Toggaherer’s Weblog

MAXKAMADA MAGAALADA BERBERA OO XUKUNTAY KOOX BUDHCAD BADEED 9 AH.

Posted on: April 25, 2009

MAXKAMADA MAGAALADA BERBERA OO XUKUNTAY KOOX BUDHCAD BADEED 9 AH.

Berbera 25 April 2009 THN
Maxkamada Magaaladda Berbera ayaa maanta Xukuntay koox budhcad badeed ah oo 9 ah una dhashay Maamulka Goboleedka Puntland oo ay dhawaan qabteen ciidamada Xeebaha Somaliland .
2 Ka mid ah Kooxda Budhcad badeeda ah oo ahaa Hogaamiyayaasha kooxdan ayay maxkamadu ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah Halka 7 kale ay ku xukuntay 15 sano oo xadhig ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Berbera Cismaan Ibraahim Daahir ayaa sheegay in maxkamadu xukuntay Budhacdan iyada oo uu difaacayay qareen u doodayay iyada oo maxkamada la keenay marag muujin sidoo kale maxkamada ayay kooxdan budhcadu ka hor qirteen in ay ahaayeen budhcad badeed Maxkamada ayaa u cuskatay Xukunka Ragan Qodobada kala ah 234, 273 , 118 ee xeerka ciqaabta guud..

Koxdan ay xukuntay Maxkamada Berbera ayaa noqonaysa Kooxdii afaraad ee budhcad Badeed ah ee ay xukunto Somaliland iyada oo hore ay maxkamadu xukuno ugu riday saddex kooxood oo hore oo budhcad badeed ah.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Hargeysa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: