Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA HAWLAHA GUUD OO XAFIISKIISA U BANEEYEY GUDIDA JOOGTADA EE GUURTIDA

Posted on: April 26, 2009

WASIIRKA HAWLAHA GUUD OO XAFIISKIISA U BANEEYEY GUDIDA JOOGTADA EE GUURTIDA
Kulan ay shalay Guddida joogtada golaha Guurtidu la lahayd wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed ayaa baaqday, kadib markii uu wasiirku u baneeyey xafiiskiisa oo kulanka guddida iyo wasiirku ay ku ballan sanaayeen.

sabtidii todobaadkii hore ayey Guddidu qoraal ugu qoreen Wasiirka inuu kulankaasi ku qabsoomo xarunta wasaarada hawlaha guud, haseyeeshee wasiirka hawlaha guud ayaa u gooyey guddida joogtada, iyada oo xubnaha joogtada Guurtidu ay la kulmeen xafiiskiisii oo haawanaya oo uu wasiirku ka maqan yahay, una sheegtay xoghayntiisii in uu hotel Mansoor shir ka dhacayey uu ka qaybgalay, una faray in maalin kale ay isku yimaadaan, haseyeeshee guddoomiyaha guddidaa joogtada Md;Cabdilaahi Ibraahim Xirsi oo hogaaminayey xubnaha guddida joogtada ayaa xoghaynta u sheegay in wasiirka ay telefoonkiisa kula xidhiidhiso intaa ka dibna wasiirka ayaa la soo xidhiidhay guddoomiyaha guddida joogtada una sheegay in qolo weftiya oo dibada ka timid uu shir kula leeyahay Hotelka Maansoor, balse Xildhibaan Dhugad ayaa u sheegay in kulanka dambe ay soo mudayn doonaan uu ugu iman doono xarunta golahooda.

Guddoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan guddidaasi ayaa saxaafada xogwaran kooban ka siiyey xarunta wasaarada hawlaha guud, halkaas oo uu sidoo kalana kaga hadlay eedaha qaab dhismeedka guddidooda ay u soo jeediyeen xildhibaanada qaarkood shirciyada lagu soo dhisay.

Guddoomiye Dhugad isagoo ka hadlaya balanta uu kaga baxay wasiir Siciid Sulub waxa uu yidhi “Runtii wasiirka hawlaha guud oo aanu guddi ahaan qoraal xogwaraysi usoo qornay toddobaadkii waa balse kulankaasi oo aanu ku balansanayn xafiiskiisa waxa u noo sheegay in wefti dibadaha ka yimid uu shir kula leeyahay hotel Maansoor, waxaanu noo sheegay in kulan dambe ay usoo qabtaan anaguna waxaanu u sheegnay in kulanka dambe uu noogu iman doono xarunta golahayaga, anaguna aanu soo mudayn doono balanta dambe isaguna wuu nala qaatay”

Mar la waydiiyey maadaama aanu wasiirka hawlaha guud balantii uu la lahaa aanu wax ogaysiina ka soo siinin balse uu si badheedha ugu gooyey in arrinkaasi uu weji gabax uu ku yahay guddidooda arrinkaasi ku dhacay guddidooda ka hadlaya Md:Dhugad waxa uu yidhi “Runtii way haboonayd inuu nala soo socodsiiyo arrinkaa ku yimid balse haddii ay dhici wayday sii raad raaci mayno ee ka dambe ayuun baanu ka war sugi doonaa”

Dhinaca kale xubnaha guddida joogtada ee golaha guurtida ayaa markii ugu horaysay jawaabo kulul ka bixiyey daadafayntii jiritaanka sharciyada guddidooda oo ay xildhibaano ka mida guurtidu sheegeen inaanay guddidoodu matalin golaha.isagoo arrinkaasi ka hadlaya xildhibaan Cawil Dawiil oo ka mida guddidada joogtada ayaa isagu yidhi “Isku shaandhaynta xubnaha guddi hoosaadyada golaha shirguddoonka ayuun baa magacaabi jiray oo isku bedeli jiray, goluhuna guddiyada cusub iyo guddida joogtada ma buu ansixin jirin, xeer hoosaadkuna waxa uu awood u siinayaa isku shaandhaynta guddiyada shirguddoonka, sidaa darteed shakhsiyaadka guddidayada ka daba qaylinayaa waa kuwii guddoomiyeyaasha ka ahaan jiray guddiyadii hore oo u qaadan la”

Guddoomiyaha guddida joogtada Xildhibaan Dhugad oo isaguna arrinkaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan u arkaa cida sidaa ku hadaaqaysa cid cabaadaysa guddida joogtaduna kuwa dabadaha ka qaylinaya shirciyada ugama baahna”

Intaa ka dib waxay xubnaha guddida joogtadu kormeerku soo mareen xarunta hay’ada wadooyinka Somaliland SRA iyo goobta dhismaha birishka labaad ka socdo halkaas oo ay xogwaran kaga dhagaysteen maareeyaha guud Eng:Maxamuud Cabdilaahi Faahiye iyo maareeye ku xigeenka Xuseen Cabdi Cali

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: