Toggaherer’s Weblog

SHIR LAGU DHALEECEYEY XILDHIBANADA G BARI SHIRKKOODI HARGEYSA OO KA DAHCAY L/NOOD

Posted on: April 24, 2009

SHIR LAGU DHALEECEYEY XILDHIBANADA G BARI SHIRKKOODI HARGEYSA OO KA DAHCAY L/NOOD

Shir lagu dhaleeceeyay xildhibaanada Gobolada Bari shirkoodii ay ku qabteen Hargeisa oo ka dhacay Laascaanood.

Waxaa saaka shir balaadhan isugu yimi masuuliyiinta maamulka Somaliland ee Gobolka Sool,aqoonyahanada,cuqaasha iyo shacab wayne aad u fara badan shirkaas oo ka dhacay hoolka Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood si wayna loogu dhaleeceen shir maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Hargeisa kaas oo ay qabteen xildhibaanada Gobolada Sool,Sanaag barri iyo Buuhoodle.

Ugu horayn waxaa shirkaasi furay Taliyaha qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni sagoo sheegay in shirkan maanta la isugu yimi uu yahay mid ay ku dhaleecaynayaan kagana soo horjeedaan shir maalin dhawayd ka dhacay magaalada Hargeisa kaas oo ahaa mid ay qabteen dad caadifadaysan kuna sheegay shirkooda in la cafiyo Beelaha daafaha Somaliland isagoo sheegay in uu hadalkaasi ahaa mid aysan garanayn ujeedadooda cid danbi gashay oo la cafiyona aysan garanayn.

Sidoo Caaqil Cali Maxamed Kaarshe ayaa waxa uu sheegay inaysan ahayn arinkaasi mid qancisa qaadana karaan garnayn danbiga ay galeen Beelaha kalena waxa kala gala waligood dhamaysan jireen sidoo kale Caaqil Cali Faarax Cali ayaa sheegay in dadka hadalkaa yidhi ay yihiin dad fidmo gaar ah wada ayna Beelaha kale ay ahaayeen dad isku dhaqan ah isku masiirna ah.

Caaqil Cali Ducaale ayaa waxa uu sheegay in haddii wiilasha yari ay wax tabanayaan aysan sida u hadlin ee ay si kale oo xushmad leh u hadlaan isagoo sheegay in aysan matelin Gobolka ugana tacsiyadaynayo Somaliland hadalkaa ay ku hadleen isagoo sidoo kalena sheegay in ay taageersan yihiin Go’aan Golaha Guurtida Maxamuud Axmed Abyan ayaa sidoo kale sheegay inay masuuliyadoodii ay jabtay xildhibaanadaa labada Golana usheegaaan inay kalsoonidii kala noqdeen.

Ugu danbayntii ayaa waxaa microphone-kii lagu soo dhaweeyay Xuseen Axmed dalqaf oo sheegay inaysan ku raacsanayn loona baahnayn in dadka isku dhaqanka ah fool xumo la dhex dhigo sidoo kale C/laahi Xirsi Aadan ayaa sheegay in iyagoo wakiil ka ah Gobol aysan hadalkaa meel ka dhaca ah taageersanayn ayna shacabka Gobolka qaybihiisa kala duwani aad uga xumaadeen waxa ay ku hadleen budhcad siyaasadeedku.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: