Toggaherer’s Weblog

G.DHEXDHEXAADINTA KHILAAFAADKA SIYAASADEED OO SHEEGAY INAY SABTIDA ISASOO HORFADHIISIN DOONAAN

Posted on: April 24, 2009

G.DHEXDHEXAADINTA KHILAAFAADKA SIYAASADEED OO SHEEGAY INAY SABTIDA ISASOO HORFADHIISIN DOONAAN
Guddida isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafaadka Siyaasadeed oo ah guddidii anshaxa Doorashooyinka ayaa sheegay inay kulankooda u horeeya ay isku soo horfadhiisin doona saddexda guddoomiye xisbi maalinta sabtida ee soo socota.

xal ka gaadheen inay kulansiiyaan madaxweyne Rayaale iyo labada xisbiga mucaarad guddoomiyeyaashooda, kuwaas oo sheegay inay kulankaasi dhici doono sabtida soo socota, kaas oo ka dhici doona

Guddidan oo ah guddidii anshaxa doorashooyinka oo iyagu iskood iskugu xilsaaray isu soo dhawaynta dhinacyada khilaafka siyaasadeed ka dhexeeya ayaa dhawaan kalsooni buuxda ka helay dhinacyada khilaafka siyaasadeedi ka dhexeeyo waxaanay sheegeen in sabtida saddexda guddoomiye ku kulmi doonaan madaxtooyada.

guddidan isxilqaantay waxay xisbiyada Qaranka ka codsadeen inay joojiyaan isla markaana hakiyaan dacaayadaha iyo waxkasta oo waxyeello u geysan kara ama carqalad ku noqonaya habsami u socodka dadaalka loogu jiri raadinta xal meel mar ah oo khilaafka siyaasadeed lagu soo afjaro., sidoo kale waxa ay guddidani ka codsadeen warbaahinta dawlada iyo ta madaxa banaanba wararka wax u dhimaya ama kala dhantaalaya xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka oogan, waxaa kale oo iyaguna ay guddidani ka codsadeen labada gole baarlamaan inay dedejiyaan dhamaystirka xeerkii doorashooyinka si uu u noqdo mid lagu dhaqmo, sidaas waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ay shalay ka soo saareen arrintan, isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: “ Guddida dhexdhexaadinta ee EMB( guddida anshaxa doorashooyinka) isagoo haysta kalsoonida saddexda xisbi qaran siiyeen waxa uu dadweynaha ugu baaqayaa in kulankii ugu horreeyey ee xallinta khilaafaadka siyaasadeed ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku yeelan doonaan xarunta Madaxtooyada maalinta Sabtida ee foodda innagu haysa.

Muddada wadahadalku socdo guddidu waxa uu saddexda xisbi qaran si xurmo iyo xushmadba leh uga codsanayaa;

Inay hakiyaan/joojiyaan dacaayadaha iyo waxkasta oo kale oo waxyeello u geysan kara amma carqalad ku noqonaya habsami-u-socodka dadaalka loogu jiro raadinta xal meel-mar ah oo khilaafka siyaasadeed lagu soo afjaro.

Guddidu waxa uu xukuumadda ka codsanayaa in warbaahinta qaranka xilligan ay u adeegsato hawlaha xukuumadda, hase ahaatee ay joojiso in xisbiga talada hayaa u adeesado barnaamijadiisa xisbiyadeed.

Warbaahinta madaxabannaan iyo ka xisbiga, waxa uu guddidu ka dalbanayaa inay hubiyaan in barnaamijyada iyo qoraallada ay baahinayaan ama ay daabacayaan aanay noqon kuwo sii huriya khilaafaadka xasaasiga ah ama carqalad ku ahaada xal-u-raadinta mushkilada.

Guddida dhexdhexaadintu, waxa uu xasuusinayaa dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka dalka inay iska dhawraan, kana ilaaliyaan bulshada tallaabooyinka xiisado abuuri kara.

Guddidu waxa uu ka codsanayaa labada gole ee Baarlamaanka inay si degdeg ah u dhammaystiraan xeerka doorashooyinka si u uu noqdo mid lagu dhaqmi karo doorashooyinka (Biometric Elections) ee dalka ku noqon doona mid ugub ah.

Guddidu waxa uu ka codsanayaa culimada iyo dadweynaha inay mujtamaca ka dhaadhiciyaan dadaalka lagu jiro, is-xil-qaadka masuuliyiinta, Ilaahayna uga baryaan in xal degdeg ah la gaadho.

Guddida dhexdhexaadintu waxay u mahadcelinaysaa saddexda xisbi qaran sidii tixgelinta iyo mudnaanta lahayd oo ay kalsoonida Guddidan u siiyeen.

Sidoo kale, waxa Guddidu ammaan iyo mahadnaq u soo jeedinayaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida salaadiinta iyo boqorrada, culima’udiinka, ganacsatada iyo waxgaradka isu taagay xallinta khilaafaadka siyaasadeed.

Guddida dhexdhexaadintu waxay ka kooban yihiin:

Aadan Baxnaan Xirsi Guddoomiye

Jaamac Axmed Maxamed Afhayeen

Xuseen Cali Nuur Xubin

Dr. Aadan Yuusuf Abokor Xubin

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre Xubin

Aadan Xirsi Suge Xubin

Cabdulqaadir Cali Xasan Xubin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: