Toggaherer’s Weblog

ODAYAAL DHAQAMEED SOMALI AH OO GARAYA 12 OO AY ETHIOPIA AY XIRTAY

Posted on: May 4, 2009

ODAYAAL DHAQAMEED SOMALI AH OO GARAYA 12 OO AY ETHIOPIA AY XIRTAY

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad Soomaali ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxey wadaan dadaalo ay doonayaan, in ay Ciidamada Itoobiya ay uga sii daayaan odayaal dhaqameed Soomaali ah.

Odayaal dhaqameedkan Soomaalida ah ee ay xireen ciidamada Itoobiya ayaa garaaya ilaa 12 odey ayaa waxey ku xiran yihiin deegaanka Qalaafe, ee dhulka ay Soomaalidu degto ee ka tirsan Itoobiya.

Waxeyna ka kala tageen odayaashani deegaanada, Shilaabo, Mustaxiil, iyo Qalaafe waxeyna wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku sii dayaan odaayashan ay haystaan ciidamada Itoobiyaanku oo ay dhawaan ku xireen deegaanka Qalaafe oo ay ku eedeynayaan, in caruur ay dhaleen ay ka dagaalanto gudaha wadanka Soomaaliya, iyo dhulka Soomaalidu ay degto ee ay Itoobiya Maamusho.

Inkastoo la sheegin odayaashaan ay la kulmeen saraakiisha ciidamada Itoobiya hadana waxey wadaan Kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan, maalimihii ugu danbeeyey deegaanka Shilaabo oo ay dadaal ugu jiraan sidii ay u sii deyn lahaayeen odayaashan.

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegey xarigan ay xireen 12ka odey in ay caruurtooda ka dagaalanto itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo ay wal wal xoogan ka qabaan shacabka Soomaalida ah ee ku dhaqan deegaanda ay Itoobiya maamusho.

Si kastaba ha ahaatee waxaanan la ogeyn In dadaalada ay wadaan ay ku guuleysan karaan iyadoo isku dayayaan in la kulmaan saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: