Toggaherer’s Weblog

NINKII GAADHIGA KU WEERARAY BOQORADA HOLLAND OO SAAKA GEERIYOODAY

Posted on: May 1, 2009

NINKII GAADHIGA KU WEERARAY BOQORADA HOLLAND OO SAAKA GEERIYOODAY

Maalintii shalay oo dalka Holland looga dabaaldegaayey maalinta Boqorada Holland Beatrix, ayaa waxa ay ku soo dhamaatey murugo iyo geeri, kadib markii nin da’diisu tahay 38 jir uu gaari ku derderay dadkii isugu soo baxay ka qaybgalka xafladda Boqorada, waxa uu isla goobta ku diley 5 qof halka uu dhaawacay 13 qof oo kale.

click to comment

Boqorada dhanka bidix ee koofiyada cas waxaa taagan ninka iska leh dhaxalka iyo xaaskiisi
Ninkan ayaa gaarigiisa yar waxa uu ku istaagey meel aan wax badan ka fogeyn gaariga weyn ee dusha ka furnaa ee ay saarneyd Boqoradu, waxaa Qoyska reer Boqor ee gaariga saarnaa indhahoodu qabteen dadka dhulka wada galgalanaya iyo dhiiga dhulka caseeyay, taas oo ku ridey fajac iyo amakaag.

click to comment

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ninkaan shukaantu ka xirantey kadibna gaarigu la aadey dhan kale laakiin isagu doonaayey in gaarigiisa yar uu ku dhufto Baska weyn ee dusha ka furan ee Boqoradu saarneyd, sidoo kale waxa ay ka heleen Kaarto muujineysa meelaha Boqoradu marayso iyo wadooyinka ay istaageyso.

click to comment

Dhaawaca ninka weerarka geeystey ayaa la geeyey Isbitaal ku yaaley isla magaalada uu shilka ka geystey ee APELDOORN waxaa ku yaaley dhaawac aad u culus, halkaas oo uu saaka waaberkii ku nafbaxay.

Ninkan oo magiciisa lagu soo gaabiyey Horst T, ayaa dhawaan laga cayriyey shaqadiisi, sidoo kale waxaa dhib ku noqotey in uu iska bixiyo kirada guriga uu degan yahay taas oo ku qasabtey in uu isaga guuro, arintaas ayaa la filayaa in ay ku kaliftey in uu sameeyo aargudasho.

click to comment

click to comment

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: