Toggaherer’s Weblog

WARAYSI AAN LA YEELANEY NINKII REER S/LAND EE SAFARKA DHULKA AH KU MARAYA ADUUNKA OO JOOGA SUDAN

Posted on: May 4, 2009

WARAYSI AAN LA YEELANEY NINKII REER S/LAND EE SAFARKA DHULKA AH KU MARAYA ADUUNKA OO JOOGA SUDAN


FUAAD IYO MAKHTAL

Wareysi Aan la Yeelaney Ninkii Reer Soomaliland ee Safarka dhulka ahaa ku marey Aduunka oo Jooga Wadanka Sudan

Waxaa soo gaadhey magaalada Khartoum ee wadanka sudan Mudane Maxed Muuse (makhtal) oo ahaa muwaadinkii reer Somaliland ee safar xaga dhulka ah ku marayey caalamka oo dhan kaas oo safarkiisa ka soo bilaabey magaalada sheifield ee wadanka Great Britian ,

Waxaa uu maxed soo marey 15 wadankan oo ka mid ah qaaradaha yurub Asia iyo waliba Africa ,

Hadaba mar aanu xaley kula kulaney maxed gurriga uu ku soo degey ee magaalada Khartoum ayaan wareysi dhinacyo badan taabanaya kala yeelaney safarkiisaa aan noociisa oo kale horre loo arag , wareysigan waxaa qaadey Fuaad Cabdisalaam , waxaana uu u dhacey sidan :

S: Marka horre maxed ku soo dhawaw Khartoum , waxaad nooga warantaa safarkaagan iyo waliba inta wadan ee aad soo martey ?

J: Aad baad u mahadsantahey waxaan safarkeygan ka soo bilaabey magaalda shiefid ee wadanka Britian , waxaa soo marey Belgium ,Lumxenberg,Germany ,Austria ,Turkey, Syria ,Jordan , Saudi Arabia , Qatar ,Egypt , iyo Sudan oo hada joogo ,

Intaas oo wadan ayaa ku soo marey gaadhigeyga anigoo wata ,

S: Waa Maxey Hadafka Safarkaagani?

J: Safarkeygu wuu hadafyo badnaa markii horre waxaa uu ka bilaabmey arrin igu dhacey oo meel aan u bixiyey anigu Guantinamo oo ku taal wadanka England taas oo ay dhibaato ka heysato dadka somaalida ah ee degen halkaas , wadanka England mukhaadaraatka wuu kala dagaalamaan dadyowga kale ee wadankiisa degen se dadka somalida ah ee halkaas jooga isagoo ka qaada cashuur waxba uma qabto , waxaad arkeysaa qol yar oo aad u yar oo ay fadhiyaan dad tirro badan oo sigaarka iyo mukhaadaraat kale lagu isticmaalayo , taas ayaan doonayey in aan dadkaas meeshaa ku baabaaya indhaha caalamka tuso , ta kale waxey aheyd in aad u ololeeyo qadiyada somaliand intaan safarkaa ilaa hargiesa aan ku jirro , waayo waxaa jirta in madaxda soomaaliland ay mar walba safaro u baxaan oo laydhaah waxbaa soo socda uun , ma jirtana nin laba gobol oo isku xigta safar ku tagaya madaxdaa mar walba safarka u soo baxda taas ayaa idhi maad adigu bal aad safarka dhulka ah ba ku martey ,

S : Dad badani waxey I weydiinayaa Nooca gaadhiga aad wadato iyo waliba waxaa uu kaga duwan yahey gawaadhida kale ,waa moocee gaadhigaago?

J: Gaadhiga aan watto waa gaadhi caadi ah oo waxba kaga duwaneyn gawaadhida kale Noociisu waa MAZDA , waxaan iibsadey bishii kowyo tobnaad ee 2008 ,dhererkiisu waa 1.8 M, waxaa uu xaga horre dhulka ka kacsan yahey ama uu dhulka ka sareeyaa Taako , xaga danbana Taako iyo afar Farood , dadku hadalada wey sarifaan oo wey badbadalaan gaadhigeygu waxba kama duwan gawaadhida kale waadbad aragtey Fuaadow ,

S:Waxaad soo martey wadamo badan safarkaagan , ma jirtaa wadamadaas aad soo martey cid aad kula kulantey oo aad qadiyada soomaliland u bandhigtey ha ahaadaan madax iyo shacaba ?

J: intii aan safarkan ku jirey dad badan ayaan kula kulmey magaalooyinkan aan soo marey , saddex bilood oo imika safarkeygan wadey , bulshooyinka aan soo dhex marey qaar ayaa iweydiinaya soomaliland halkey ku taal , inta badan dadku waxey yaqaanaan soomaliya uun , qaar baan ku idhi soo fadhiista oo shaahan caba anaa idin sheegayaa ka dib ayaa u sharaxey , runtii dadku kuma heystaan fikrad balaadhan soamlialand ee arrimaheeda , taasna waxey ka mid tahey waxyaabaha hor taagan in soomaliland ictiraaf hesho ,

S: Adigu maxed ahaan xidhiidh toos ah iyo mid dadban la la leedahey madaxda soomaliland , kuwa xisbiyada qaranka iyo waliba safiirada soomaliland ee dibaha jooga ?

J: Runtii wax xidhiidh ah lama lihi madaxda soomaliland qaar xisbi iyo qaar safiiro ah , se anigoo ka faaideysanay fursada caawa waxaa jeclaan lahaa in aan afar erey oo gabay ah halkan u mariyo wasiirka Duulista iyo Hawada ee soomaliland mudane Cali warancadde oo aamu saaxiib nahey waxaan idhi sidan :

Wasiirkii wacanaayee

Waxyeelada yaraayow

Wehel aynu noqonow

Xidid aan wadaagnow

Warkeygii ma kuu yimi

Madaxweyne ma u tagey

Wasiirada ma gaadhey

Waxaan kuu sidaa Weedh

Wadamo badan la soo marey

Warku maxamed weeyee

Wasiirkii gaadiidkow ma nabadbaa

S: Suaal shaqsi ah hadii aan ku weydiiyo , waxaa dadka qaar leeyihiin maxamed waxaa ku jira han siyaasadeed oo waxaa uu doonayaa in uu siyaasada wadanka ka qeyb qaato doorashooyinka soo dhawaw , taas maxaa ka jira ?

J: Hore waan u sheegey in dadku ay caado u leeyihiin in ay hadalka macno badan u sameeyaan , anigu iguma jirro han siyaasadeed iyo waliba in aan ka qeyb qaato doorashooyinka , safarkeygan muu aheyn in aan anigu olele shaqsi ah gallo se waa mid aan qadiyada soomaliand ugu ololeynayo ,

S: Goormaa adiga kuugu danbeysey Soomaaliland ?

J: Somaliland waxaa iigu danbeysey sanadkii 2005 .

S:Ma jiraan qorshayaal iyo waliba safaro kale oo kuu qorsheysan in aad sameyso marka aad kan dhameyso ?

J: Runtii haa waxaan ku tallo jiraan in gaadhigeyga aan u saaro qaarada America iyo waliba Australia hadii aan u hello kharash iyo fursad insha allah

S : Marka laga hadlayo qadiyada somaaliland inta badan waxey beeshu caalamku ku xidhaan soomalida kale ee aynu kala goney , inagoo amaan darada ka jirta soomalia ma kugu jirtaa in aan safar ku tagto muqdisho , intaad u gudbin hargiesa ?

J: in aan tago muqdisho iiguma jirto qorshaha se waxaan u diri lahaa madaxweynaha soomaaliya sheikh shariif sh, ahmed waxaan odhan lahaa waxaan dhageystey maalin uu ka hadlayey saxaafada oo uu lahaa dadka reer afgooye haloo celiyo beerahoodii iyo dhulka sharci darada lagu qabsadey , waan odhan lahaa wadanka soomaliand oo waqooyiga soomaliya ma waxaad ka door bidey beeraha ku yaal afgooye, maxaa u diidey in uu soomaliland aqoonsigeeda ka shaqeeyo ,

S: waxaad sooo martey wadamo kala duwan xaga dhaqanka iyo wali diinta , waa maxey wixii kuug layaabka badnaa ee aad aragtey ?

J: Runtii waxaa iigu yaab badnaa wadanka Masar oo ah wadan aniga iga yaabey shar iyo kheryba , si qof inta uu dhawr wadan marey masarna soo marey ayaa garan kara , masarbaa iigu yaab badneyd,

S: Safarkaga marka aad ka baxdo sudan intee wadan oo kale ayaad sii mareysa ?

J: horta intaan ka bixin sudan waxaa jecelahey in aan la kulmo Saadiqal Mahdi Hogaamiyaha xisbiga shacabka ee sudan si aan qadiyad soomaliland ugu bandhigo , waxaan ku tallo jiraan in aan Ethiopia u baxo ka dib Djibouti aan tago markaa aan tago wadankeygii hooyo iyo waliba hargiesa ,

S: Adigoo ka faadieysanaya fursada kula yeelaney waa maxey fariinta aad u direyso shacabka soomaliland?

J: Marka ugu horeysa waxaan u mahadcelinyaa ardeyda reer soomaliland ee Sudan wax ku barata kuwaas oo si wanaagsan ii soo dhaweeyey in kastoo aan wada arag hadan waa ardey ay ka muuqato isk xidhnaasho , shacabka soomaliland meel kasta oo ay joogaa waa shacab aad u qaali ah oo umad la mid ah aaney jirin , waxaad moodaa in qadiyadoda iyo waliba ictiraafka ay doonayaa si daacad ah loogu shaqeyneynin oo kubad lag dul ciyaarayo ,

Waxaan kuu rajeyneynaa safarkaaga inta ka hadhey nabad iyo caafimaad qab ,

Maxed muuse waxaa uu joogaa hada Khartoum isagoo ku jeeda wadanka Ethiopia si uu u sii watto safarkiisan cajaaibka ah ee ku sii jeedo somaaliland

Wareysigan iyo Sawiradaba waxaa qaadey

Fuaad cabdisalaam xasan xaaji

Khartoum

Sudan

National04@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: