Toggaherer’s Weblog

M/WEYNE RIYAALE OO HAMBALYO U DIRAY HOGAANKA XISBIGA ANC GUUSHA AY GAADHEEN DOORASHADII SOUTH AFRICA

Posted on: April 25, 2009

M/WEYNE RIYAALE OO HAMBALYO U DIRAY HOGAANKA XISBIGA ANC GUUSHA AY GAADHEEN DOORASHADII SOUTH AFRICA
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 25/04/09

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta waxa uu hambalyo diiran u diray hogaanka Xisbiga ANC Mudane Jacop Zuma guushii uu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka South Africa.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadayda, Shacbiga Somaliland, waxa aanu kuu soo diraynaa adiga iyo xisbigaagaba hambalyo diiran oo aan la soo koobi karayn, guusha taariikhiga ahayd ee aad ka soo hoysay dalka koonfur Afrika doorashadii aad u gashay Madaxtinimada dalka South Afrika.

Waa guul aad u soo hoyseen dalkiina South Africa iyo dhamaan Qaarada Afrika”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadkayga iyo hogaankooduba waxay si toos ah ugala socdeen Tv-yada iyo Idaacadaha shaqadaadii adkayd iyo abaabulkii aad u soo gashay guushan maanta aad gaadhay.

Aad ayaan ugu hanweynahay hogaankaaga qaaliga ah, waxaanan u rajaynaynaa in xidhiidhka Somaliland iyo South Africa uu sii horumari doono, waxaanan kuu rajaynaynaa nasiib wanaagsan iyo guul adiga iyo dhamaan dadweynaha reer South Africa”

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: