Toggaherer’s Weblog

ARDAYDA DUGSIGA SHEEKH BASHIIR OO KA GADOODAY MARKII AY MAQLEEN IN LA FAASAXAY DUGSIGOODA

Posted on: May 4, 2009

ARDAYDA DUGSIGA SHEEKH BASHIIR OO KA GADOODAY MARKII AY MAQLEEN IN LA FAASAXAY DUGSIGOODA


CALI ASAD IYO FADAL HAWLGALINTA BILAYSKA OO ARDAYADA KU HORTAAGAN MADAXTOOYADA

Hargeysa 04 May 2009 THN

Ciidamada Bilayska iyo Tiro ardayda Dhigata Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir Hargeisa ayaa isku dhacay ka dib markii Ardayada oo ka mudaharaadaysa warar sheegaya in la iibiyey Qaybta Galbeedka Iskuulka oo laga iibiyey ganacsato .
Ciidmada Bilayska ayaa rasaas ooda kaga qaaday Ardayda si ay u kala kaxeeyaan rasaasta oo laga maqlaayay gobo badan oo magaaalada ah.
Wasiirka Beeraha Md Aadan Axmed Dhoolayare iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir ayaa ardayda kula hadlay gudaha iskuulka waxaanay ardayda u sheegeen warka loo sheegay inuu been yahay, waxaanay ardayada u balan qaadeen arrintaasi haddii ay dhab tahay inaanay aqbalayn in la iibiyo dugsiga dhismihiisa

Dhacdadan ayaa ka danbaysay markii ay waayadan dawladu iibinaysay guryaha Dawlada ee ku yaal Indian Line ka iyada oo oo hore loo iibiyey Dhulka ay ku fadhiday Indain line ku intuu ugu badnayd waxa soo hadhayna ay haatan yihiin tiro yar oo ah dhawr Guri oo u dhaxeeya Bar Hargeysa iyo Iskuulka Sheekh Bashiir oo ah inta Imika la iibiyey ee shakiga gelisay Ardayda in iibka dhulkaasi soo gaadhay Iskuulkooda.

Saaka markii uu mudahraadku bilaabmay ayay Ciidamada Madaxtooyadu xidheen jidka halbawlaha ah ee isku xidha magaalada iyo magaalooyinka kale ee hor mara Madaxtooyada .

Geesta kale Wasiirka Hawlaa Guud ayaa Difaacay Iibka Dhulka Danta Guud ee ay iibiyeen gurayaha Indian Line ka isaga oo sheegay In ay ka dhisayaan ganacsatadu Guryo Fooqaq dhaadheer ah oo Bilic kus oo kordhiya magaalada.
Waxaanu beeniyey in ay ku jirto dhulka ay iibiyeen Dugsiga Sheekh Bashiir.

Mudaharaadkan ayaan Wax khasaare ah oo uu geystay jirin marka laga reebo Rasaasta faraha badan ee ay isticmaaleen Ciidmadu iyo Ulo ay la dhacayeen ardyada.

Si kastaba ha ahaate Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa badankoodu aad uga biyo diidsan iibka ay dawladu ku hayso dhulka Ama dhismayaasha dawlada sidoo kale Xisbiyada mucaaridka ah ayaa iyagu aaminsan in aanay dawladu u marin iibka dhulkan sifada sharciga ah iyo xeerka dalka u yaal maadama oo aan la soo bandhigin Marka la iibinayay dhulkan.

Maxamed Muse
Hargeysa


Ardayada oo Dareenkooda Muujinaya


Guryaha indian line ka ee la Iibiyey


Guryaha indian line ka ee la Iibiyey

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: