Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA KHAARAJIGA JSL OO CAMBAAREEYEY WAXBA KAMA JIRAANA KU TILMAAMAY HADAL KA SOO YEEDHAY OOMAAR

Posted on: April 30, 2009

WASIIRKA KHAARAJIGA JSL OO CAMBAAREEYEY WAXBA KAMA JIRAANA KU TILMAAMAY HADAL KA SOO YEEDHAY OOMAAR

WASIIRKA KHAARAJIGA JSL OO CAMBAAREEYEY WAXBA KAMA JIRAANA KU TILMAAMAY HADAL KA SOO YEEDHAY OOMAAR

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debbeda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa cambaareeyey waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Debeda Somalia Cabdillaahi Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo dhawaan sheegay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay wada-hadal dhex mara dawladda Sheekh Shariif.

Md. Ducaale oo shallay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Cabdillaahi Ooomaar uu sheegay been cad xukuummad ahaana ay aad uga xunyihiin, “Waxa ka soo yeedhaya Masuulliyiin ka tirsan maamulka Muqdisho oo ku andacoonaya in Somalilan ay wadahadal la gelayaan oo aan u arko arrin been ah oo waxba aan ka jirin, waana laga fiicanyahay Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo u qaabilsan Arrimaha debbeda ee maamulkaas wax aan jirin in uu sheego arrintaana aad iyo aad ayaanuga xumahay waanan cambaaraynayaa. Markaa waxaan idinla socodsiinayaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo laga fekeray amma qorshaha noogu jira, qollooyinka meelah ka qaylinayana waxaan leeyahay danihihiina qabsada.” Ayuu yidhi Wasiirku

Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa uu sheegay in qaranimada Somalilan tahay mid aan dib u soo noqosho lahayn. “Qarankani arrinkiisa meelbuu dhigtey, waana mid dhammaatay, wax laga wada hadlayaana haba-yaraatee ma jirto 1191kii ayaa Buirco lagu shirey oo qarankani hawlihiisa dhammaystey intii ka danbeyseyna taas ayuunbaa socotay, dastuur qaranbaa la sammeeyey, aftina waa loo qaaday “ ayuu yidhi wasiirku

Wasiirku waxa uu sidoo dedaafeeyey nin ka tirsan xisbiga UDUB sheegtay in uu masuul ka yahay siyaasadda arrimaha debeda ee Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu wasiirku yidhi; “Waxaan maqlayey oo aan warbaahinta ku arkayey nin sheeganaya in uu xisbiga UDUB ka tirsanyahay, isgana warkiisa wax ka jiraa ma jiraan cid aanu u dirsanay ma jirto. UDUB-na siyaasadda arrimaha debbeda ee qaranka shuqul kuma laha. Siyaasadda arrimaha debeda qaranka waxa uga wakiil ah wasaaradda arrimaha debbeda.

Ka dib Shirkaa Jaraa’id ayaa Wariyayaashu waydiiyeen Dhawr Su’aalood Wasiirka Su’aalii iyo jawaabiina waxay u dhaceen sidatan:-

S: Wasiir marka laga hadlayo Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland, waxyaabaha ugu badan ee ay beryahan dambe iswaydaarsadaan waxa weeyaan Xukuumadda ayaa sugaysa inay dawladda Sheekh Shariif heshiis la gasho marka ay dhisanto iyo Xisbiga KULMIYE ayaa heshiis sugaya oo Koonfur tagaya. Markaa miyaanay hadadaladan aad ku eedaynayso Masuuliyiinta Soomaliya kuwo galdaloolooyinkooda dhexdiina ka soo baxay oo ay ka faa’iidaysanayaan?

J: Walaal Annagu cidna kumaanu eedayn taas, KULMIYE-na maanaan eedayn, magacii Xukuumaddana Aniga ayaa ku hadlaya, laakiin warkaa aad sheegayso waanu maqlaynay, wax allaaliyo wax ka jiraana ma jirto.

S: Wasiir xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay Xukuumaddu sheegto inuu adag yahay, Baasaaboorkii Somaliland looguma dhoofi karo, Xafiiskii ay Jabuuti Hargeysa ka furan lahaydna ilaa iyo imika kamay furan. Markaa bal noo sharax arrimaha ay inala qabtaan, maadaamaa aanay kuwaasba qaban?

J: Xafiisyadaas rasmiyan waa laga heshiiyay, labada Madaxweyne (Rayaale iyo Geele) way iska arkeen, hoosna waa loo daadajiyay arrintaas. Waxa kaliya ee labada Xafiis (Hargeysa iyo Jabuuti) hortaaganina waa arrin farsamo, wakhti dhawna waxaanu ku rajoweynahay inay dhammaato, Baasaaboorka Somaliland-na waa lagu tagaa Jabuuti, dhawaana waxa ku tagaaya dhawr iyo sodon qof, horena waa loogu tagi jiray, Anaguna meel Baasaaboorka Somaliland lagu diiday ma ogin, waase laga yaabaa in Shaqsi lagu celiyo.

S: Wasiir waxaad sheegtay inaad waraaqo u dhiibi jirteen wakhtigii aanu Wasiirka noqon, markaa bal marka hore waraaqahaasi waxay ahaayeen dadka u faah-faahi?

J: Nin Ganacsade ahbuu ahaa, meelahaa uu tagtagayo ayaanu odhan jirnay fariimahaas siiqaad isaga iyo Shaqsiyaad kale, had iyo jeerna waanu diranaa dadka, markaa wuxuunbay ahaayeen kuwo la xidhiidha arrimo Ganacsi iyo dawlado kale.

S: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya Mr. Oomaar waxa uu sheegay in Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxay sugayaan dawlad ka dhisanta Muqdisho in wadahadalo dhexmaraan, Xukuumadda Somaliland-na ilaa Madaxweynuhu waxay ku celceliyaan in koonfurtu markay waxnoqdaan wadahadal dhex mari karo, markaa hadalkan Wasiir Oomaar muxuu kaga duwan yahay kuwii Somaliland odhan jirtay?

J: Horta Annaga nalama yidhaahdo Gobolada Waqooyi ee Qaran waxa la yidhaahdaa Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii naanayso kale u bixisa ama adiga hanoqoto ama isagaba ha noqoto’e, taas lafteedu waa aflagaaddo, waayo magaca Somaliland waa magac dastoori ah, dadkii u codeeyayna ayaad ka mid ahayd, Somaliland jiritaankeedu waa muqadas, waa nabad, waataa aynu aqoosi ku raadsanayno, doorashadii labaad ee Madaxtooyaduna way inoo dhacaysaa, Hay’adihii oo dhamina way inoo dhisan yihiin. Markaa cid arrinteena lagala gorgortamayaa ma jirto. Ilaa 1991-kiina Siyaasadda Somaliland waxay ahayd mid aan is bed-bedal lahayn, qofkasta oo Kursiga soo fadhiistaana taasuu ku shaqaynayaa.

S: Dhawaan waxa Magaaladda Brasalis lagu qabtay Shir ay ka soo qaybgaleen wadamo badan oo Caalamka ahi, kaasoo deeq loogu ururinayay dawladda ku-meel-gaadhka Somaliya, inaad Shirkaa ka qaybgashaan Somaliland ahaan maxaa idinka hortaagan?

J: Shirkaasi wuu jiray oo Shir Caalamiya ayuu ahaa, Niman ayaa meel lagu xareeyay, Shirkii Carta, Impigaati, Qaahira iyo meelo badan oo kale waadigii ogaa. Markaa waxaasi (Shirkaasi) Annaga nama khuseeyo, ee danahayaga weeye waxa laga hadlayaa, Caalamkana sidaas ayaanu u sheegnay, Caalamkuna wuu ogyahay Somaliland meesha ay Somaliland ka taagan tahay, haddii kuwaas (Somaliya) wax la siinayo Annaguna waanu ka dalbanay, wixii nooga soo baxana waa sugaynaa, laakiin Shirkani mid Somaliland naloogu yeedhay ma ahayn ee waxa uu ahaa Shir Maqdarad loogu dhigay nimankaas Koonfureed.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: