Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADA ITOOBIYA OO KA BADBAADAY AFGAMBI LALA MAAGANA (AFGAMBI DHICISOOBEY)

Posted on: April 26, 2009

XUKUUMADA ITOOBIYA OO KA BADBAADAY AFGAMBI LALA MAAGANA (AFGAMBI DHICISOOBEY)

War hadda uun soo shaac baxay laakiin dhacay shalay subaxnimaddii ayaa sheegaya in taliska wadanka Ethiopia uu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay oo ay sameeyeen saraakiil kamid ahaa ciimada Qalabka sida ee wadankaasi iyo
kuwa kale oo dowladda u shaqeeya.

Dadka magaalada ayaa ka warhelay ciidamo farabadan oo soo buux dhaafiyay wadooyinka Addiss Ababa kuwaas oo ah kuwa
Tigre ah oo si gooni ah loogu tababaray ka hortaga mucaaradka iyagoo markaasi baadhitaan ugu dhaqaaqay meelo kamid ah magaalada waxaana la sheegay in loo xidh xidhay arrintan in ka badan 35 qof oo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Shaqaalaha Dowlada Federaalka ah.

Xukumada Meles ayaa iyadu markiiba eedayn dusha uga tuurtay Xisbiga Siyaasiga ah ee Ginbot7 oo ay ku sheegeen
inuu ka danbeeyay Afgembigan. Hogaamiyaha Xisbigaas oo lagu magacaabo Berhanu Nega ahna Macalin jaamaceed ayaa lagu
eedeeyay inuu abuulay afgembigan xilli uu ka maqan yahay dalka iyadoo la sheegay in la xidhi doono marka uu wadanka ku soo noqdo.

Xisbigan ayaa horey u sheegay in Xukumada Meles aysan aqoon Luuqada Wada hadalka iyo Demoqraadiyada balse uu yaqaaan
oo kali ah luuqada xooga iyo Afgembiga waa sida ay hadalka u dhigeene.

Hogaamiyahan Xisbigan ayaa dowladda Ethiopia horey u xidhay sannadkii 2005 wuxuuna ahaan jiray Duqa magaalada
Addiss Ababa wuxuuna heystaa dhalashada Wadanka Maraykanka oo uu muddo dheer deganaa.

Dowladda Males ayaa sidoo kale ku eedeysay safaarada mareykanka ee Addis Ababa iney iyadu faraha kula jirto
arrimo ka soo horjeeda nabadda wadanka Ethiopia iyadoo la sheegayo in mad madow soo kala dhexgalay.

Xafiiska Wararka TogaHerer
Germany

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: