Toggaherer’s Weblog

BUDHCAD BADEED GARAYSA 11 OO CIDAMADA FRANCE AY QABTEEN

Posted on: May 4, 2009

BUDHCAD BADEED GARAYSA 11 OO CIDAMADA FRANCE AY QABTEEN

Waxaa xeebaha Jazeerada Seachells lagu qabtay Budhcad badeeda Soomaaliyeed iyadoo budhcad badeeda Soomaaliyeed ay qabteen ciidamada wadanka France xilli ay ku guda jireen inay qafaashaan maraakiibta ka baxsan xeebaha wadanka Somalia ee marayay marin biyoodkaasi.

Budhcad badeedan ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay hub casri ah iyo waliba qalabka kale oo nooc casri ah oo ay ku ogaanayaan maraakiibta iyo inta ay u jiraan iyadoo Budhcad badeeda Soomaaliyeed iyo waliba qalabkoodii ay gacanta u galeen ciidamada France oo hawlgalo ka fuliyay xeebaha Jazeerada Seachells.

Ciidamada France ayaa waxa ay hadda ku hayaan Budhcad badeeda Soomaaliyeed markab dagaal kaas oo hadda taagan xeebaha Jazeerada Seachells iyadoo la filayo maalinta barri ah in la keeno magaalada Victoria ee jazeerada Seachells si loogu maxkmadeeyo Budhcad badeeda Soomaaliyeed ee ay qabteen ciidamada wadanka France.

Afhayeenka madaxtooyada Jazeerada Seachells ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamada France ay soo qabteen Budhcad badeed Soomaaliyeed ayna hadda ku sugan yihiin xeebaha Seachells lana keeni doono magaalada Victoria isagoo sheegay in halkaasi maxkamad lagu soo taagi doono Budhcad badeeda Soomaaliyeed.

Hadaba Budhcad badeedan ayaa waxa ay doonaysay in ay qafaashaan markab dalxiis ah kaas oo ay saarnaayeen dad gaadhaya 1500 kun oo qof iyadoo markabkaasi ay ka qabteen ciidamada France oo hawlgal ku fuliyay xilli ay qabsanayeen markabkaaasi.

warqabadka togaherer
Bosaaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: