Toggaherer’s Weblog

MARKAB DALXIISE OO SIDA IN KABADAN 1200 OO DALXIISE OO KA BADBAADAY BUDHCAD BADEED

Posted on: April 26, 2009

MARKAB DALXIISE OO SIDA IN KABADAN 1200 OO DALXIISE OO KA BADBAADAY BUDHCAD BADEED

Markab nooca tamashlaha ama dalxiiska oo sidan in ka badan 1200 qof ayaa la soo sheegayaa in uu si dirqi ah uga badbaadey weerar ay ku damacsanaayeen inay ku qafaashaan kooxaha Budhcad badeeda Soomaalida ee ka qawlaysanaya xeebaha Soomaaliya iyo badaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Budhcad badeeda oo ka koobneyd lix nin oo watey doonni yar oo nooca dheeraya isla markaana sitey qoryaha garbaha laga tuuro ee RPG7 baasasuukayaasha ayaa waxay markabkan ku weereereen badweynta Hindiya, waxaana markiibaa budhcad badeeda rasaas ooda uga qaaday ilaalada amaanka ee Markabkaasi sida uu sheegay nin taliye u ah kooxda ilaalada ee saaran markabkaasi dalxiis.

Taliye Ciro Pinto ayaa u sheegay Raadiyaha Talyaaniga in lixda nin budhcad badeeda ay isku dayeen inay ku soo dhawaadaan markabka dalxiis oo lagu magacaabo Msc Melody taasi oo keentey in ilaalada ay rasaas ooda uga qaaday kooxda shufto badeeda, taasi oo keentey inay dib u laabtaan.

Domenico Pellegrino, oo madax u ah shirkada iska leh markabkaasi ayaa u sheegay wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA in markabka oo sidey 1200 oo qof ay bad qabaan dhamaan dadkaasi iyo waliba shaqaalaha markabka, waxaana uu u mahadceliyey Taliye Ciro Pinto iyo kooxdiisa amaanka ee budhcad badeeda ka waabiyey inay qabsadaan markabkaasi.

Falkan ayaa wuxuu ka dhacay badweynta Hindiya meel u jirta 180 mile xaga waqooyi ka xigta Jasiirada Seychelles.

Markabkan ayaa ku jiray safar dalxiis maalintiisii 22-aad, waxaana uu ka soo ambabaxay magaalada dekada leh ee Darban ee dalka Koonfur Afrika waxaana uu ku socdey magaalada Genoa, ee wadanka Talyaaniga.

ANSA waxay sheegtey in markabku uu hada ku socdo sida qorshuhu in uu ku hakado dekada Caqaba ee dalka Jordan.

Kooxaha budhcad badeeda Soomaaliya ayaa waxay haystaan haatan dooni nooca wax jiida oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga taasi oo ay saaran yihiin 16 qof oo 10 ka mid ah ay ka soo jeedaan dalkaasi Talyaaniga.

Xafiiska wararka TogaHerer
Germany

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: