Toggaherer’s Weblog

DHAKHAATIIR KA SOCODTA UAE OO HAWL GAL SHAQO KU TAGAY DHAKHTARKA HARGAYSA

Posted on: May 4, 2009

DHAKHAATIIR KA SOCODTA UAE OO HAWL GAL SHAQO KU TAGAY DHAKHTARKA HARGAYSA

Waxaa manta magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa ka bilaabay hawlga qaliin ah oo indhaha loogu jeexayo dadka indhaha wax ka qaba ka furay dhakhaariir ka socota wadanka isutaga imaaraadka carabta hawlgalkaa oo ay ka bilaaben maanta cusbataalka wayn ee Hargaysa.

click to comment

Hawlgalkan oo ay ka soo qay galeen wasiirka wasaarada caafimaadka iyo shaqada mr Cabdi Haybe, agaasimaha guud ee wasaradaasi Anwer Maxmaed cige, agaasimaha guud ee cusbataalka wayn ee Hargaysa Dr Yasiin Carab Cabdi, masuuliyiin kale oo ka kala socda wasaarada cafimad iyo madaxkale oo ka socday dawlda iyo dadweyne tiro badan.
Mr Saalax Muuse oo hogaaminayey kooxdan dhakaatiirta ah ayaa uu sheegay in uu socdaalkoodani ahaa sidii ay wax uga qaban lahaayeen bahiyaha xaga araga taas oo uu yidhi waxaan ku tala galkii markii hore aanu ugu talo galnay xaga qaliinta iyo daawaynta indhaba markii aanu nimid dalka waxaanu aragnay in aanay kafaynayn xag qalin iyo xag daawayn ahaaneedba taas oo uu sheegay in ku tala galkayagii hore ay bateen xadigan bahiyeen ee ka jirta dalka .

click to comment

“Waxaanu Somaliland u nimi in aanu qalliin ku fulino dadka dhibaatooyinka Indhaha ka cabanaya, waxaana qalliinkani yahay barnaamij taakulo ah oo lacag la’aana, oo aanu ugu talo-galnay in aanu ku gargaarno dadka aan awooda u helin in ay iska bixiyaan lacagta indhaha lagu qalo, waxaana aa filayaa in dad badani ka faa’idaysan doono.” Sidaa waxaa yidhi ku xigeenka xoghayaha bisha cas ee wadanka Isu taga Imaaradka carabta .

Waxa uu sheegay mr Saalax in ay dadka badna ku qali doonaan cusbtaalka guude ee Hargaysa halka ay qaybta kale ku qali doonaan cusbtaalka indhaha ee AlManhal, taas oo u

Dhakhaatirtan ka soo kicitimay Dalka Isutaga Imaaradka Carabta aya waxa ay ka koobnaayeen sagal Dr ayaa socdaal kormeer ah ku tageen degmooyin ka tirsan gobolka Gabiilay oo kala ah isla degmada Gabiilay , Kalabaydha iyo wajaale taas oo ay kulamo la yeesheen madaxda degmooyinkasi iyo waliba badhasaabka, izo mayorka Gobolka gabilay.

Dhakhatiirtan oo mudo gaaban joogi doono dalka Somaliland ayaa waxaa la rajaynayaa in ay wax way ka qaban doonaan xanuunada indhaha oo isug jira qaliin iyo daawaytn guud taas oo ay ah baahiyha ugu wayn ee dalka ka jira.

Maxamed Muse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: