Toggaherer’s Weblog

DALKEENA WUXUU KU SOCDAANA WAA JAADKA INA AFDIINLE & AFARTA MARAKAB EE OOMAAR IYO INDHADEERO KEENAAN

Posted on: April 25, 2009

DALKEENA WUXUU KU SOCDAANA WAA JAADKA INA AFDIINLE & AFARTA MARAKAB EE OOMAAR IYO INDHADEERO KEENAAN

DALKEENA WUXUU KU SOCDAANA WAA JAADKA INA AFDIINLE & AFARTA MARAKAB EE OOMAAR IYO INDHADEERO KEENAAN

Xaggaad ka keentay Guryaha aad ka dhisatay Nairobi haddaanad hantida umadda dhicin? Waraysi khaas ah…Wasiirka Maaliyadda

“Annaga iyo Baanku waanu isla qaadanay, meel aanu Madaxweyne dacwad isula tagnayna ma jirto”

“Been sheegi maayee habeen walba waxaan ku ducaystaa Illaahow wax umaddaasi leedahay ha ii baahin”

-Adiga iyo Rayaale waxa la idiin arkaa labada nin ee ugu Musuq iyo hanti lunsi badan Somaliland, idinku sidaa ma isu aragtaan?

-Wasiir, dadku waxay idiin bixiyeen Xukuumad aan runta aqoon (BEENALEY), markaa….?

“Nin weyn oo aanu isku da’ nahay ama igaba weyni markuu yidhaahdo,
Balaayiin Doolar baa la lunsaday, Miisaaniyadda dalkuna tahay 50-Miyan
oo doolar, marka ninku been sidaas ah sheego ee aad arkayso haddana
inuu Masaajidka galo, tukado , dee waxaad u qaadanaysaa in aanu caadi
ahayn”

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale
(Cawil), ayaa waraysi dheer oo uu Wargeyska Ogaal xalay khadka
Telefoonka kula yeeshay, kaga jawaabay su’aalo la xidhiidha khilaaf la
sheegay inuu soo kala dhex galay Wasiir Cawil iyo Guddoomiyaha Baanka
Cabdiraxmaan Ducaale, arrimaha Musuq-maasuqa, iibka dhulka danta guud
iyo qodobo kale. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;

Ogaal: Wasiir, waxa soo baxday in adiga iyo Guddoomiyaha Baanku aad
isku khilaafteen Cashuuraha oo aad diiday in Baanku qabto, dabadeedna
Madaxweynaha oo aad isula tagteena uu kugu taageeray, arrintaas maxaa
ka jira?

Cawil: Arrintaa waxba kama jiraan. Waa tii Doollarku sare u kacay ee
ilaa 8-kun uu madaxa la galay halkii doolar, markaa waxay noqotay
markii Wasaaradda iyo Baanku arrintaa ka shireen in doolarkii la
xakameeyo, sababtoo ah doolarku hadduu kaco Maceeshadii iyo noloshii
umadda oo dhibaato haysato ayuu taabanayaa, wax welibana sare ayay u
kacayaan oo Anigu xataa waxaan ogaaday in ilaa koobkii Shaaha ahaa uu
sare u kacay. Markaa, waxaanu go’aan ku gaadhnay in talaabada ugu
horeysa ay noqoto, in Kastamku Cashuurta Kaash Shilin Somaliland ah ku
qabto, oo ninkii laba boqol oo Milyan oo Cashuur ah lagu yeeshay uu
labadii boqol ee Malyuun Suuqa ka soo iibsado, dabeedna uu geeyo
Kastamka. Tusaale ahaa; ka dhig in Cashuurta ganacsadaha lagu yeeshay
ay noqotay 50-kun oo doolar, markaas 50-kii kun ee doolar ka qaban
maayo Kastamku sidaanu ku amarnay ee waa inuu Suuqa tagaa oo uu soo
iibsadaa inta lacagtaasi ka noqonayso Shilin Somaliland, ka dibna uu
keenaa Kastamka. Waayo; adduunka oo dhan Kastamku lacagta Cashuurta
Kaash buu ku qabtaaye Jeeg kuma qabto, markaa halkuu ninkii keeni lahaa
50-kun oo doolar oo Jeebka ugu jira, wuxuu ku khasbanaanayaa inuu
Shilinkii suuqa ka raadsado, Kastamka geeyo, dabadeedna Kastamku ka
qabto lacagtii oo Shilimaadkii Cashuurta ahaa uu markaa ka dib
Kastamkuna Baanka geeyo.

Ogaal: Baanku Cashuuraha uu qabto marka horeba Kastamaduu u qabtaa,
ganacsataduna waxay ka cabanayaan markay sidan aad sheegayso noqoto,
inay lacag fara badan gaadhi ku qaadaan taasoo dhibteeda leh, markaa
maxaa ku jaban haddii Baanku sidii horeba ugu qaban jiray uu imikana u
qabto?

Cawil: Imika metelan ninka Berbera joogaa saw awalba Kaash muu geynayn
Baanka, muxuu markaa ku diidayaa inuu Kastamka keeno Kaashka, ka dibna
uu Kastamku geeyo Baanka?. Baanka lacag doolar ah ayuu u dhiibi karaa
oo uu odhan karaa iga xisaabiya oo sicirka maanta iigu dhufta, taanu ku
diidaynaa waa taas. Waayo, taanu rabnaa waxa weeye in lacagta Suuqa
laga soo iibsado oo Shilinkeenu macduun noqdo, doolarkuna Suuqa ku
bato. Talaabada ugu horeysa ee aanu doonayno in aanu doolarka ku
xakamaynaana taas bay noqotay, Annaga iyo Baankuna waanu isla qaadanay.
Xaasha’ meel dacwad la isula tegay oo Madaxweyne la isla gaadhayna ma
jirto.

Ogaal: Laakiin, haddaad isla qaadateen ma waxaad isla qaadateen markuu Madaxweynuhu ku taageeray?

Cawil: Maba jirtaba oo Madaxweynaha kala-maanaan hadalba arrintaas, sababtoo ah waa arrin Wasaaradda iyo Baanka u taala.

Ogaal: Wasiirka Duulista Hawada laftiisa waxa idin dhexmaray khilaaf
Cashuuraha la xidhiidha, markaa marka tan la eego ee taas la eego,
miyayna u ekaanayn inaad idinku khilaafka wadaan?

Cawil: Taana waxba kama jiraan. Wax alaala wax Cashuur ah oo aanu isku
qabsan karo Aniga iyo Cali Waran-cadde ma jiraan oo dee Kastam maaha
Cali Warancadde ee waa Wasiirka Wasaaradda Duulista, xidhiidh aad u
fiican baana naga dhexeeya. Waa nin Maqsuud ku ah shaqadiisa, oo aan
had iyo jeer jecelahay lacagtaa uu ururiyo ee aan Maqdarada u
bixiyay…..Golaha Wakiilladu markay yidhaahdeen maxaad Cashuurtaa ugu
ogolaatay inuu gurto Cali Waran-cadde?, waxaan ku idhi Cashuur maahee
waa Maqdarad, dee ninka Maqdarad dhigtaana wixii loogu rido uun buu
qaataa, waxaana wuu ku qabtay. Markaa, maba jirinba khilaaf ee waxaanu
ka shaqaynaynay maalintaa, Shaqaalaha Kastamka iyo shaqaalaha
Wasaaradda Duulista iyo Hawadu siday u wada shaqayn lahaayeen.

Ogaal: Wasiir, waxa jiray 2% aad u bixiseen aafada Sool oo aad
dulsaarteen Badeecad kasta oo soo degaysa, si toos ahna looga
qayb-qaatay. Lacagtaasi haatan xaddi ahaan way fara badan tahay,
Gobolka Sool-na waxba looguma, xaggee mariseen lacagtii?

Cawil: Golaha Wakiilladu maalintii Miisaaniyadda way I waydiiyeen oo
waxaan ku idhi xisaab gaar ah (account) baa lagu shubaa lacagtaas.
Lacagtaana meel aan ahayn Bariga Sool iyo Bariga Sanaag oo lagu
khasirayaa ma jirto, Anigaana ka masuul ah. Berigii hore lacagayow
badan baa Bariga Sool iyo Bariga Sanaag geli jiray, manay gaadhi jirin.
Haatan waa tan umaddu u hurtay in 2%-kaa Cashuurta ah ay siiyaan, si
deegaanadaa loo soo gaadhsiiyo Gobollada kale. Markaa, waxay noqotay in
sidii berigii hore aan cid gacanta loo gelin, la qaadin oo aanay dhexda
ku lumin. Lacagtaa waanu haynaa, Xildhibaanadana waan u sheegay oo ku
idhi, idinka, masuuliyiinta Bari Sool, Bari Sanaag waynu ka wada
fadhiisanaynaa oo mashaariic muuqdaa lagu qabanayaa.

Ogaal: Hadda xaddiga lacagtaas ee aad haysaan waa intee?

Cawil: Walaahi wax qarsoon maaha oo bil walba waa la ii soo diraa inta
la qabtay muddadii la bilaabay ilaa hadda, waana wax qof kasta la tusi
karo. Xildhibaanada waxaan ku idhi, intaad Wasaaradda u tagtaan waxaad
tidhaahdaan ‘intee loo hayaa.?’

Ogaal: Waxa jirtay in guddi Madaxweyne Ku-xigeenku guddoomiye u yahay
loo xilsaaray lacagtaas aafada Sool. Markaa, masuuliyada lacagtaa
miyaanay iyagu lahayn, mise adigaa leh?

Cawil: Maya ee Annagu lacagta waanu u ururinaa uun. Bixinteeda haddii
guddi u xilsaaran tahay, guddigaas uun baa maamulaya, laakiin
mashaariic uun bay ku baxaysaa, wax dambe oo la lunsanayaana ma jirayso
ee waa in Gobolladaas la soo gaadhsiiyo kuwa kale, biyaha, Cusbatalada
iyo hadday noqoto wax kale oo loo dhisayo, waa inay ku baxdaa. Waayo,
wax badan bay u baahan yihiin.

Ogaal: Markaa, hadday sidaas tahay, maxaa u bilaabi waydeen ee aad u haysataan lacagta?

Cawil: Waxaanu sugaynaa mashaariicdii oo guddigaas aad leedahay waa loo
xilsaaray waa inay mashaariic soo qadimaan, waana inay mashaariicdaasi
noqotaa kuwo deegaankoodii wata oo Badhasaabada iyo Maamulada
deegaaamadaasi ka soo wada qaybgaleen, umaddana anfacaya. Waxa weeye,
waxaanu rabnaaba, in lacagtani noqoto xaqiiqdii mid meel haboon iyo wax
la taaban karo ku baxda. Runtiina lacagtii waa haynaa, markay
guddigaasi hawshaa gelaysana lacagta waa wareejinaynaa. Xisaab gaar ah
ayay ku jirtaa, wax qarsoona maahee hadaad maanta Baanka tagtaan ama
Wasaaradda u timaadaan, Anigaa amarsiinayee waydiiya xaqiiqda.

Ogaal: Wasiir, adiga iyo Madaxweyne Rayaale waxa la idinku tilmaamaa
laba qof ee ugu musuq-maasuqa badan Xukuumadda, hantida ugu badana ka
lunsaday dalka. Isla markaana waxa la idinku eedeeyaa, adigu inaad
guryo ka dhisatay Nairobi, Madaxweyne Rayaale-na uu ka dhistay Qaahira,
Shaariqa iyo Jabuuti, ma isu aragtaan inaad sidaa tihiin?

Cawil: Waxba kama jiraan. Dalkan umaan iman inaan ka shaqayso ee waxaan
u imid inaan u shaqeeyo. Been kuu sheegi maayee habeen walba waxaan ku
ducaystaa Illaahow wax umaddaasi leedahay ha ii baahin, markii
Wasaaradda lay dhiibayna waxaan ku idhi, ninka Shilin Cashuurtaa umadda
masaakiinta ah aan ka soo ururinay lunsada ee Wasaaradda ah Daaqad baan
ka tuurayaa, Anigana hadaad wax khalad ah igu aragtaan ii sheega. 79
Bilyan bay Miisaaniyaddu ahayd, halkana waxaan ku soo gaadhsiiyay,
Annigoo adkeeyay wax alaala wixii la lunsan jiray. Markii hore lacagta
Cashuurta dadka laga ururin jiray ee xeroon jirtay 20% bay ahayd,
80%-na waa la lunsan jiray. Laakiin, markaan Wasiirka noqday waan
adkeeyay, wax kalena maan keenine meelihii ay wax ka baxayeen ee
lacagta Cashuurta ahi ka lumaysay ayaan adkeeyay, waana taas
Miisaaniyaddu maanta laba boqol oo Bilyan iyo dheeraad gaadhay. Nin
dalka u daacad ah uun baa taas samayn kara. Sababtu waxa weeye,
shaqsiyaad baad iska hor imanaysaan, dad waxan ku nool baad iska hor
imanaysaan oo cadaawad badan baad korodhsanaysaa. Markaa, waxaan ku
xisaabtamay hadaad umaddaa Cashuur u ururinayso cadaawad u diyaar
garow. Waayo, dad baad Cashuur ka qaadaysaa, qaar baad ku adkaynaysaa,
qaar baad talaabo ka qaadaysaa, qaar baad Macaashal-macaash ka
qaadaysaa oo diidan oo rag waaweyn oo culus ah, markaa waxa ku soo
wajahaya cadaawad badan, laakiin cadaawad aan u diyaar garoobay bay
ahayd, taan ku galayna waxa weeye dalkaa wixii aad la qaban karto la
qabo. Dalkana lexe-jeclo weyn baan ka qabaa oo Anigoo labaatan jir ah
baan Inqilaab u sameeyay oo naftayda u huray……Nairobi mar aan joogay
baa la igu yidhi, ‘waar beeshaa aad ka soo jeedaa waa taa Federaal
qaadatay, adiguna waad ka soo horjeedaaye maxaa dhacay?. Waxaan idhi
Anigu taariikhdii Inqilaabkaa (inqilaab fashilmay – 1961) ka been
sheegi maayo. Tan la leeyahay waxbaa la qaatay, waan u naxaa dadka
waxaa yidhaahda. Beenta waa laga xishoon jiray berigii hore, ninka
weynina wuxuu is odhan jiray hadal kugu soo noqda ha odhanin. Dhaqankii
sidaa ahaa waa laga tegay oo nin weyn oo aanu isku da’ nahay ama igaba
weyni markuu yidhaahdo, Balaayiin Doolar baa la lunsaday, Miisaaniyadda
dalkuna tahay 50-Miyan oo doolar, marka ninku been sidaas ah sheego ee
aad arkayso inuu haddana inuu Masaajidka galo, tukado, dee waxaad u
qaadanaysaa in aanu caadi ahayn.

Ogaal: Wasiir, waxaad sheegtay inaad xakamaysay lunsigii lacagta
Cashuurta ee shaqaalaha Wasaaraddaada, laakiin lunsigu markii hore
hadduu baahsanaa waxa la leeyahay hadda wuxuu ku kooban yahay adiga,
Madaxweynaha iyo ashkaashta Madaxda ah. waayo, dantii guud ee umadda
wax laga qabtay ma jirto, jidku wuu burbursan yahay, biyo lama
hayo….Midda kale, ninka wax qoray qoraalkiisu wuxuu ku fadhiyaa xisaab,
sidaa aawadeed, ma haysaa daliil cad oo beenin kara? Haddiise adigu
shaqaalahaaga ku tidhi Daaqad baan idinka tuurayaa, adiga iyo
Madaxweynaha waxa Daaqada idinka tuuri karaa ma waqtiga uun baa?

Cawil: Waxa weeye; horta qofku inuu ii yimaado marka uu wanaag rabo oo
uu yidhaahdo Wasiirkii Maaliyadda ayaad tahay ee waxaan horta ku
su’aalay bishii dalka waxa soo gala. Markaa, waxaan hordhigayaa Berbera
wixii ka soo galay, Caynabo, Cashuuraha Beriga iyo guud ahaan Kastamada
dalka. Waxa kale oo uu I waydiin karaa dakhligaa soo galay siduu u
baxay?, taana waxaan qorayaa Mushaharka Ciidamada, shaqaalaha,
goleyaasha dawladda…..Markaa, waxa loo baahanyahay inaynu marka hore
ogaano dalkeenu in aanu Ictiraaf haysan, dhaqaale dibad la inaga siiyaa
aanu jirin, waa taa maanta Soomaaliya laba boqol iyo konton miyan oo
doolar ($ 250 Milyan) baa loo ururiyay, balse inaga cid Shilin inaga
siinaysaa ma jirto, dalkeenu wuxuu ku socdaana waa Jaadka ina Afdiine
iyo afarka Markab ee ina Oomaar iyo Indha-deero keenaan. Cashuuraha
Beriga weli culays baa naga haysta, Telefoonada dakhligii aanu ka
rabnay ka waynay oo Gate Way-gii (khadka Isku-xidhka isgaadhsiinta)
telefoonada baxa iyo kuwa soo gala. Xawaaladdaha ma hayno waxa soo gala
iyo waxa ka baxa, awood uma sheegan kartid oo ma odhan kartid intaa I
siiya oo dawlad baad tahaye waa inaad xisaab ula tagtaa.

– Qofku haddaanu garawshiiyo lahayn waa dhibaato, waayo Illaahay uun
baan khaldamin. Markaa, adigu shaqsiyan guryaha aad ka dhisatay Nairobi
xageed ka keentay haddanay ahayn hantidii umadda?

– Dadku Xukuumad kasta naanays bay u bixiyaan, sidaa aawadeed
Xukuumaddiina waxay dadku ugu yeedhaan Xukuumad aan runta aqoon
(BEENALEY). Ma isu aragtaan inaad dalka sidaa ku hoggaaminaysaan?

– Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegi, in haddii uu guulaysto uu Maxkamad
taagi doono adiga, Madaxweyne Rayaale iyo raga hantida umadda
lunsadayba, maxaad ka odhanaysaa taas?

La soco caddadka dambe jawaabaha uu su’aalahaa iyo qaar kaleba ka bixiyay.

OGAAL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: