Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE RIYAALE OO LA KULMAY WAFTI KA SOCDA UK ADISABABA

Posted on: April 24, 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO LA KULMAY WAFTI KA SOCDA UK ADISABABA
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Date: 21/04/2009
Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa
maanta uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ka socda Safaarada
Ingiriiska u fadhida Caasimada Itoobiya ee Addis ababa.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Safiir ku xigeenka Safaarada Ingiriiska ee
Addis ababa Mr John Marshal waxa ay booqasho kooban ku yimaadeen
Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo wefdigaasi ka socda Safaarada Ingiriiska waxa ay si qoto
dheer uga wada hadleen budhcad badeeda ku soo korodhay mandaqada Geeska
Afrika oo saamayn ku yeelatay wadamo badan oo ay ka mid tahay Somaliland.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka waramaya tallaabooyinka ay
xukuumadiisu ka qaaday sidii ay wax uga qaban lahayd budhcad badeeda ka
qawlaysata bada Cas ee ku beegan marinka Cadmeed, waxa uu sheegay in
hadda ka hor Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qabatay xuduudaheed badda cas
dad budhcad badeed ah, kuwaasi oo la hor keenay Maxkamadaha , haddana
qaarkood ay ku jiraan xabsiyada markii lagu helay dambiyada ay galeen.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in mar walba xukuumad iyo
shacbiba ay ka go’an tahay la dagaalanka budhcad badeeda xeebaheeda badda
cas ku beegan, isla markaana waxa uu tibaaxay in Somaliland oo ah wadan
curdin oo aan kaalmo ka helin dalalka caalamka in uu u baahan yahay in
caalamku ka taageero sidii uu ula dagaalami lahaa ka hor taga budhcad
badeeda, haddii ay noqon lahayd qalabka la adeegsado iyo dhaqaalaba, taasi
oo maslaxad iyo dan weyni ay ugu jirto Somaliland iyo caalamka intiisa
kaleba.

“Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala qayb galno iskaashiga caalamku ay ka
yeelanayaan la dagaalanka budhcad badeeda intii hadba awoodayadu ay na
gaadhsiiso, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in wadamada adduunku oo
Ingiriisku ka mid yahay in aanu taakulayn ka helno sidii aanu arrintaasi
ugu guulaysan lahayn, waxaanuna ka xunahay in caalamku had iyo jeer nagu
qiimeeyo , nagalana mid dhigo Soomaaliya, iyada oo Somaliland ay tahay dal
ka gooni ah Soomaaliya, kalana soo noqotay Madaxbanaanideeda muddo 18
sanadood laga joogo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha iyo wefdigu waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha
siyaasada ee Jamhuuriyada Somaliland heerka ay maanta taagan yihiin,
Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu wefdiga u sheegay in
xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor
oo xalaal ah oo la mid ah kuwii hore wadanka uga qabsoomay intii uu talada
hayay, waxana Madaxweynuhu wefdiga u sheegay in dib u dhaca wakhtigii
doorashada ay dhici lahayd aanay xukuumadu masuul ka ahayn , hase yeeshee
ay keeneen arrimo farsamo iyo qaraxyadii argagaxiso ee dalka ka dhacay.

“Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu dhawrno xeerka iyo dastuurka
qaranka, anaga oo tix-gelinayna go’aamadii ay wakhtiga doorashada ka
gaadheen Golaha Guurtida iyo Komishanka doorashooyinku” ayuu yidhi
Madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in uu jeclaa 29 March ee
Bishii ina dhaaftay in aanay doorashadu qabsoonto, hase yeeshee aanay
taasi suurto gelin, sababo farsamo darted, isla markaana waxa uu
Madaxweynuhu kula taliyay in Asxaabta Mucaaridkuna ay qadariyaan una
hogaansamaan dastuurka xeerka iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Mr John Marshal oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu
sheegay in xukuumada dalka Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay Somaliland
ula dhaqanto wadan ka duwan Soomaaliya, waxna kala qabato arrimo badan oo
ay ka mid yihiin dhinaca Nabad gelyada iyo xasiloonida uu dalkani ku caano
maalay, waxana uu tibaaxay in dawladiisu ay hor dhigi doonto shirarka soo
socda ee caalamka kaga tashan doono sidii wax looga qaban lahaa budhcad
badeeda, shirarkaasi oo ay ka mid yihiin shirka lagu qaban doono Baxrayn
dhawrka toddobaad ee soo socda, waxyaabaha Somaliland ay ka qabatay la
dagaalanka budhcad badeeda iyo baahida ay u qabto in laga taageero
waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sidii arrintaasi ay ugu guulaysan
lahayd.

Wefdigaasi waxa kale oo ka mid ahaa wakiilka dhinaca Gaashaandhiga u
qaabilsan Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya, shirkana uu goob joog ka ahaa
Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: