Toggaherer’s Weblog

AFAR QOF OO KU DHINTAY ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE.

Posted on: May 6, 2009

AFAR QOF OO KU DHINTAY ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE.

AFAR QOF OO KU DHINTAY ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE.

Buuhoodle 05 May 2009 (THN)

Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa sheegaya in iska horimaad hubaysan uu ka soconayo qaybo ka mid ah degmadaasi kaasi oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ka wada tirsan beelaha deegaankaasi.

Sida uu wariyaha togaherer ee degmada Laascaanood u xaqiijiyey nin deegaankaas Buuhoodle ka tirsan ayaa wuxuu soo sheegaya in iska horimaadku uu ka bilowdey ka dib markii nin hubaysan uu saaka isku dayey in uu dilo nin kale oo fadhiyey meel laga shaaho, iyadoo rasastii ninkii loo waday ay dhinac martey, waxaana markiiba rasaas kale ku soo jawaabay ninkii kale taasi oo keentey in rasaastii la isdhaafsanayey ay ku dhintaan laba qof, waxaana markiiba bilowday dagaal ka qarxay duleedka magaalada Buuhoodle kaasi oo ay ku dhinteen laba qof oo kale oo mid ka mid ah ay aheyd haweenay.

Dagaalka ayaa ilaa iyo hada waxaa ku dhintey ugu yaraantii laba qof, waxaana wararku sheegayaan in ay socdaan dadaalo ku aadan sidii lagu qaboojin lahaa iska horimaadkan dhimashada iyo dhaawaca dhaliyey ee ka soconaya magaalada Buuhoodle.

Baashe Maxamed Yusuf
Togaherer Laascaanood

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: