Toggaherer’s Weblog

KHILAAF WEYN OO KA DHEX DILAACAY WASAARADA MAALIYADA IYO BAANKA DHEXE EE SOMALILAND

Posted on: April 24, 2009

KHILAAF WEYN OO KA DHEX DILAACAY WASAARADA MAALIYADA IYO BAANKA DHEXE EE SOMALILAND

Khilaaf weyn oo Maaliyadeed ayaa la sheegayaa inuu ka dhex dilaacay Maamulka Baanka Dhxe ee Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda ka dib markii toddobaadkan uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale uu soo saaray Amar uu ku joojiyay qaab ay u Macaamil jireen Ganacsatadda Somaliland iyo Baanka dhexe

Khilaafkan ka dhex dilaacay labada waaxood ee qaranka u qaabilsan arrimaha Maaliyada ayaa wararku sheegayaan khilaafkoodu inuu yahay mid aad u adag oo ilaa hada taagan kaasoo dhibaato weyn ka dhex abuuray labadaas hay’adood ee dawliga ah ee (Baanka iyo Maaliyadda) iyo Ganacsatada dalka kuwaasoo amarka wasiirku meesha ka saaray xidhiidh dhinaca xawaaladda iyo daymaha oo ay kala qaadan jireen ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa gabi ahaanba joojiyay inay ganacsatadu lacagaha ay ku bixinayaan Alaabaha ay ka cashuuranayaan Kastamadda kala duwan ee dalka inay kaash ku qaataan oo ay ku bixiyaan laamaha kastamadda ee ay alaabahooda kala soo degayaan halkay awal hore ka dhigi jireen Baanka dhexe isla markaana ay waraaqo la tagi jireen goobaha Kastamadda taasoo wasiirka ay ku dhalisay inuu hakiyo isagoo tuhun ka galay dhibaatada dakhli yaraanta inay qayb ka tahay arintaasi.

Sidoo kale amarka wasiirka ayaa ka dhashay foojaro ay ganacsatadu la tagto goobaha cashuuraha, foojaradaas oo ah kuwo ay ganacsatadu ka hesho daymaha ay xukuumaddu ka qaadato taasoo u sahasha ganacsatadu halkii ay ka sugi lahaayeen inta daymahoodu u soo baxayaan inay hawl fududayn ka helaan arintan taasoo baankuna kula macaamilo halkii ay lacag ka geyn lahaayeen inuu foojarada ka qabto wasaarada Maaliyadana kula xisaabtamo foojaradaasi

Talaabada uu Wasiirku ku hor istaagay xidhiidhkaasi hawl fududaynta ah ee ka dhaxeeyay Ganacsatadda iyo Baanka ayaa sababay in ay arrintani cirka isku shareerto waxaana la sheegay kulamo lagu xalinayo khilaafkan inuu baryahanba u socday dhinacyada is haya iyadoo la sheegay xalka arrintan inuu gaadho inay hareeraha ka fadhiistaan Masuuliyiinta sare ee xukuumaddu, kuwaasoo u maaro waayay go’aanka Wasiirka in la baajiyo waxaanu warka khilaafkan ku saabasani intaa ku daray in la gartay in arrintan la tijaabiyo muddo bill ah si loo ogaado dareenadda jira ee Wasiirku tuhmay

Wasiirka ayaa la sheegayaa talaabadan inuu u qaaday sidii uu kor ugu qaadi lahaa hoos u dhac dhinaca dakhliga ah oo la sheegay inuu saamayn ku yeeshay hawl maalmeedkii shaqo ee hay’adaha dawladda oo ay is gaadhi waayeen kharashkii ay xukuumaddu galaysay iyo kaashkii soo galayay, kaasoo sanadkan 2009 ka aad looga dareemayo dalka gaar ahaana ganacsatada daymaha ku leh xukuumadda iyo mushaharooyinkii shaqaalaha dawladda oo cidhiidhi weyni ka taagan yahay qaabkii uu ku soo baxayay.

WAHEEN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: