeyo culimada ehelka u ah.
9. Inay culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ku wacyi galiyaan umada qiimaha nabada iyo midnimada.

Wabilaahi tawfiiq.

Shirkan oo ergooyinkiisu ay ka kala yimaadeen magaalooyinka London, Birmingham, Manchester, Leicester iyo Sheffield, waxay ahaayeen culimada ka soo qayb gashay sedan:

1. Sh Cismaan Usuuli…
2. Sh C/baasid Sh Ibraahim
3. Sh C/risaaq M Takar.
4. Sh Xuseen Jaamac
5. Sh C/laahi Maxamed
6. Dr Sh Maxamuud C/raxmaan
7. Sh Maxamed Shaafici
8. Sh Maxamed C/kariim
9. Sh C/raxiim Yuusuf Axmed
10. Sh Ibraahim Cabdi Cali
11. Sh Maxamed Aadan Cismaan
12. Sh Cumar Xassan Yoolac
13. Sh C/laahi Jaamac Ismaaciil
14. Dr Sh C/naasir Diiriye Guuleed
1. Sh Muuse Faarax Cali
15. Sh Maxamed Cali Diirshe
16. Eng C/wali Cisadiin
17. C/qaadir Xuseen
18. Sh Xassan Gabayre
19. Sh Siciid Saalax Jaamac
20. Cabdaleh Cismaan
21. Sh Mustafe Xassan C/laahi
22. Maxamed Muxumed Ducaale
23. Sh C/nuur Weerar
24. Sh Maxamuud Xaaji C/laahi
25. Sh C/rashiid Maxamed Cabdi
26. C/raxmaan Cali Geedi
27. C/qaadir Cawad Baaruud
28. Macalin C/qaadir…
29. Sh Cismaan Cali Faarax
30. Ismaaciil Xuseen
31. Sh C/naasir Maxamed Jaamac.
32. Mahad Shariif
33. Sh Maxamed Cali Caliyow
34. Sh Salaad Cawil Muuse.
35. C/kariim Cali
36. Maxamed Haaruun Biixi
37. C/rashiid M Axmed
38. Maxamuud C/raxmaan
39. C/qaadir Xuseen
40. C/xakiim Axmed Xassan.
41. Eng Xassan Maxamed Jaamac

Qayb kale oo ka mid ah muuqalaadii shirka Sheffield

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: