Toggaherer’s Weblog

WIXII UU DHOOBDHOOBTAY EE AHAA UCID&GAAROODI DHABARKA AAN KA JABIYEY AYUU OGOSOON YAHAY .XIL M ALI

Posted on: May 4, 2009

WIXII UU DHOOBDHOOBTAY EE AHAA UCID&GAAROODI DHABARKA AAN KA JABIYEY AYUU OGOSOON YAHAY .XIL M ALI

Xildhibaan Mxamed Cali Khamriile oo ka tirsan Golaha Deeganka ee Caasimada Hargeysa ayaa sheegay in Xogahaya Guud ee Xisbiga UDUB uu ka baxay heshiis ay wada galeen Xisbiga UDUB ay ku soo biireen Xildhibaanka iyo Garab uu hogaamiyo oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye sanadkii 2007 , ka dib markii xoghaya gobolka Hargeysa ee xisbiga UDUB oo ay soo doorteen sida uu sheegay Xidlhibaan 13 degmo ee Gobolka Maroodi Jeex Xoghayuhuna magacaabay Haddana uu xoghaye kale u magacaabay Xildhibaanku waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Xildhibaanku Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu u Soo jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Udub Mudane Daahir Rayaale Kaahin in arinta wax ka qabto. Ugu horeyna xildhibaan Maxamed cali Khamriile oo ka hadlaya ujeedadii uu u qabtay shirka Jaraa’id ayaa yidhi “ Haddii aan ka waramo ujeedada aan shirkan jaraa’id waxaan u qabtay arin ku saabsan xoghaya gobolka ee xisbiga ee Goboloka Maroodi Jeex Mudane Maxamuud Macalin Maxamed Cali oo ah nin xisbiga UDUB ah oo ka tirsanaa garabkayagii Kulmiye Kasoo Go’ay.
Waxa xusid mudan heshiiskii wakhtigaasi ee garabkayagii Kulmiye ka soo go’ay iyo xibiga Udub ay kala saxeexdeen oo halka hoose ku lifaaqan qoraalkayga.
Haddaba waxaa dhacday waxa dhawaan la magacaabay xogahaya cusub ee xisbiga Udub ee gobolka Maroodi Jeex.
Waxa loo maray sifo Sharci ah waxaa doortay 5 Ta degmo ee Gobolka Hargeysa ka kooban tahay golaha Fulinta ee xisbiga Udub 13 degmo ee gobolka Maroodi Jeex , waxa kale oo doortay Gudoomiyaha garabka haweenka ee gobolka ee xibiga Udub iyo garabka dhalinyarada.
Taasi oo xoghayaa guud ee xisbiga wuxuu qoray warqadii magaacabista ee xoghayaa 19/4/2009 ,laakiin nasiib darro maanta khamiis ah oo bishu tahay 29/04/2009 xafladana la qaban lahaa ayuu mar labaad warqad magacaabista xogahayuhu qoray , taa mucjiso igu noqotay maadama aan xogahaya guud , kula taliyey in carqalada jirta oo ka timid gacmo xisbiyo kale ka socda uu la kulmay oo beesha Ciidagale ka mid ah wasiirada aanu shaqadiisa u xumayn ee uu hubsado, ka noqoshadaas waayo raga u yimid xogahayaha waxa hormood u ahaa Caaqil ina Cadegude oo Gudida Fulinta e xisbiga Ucid ka tirsan iyo in ka mid ah guddiga Ciidagale ee Ururka Gaaroodi oo taageera Xisbiga Ucid talada aan siiyey ee uu diiday xogahayaa Guud ee Udub sida ii muuqata haddana waxaan leeyahay xogahye arrintaa ka noqo fadlan, xisbigana lagama yaabo in uu burburo ee guusha waxaa mar kasta leh xisbiga Udub inshaa Allah”
Waxa uu intaas ku daray Xildhibaanku oo uu yidhi “ Aniguna waxaanu kaa codsanyanaa gudoomiyaha xisbiga Udub Madaxweynaha JSL iyo Gudoomiye Ku xigeenka JSL inay arintan gacanta ku dhigaan lana dhameeyo sida ugu fiican ay u dhacdo cadwga xisbiga Udub ayaa ku farxaya haddii kale waxaa u leenahay ha uu guuleysto Xisbiga Udub.

Intaas ka dib waxa halkaas lagu waydiiyay xildhibanka su’aalo la xidhiidh ujeedada u shirkaas I jaraa’id u qabtay waxaanay u dhaceen su’aalihii iyo jawaabihii sidan:-

Xildhibaan Maadama aad leedahay Heshiis ayaanu kala Saxeexanay Xisbiga Markii Garabkayagu ku soo biiray heeshiiskaas ayaa jebiyey?

J: Waxaa Jabiyey Xoghayaa Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin , sababtoo ah 19/04 /2009 wuxuu magacaabay Xogahey Cusub oo la yidhaahdo Maxamuud Macalin , kaasoo ay soo doorteen dhamaan 13 ka Degmo ee ay ka koobantahay Gobolkab Maroodi Jeex ee Xisbiga Udub , waxaa ku raacay intaasi gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Udub sidoo kale waxaa ku raacay Gudoomiyaha garabka Dhalinyarada ee xisbiga Udub ee Gobolka Maroodi Jeex halkaa waxaad ka aragtaaa in xeerka xisbiga la waafajiyey xubintaas doorashadiisa , balse markay dhacaday in xoghayuhu aqbalay ee uu qoray warqadii magacabistiisa waxa gacanta la soo galay , xubno Guddiga Fulinta oo xisbiga aan daacad u ahayn iyo wasiirada beesha Ciidagale oo uu hormood ka yahay wasiirka Qorsheynta . isagoo adeegsanaya farsamooyin , su’aashu waxay tahay talaabdaas ay gacanta la soo galeen wasiiradu ama xoghayuhu ka noqday ee uu ku raacay miyay waafaqsan tahay Xeerka Xisbiga sharciyada xisbiga udug isku dhaqaayay.

S : Xildhibaan ma kala hadashay Xogahyaa guud arrintan?

J: Haa waan kala hadlay waanan tusay wadada sharciga ah ee uu ku magacaabay Maxamuud Macallin waxaanu iga balan qaaday inuu fulinaayo oo aanu ka noqonayn.

S: Xildhibaan ma laga yaaba in talaabadaasi gacan xisbi kale ay soo dhex gashay xisbiga udub dhexdiisa maadama ay xubintii xisbiga ee sida sharciga ahayd loo soo doortay laga noqday?

J: way jirtaa waxaana xoghayaha aan u sheegay cuqaasha Beesha Ciidagale ee uu timid uu ka mid yahay Caaqil Ina cade Gude kaasi oo ah gudiga fulinta ee Xisbiga UCID Iyo Gudoomiyaha Gudiga Gaaroodi ee beesha Ciidagale ee u dhaaratay UCID sidaa ayaan u cadeeyey xogahyaa guud ee xisbiga Udub balse dheg jalaq umuu siin xoghayuhu ta labaad Wasiir Cali Sanyare ma udubaa , waanu isnaqaanay haddaan ahay Xildhibaanka Beesha Ciidagale qaar badanina markhaati ayay iiga yihiin inaanu daacad u ahayn Xisbiga Udub markaa inuu Cali Sanyare yahay UCID- UDUB waa la ogyahay balse waxanan marnaba goobta soo dhigan in xubin Gudigii Degmooyinka ee Gobolka Hargeysa oo dhami soo dooratay inuu faraha la soo gallo.

S: Adigu Xildhibaan maxaad ku cadaynaysaa inaad xisbiga Udub daacad u tahay ?

J: waxaanu ku cadaynayaa anigu waxaan ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye Golaha DHexena ka tirsanaa Number 21 aad aan ahaa Doorashadii Golaha deeganakana ku soo baxay Xubintii labaad ee xisbiga Kulmiye looga Tixgeliyey xisbigaas, in aan noqday xubintii kowaad ee isaga Masuuliyadaa tixgelinta ku leh Kulmiye aan ka soo baxay 21 October 2007 aniga iyo garab dhan kaasi oo aanu ka biyo diidnay waxyaabo aan hore u sheegay oo ahayd tubta siyaasada ee xisbigaa oon diiday si cadna aan uga baxay uguna biiray Xisbiga UDUB.
Aniga oo iyo xogahaya cusub ee Gobolka oo ah Garabkaygii lafdhabarta ahaa Heshiiskana aad ka arki doonto taasoo ay intii aad udub ka tirsanaa oo aan hawlo badan ka qabtay Hargeysa waxaana iiga markhaati ah Bahweynta Xisibga UDUB oo aan hawlo muhiim ah Madaxweynaha JSL iyo Kuxigeenkiisu inaan ka Qabtay ay ogyihiin xataa Goboladii kale Burco , Oodweyne iyo Berbera oo aan hawlgallo lagu diirsaday aan ka soo qabtay oo dan u ahaa Maslaxada waxaan Xisbiga u balan qaaday Waaga in inta iga talo goda ay marin doonaan halkaan anigu maro Alxamdulilaah maanta Beeshayada Guuyoobe iyo Danwadaage ( AMA CIIDAGALE BARRI) maanta la wada ogyahay inay udub wada yihiin waa talaabada uu ka xun yahay Wasiirka Qorsheyntu wixii uu dhoobdhoobtay ee ahaa UCID iyo GAAROODI dhabarka aan ka jabiyey ayuu ogsoon yahay .

S: Waan ognahay intii aad ku soo biirtay udub inaad Firfircooni kaga dhex muuqatay ma waxaad leedahay talaabdan iskamuu hubsan Xogahyaa Guud ee UDub maxaase saamayn ay keeni kartaa?

J: Horta marka hore Xisbigu u baabi mayo Xogahyaa Guud iyo taliyayaashiisa aan nasteexa ahayn anaguna beel ahaan Xisbigu waa Xisbigaygii UDub Godobaanu u galnay oo si dhayal ah uma rabno in xisbigayagu anagoo arkayna in lanagu burburiyo aqbali mayno hasayeeshe waxan ku hanweynahay Hogaankayaga Xisbiga UDUB ay arrintan xalin doonaan Inshaa Allahu Waxaan Madaxweynaha la socodsiinaynaa in arrinkan uu wax ka qabto anigoo ku kalsoon marka aanu gaadhsiino dacwadan.
Saxan Saxo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: