Toggaherer’s Weblog

DALADA MIDAWGA SUXUFIYIINTA OO CANBAAREEYEY XADHIGA WARIYE LAGU XIDHAY CEERIGAABO

Posted on: April 24, 2009

DALADA MIDAWGA SUXUFIYIINTA OO CANBAAREEYEY XADHIGA WARIYE LAGU XIDHAY CEERIGAABO

DALADA MIDAWGA SUXUFIYIINTA OO CANBAAREEYEY XADHIGA WARIYE LAGU XIDHAY CEERIGAABO

HARGEISA 23 APRIL 2009 THN
Dalada ururada saxaafada Somaliland ee USJ ayaa cambaaraysay xadhiga weriye Xuseen Cabdilaahi Darwiish oo ka tirsan wargeysaka Ogaal oo muddo 13 cisho ah ku xidhan xabsiga magaalada Ceerigaabo.

Warsaxaafadeed uu magaalada Hargaysa ka soo Saaray Guddoomiyaha dalada USJ Cabdilaahi Maxamed Daahir Guddoomiyaha dalada USJ ayaa u qornaa sidatan:-
“waxa aan cambaaraynayaa xadhiga Weriye Xuseen Cabdilaahi Darwiish oo ah weriye ka tirsan wargeysaka Ogaal, kaas oo maalintii 12aad ku xidhan xabsi ku yaala magaalada Ceerigaabo, weriyahan ayaa waxa xadhigiisa loo cuskaday kadib markii u wax ka qoray musuqmaasuqa iyo lacago badan oo lagu lunsaday wakaalada biyaha ee gobolkaasi.

Sidaasi darteedna waxa aanu u araganaa in weriyahaasi aanu lahayn wax dembi ah oo waxa kaliya ee lagu xidhay ay tahay isaga oo gudanaya waajibaadkiisii shaqo, isla markaana waxa aanu u soo jeedinaynaa xukuumada in sida ugu dhakhsaha badan weriyahaasi loogu soo celiyo xoriyadiisi, waxa aanu uga digeynaa masuuliyiinta gobolkaasi in ay ka waantoobaan falalka ay ku waxyeelaynayaan xuquuqda Weriyaha iyo saxaafada Madaxa-banaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: