Toggaherer’s Weblog

ANIGU ODHAN MAAYO GUDOOMIYAHA WAAN LA OGAA IYO LAMAAN OGEYN MANA JECLI INAAN FIDMO KU DHEX TUURO

Posted on: April 24, 2009

ANIGU ODHAN MAAYO GUDOOMIYAHA WAAN LA OGAA IYO LAMAAN OGEYN MANA JECLI INAAN FIDMO KU DHEX TUURO
Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux, isla markaana hadda ah ku simaha guddoomiyaha ayaa ka muquurtay inuu ka hadlo isku beddelka xubnaha guddi hoosaadyada golaha lagu sameeyey, taas oo ay mudanayaaal ay tiradoodu tahay toddoba muddane oo ka mid ahaa mudanayaashii taageeray go’aankii muddo kordhinta xukuumadda ay dhowaan shirjaraa’id oo ay ku qabteen hotelka Crown ee magaalada Hargeysa ay ka soo saareen qoraal ay ku deedafaynayaan sharciyada isku beddelka xubnaha guddi hoosaadyada lagu sameeyey taas oo ay gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ay ku eedeeyeen inaanu kala tashanin labada guddoomiye ku xigeen ee 1aad iyo 2aad ee golaha, taas darteedna ay sheegeen inaanay guddida joogtadu golaha Matalin, taas oo guddoomiyaha golaha Guurtiduna uu deedafeeyey eedaynta mudanayaashaasi tilmaamayna in shirguddoon ahaan u dhamaayeen isku shaandheynta dhismaha guddiyada, taas darteedna uu eedaha mudanayaashaasi mid aan waxba ka jirin, guddoomiye ku xigeenka 1aad isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo xilligan ku sime ka ah golaha taas oo uu safar gaaban guddoomiye Saleebaan ugu maqan yahay dalka Imaaraadka Carabta oo aanu mawduucaasi khilaafku ka dhashay guddoomiye ku xigeenka 1aad xalay kula xidhiidhnay khadka telefoonka, isla markaana aanu wax kaga waydiinay Sheekh Axmed Sheekh Nuux waxyaalaha ka jira eedeeynta ay mudanayaashu uga jeediyeen guddoomiyaha qaabdhismeedka guddiyada cusub iyo sida uu u arko mawduucaasi khilaafku ka taagan yahayba ayaa isagu si weyn uga warwareegay inuu si cad u bayaamiyo arrinkaasi balse waxa uu si kooban u yidhi isagoo arrinkaasi ka hadlaya “arrinkaasi guddihoosaadyada guddoomiyaha kala xidhiidh, isaga guddoomiye ka ah golaha’e, aniguse diyaar uma ihi inaan ka hadlo”

Mar aanu waydiinay in guddoomiyaha ay ka wada socdeen talaabadii isku shaandhaynta guddiyada golaha lagu sameeyey iyo mudanayaasha ku doodaya inaanu labadooda guddoomiye ku xigeen aanu guddoomiyuhu arrinkaasi kala tashan waxa ka jira arrimahaasi ayaa yidhi “anigu ma jecli inaan idhaahdo guddoomiyaha waanu isla ogayn iyo islamaanu ogayn oo ma rabo inaan golaha ku dhextuuro wax fidmo galiya oo nin weyn oo masuul ah ayaan ahay, balse arrinkaasi guddoomiyaha waydii barito ayuu dalka imanayaaye, isagaa ka ah golaha guddoomiye, aniguse wakhtigan xaadirka ah diyaar uma ihi inaan arrinkaasi ka hadlo”

Inkastoo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad Sheekh Axmed Sheekh Nuux aanu si cad u sheegin badheedhihiisa iyo mawqifkiisa ku waajahan qaab dhismeedka guddi hoosaadyada golaha lagu sameeyey ee khilaafka cakirani ka taagan yahay, haddana waxay ilo xogogaal ahi sheegeen in labada guddoomiye ku xigeen ee 1aad iyo 2aad ee golahaasi ay la mawqif yihiin xildhibaanada eedeynta u jeediyey guddoomiyaha taas darteedna ay tibaaxuhu sheegayaan in iyaga iyo xildhibaanadaasi ay mawqif isku mid ah ka taagan yihiin qaab dhismeedka guddi hoosaadyada iyo habka xubnaha golaha layskugu qaybiyeyba, haseyeeshee mudanayaasha shirka jaraa’id eedeenta uga soo jeediyey guddoomiyaha oo qoraal afartan xubnood ku saxeexan yihiin ka soo saaray ayaa haddana waxay ilo xogogaal ahi sheegayaan in toddobadii xildhibaan ee shirkaasi qabtay laga qaadi doono talaabo anshax marin ah, taas oo ilo ku dhow dhow guddida joogtadu ay sheegeen in xubnahaasi ay jebiyeen xeer hoosaadka golaha kana hor yimaadeen go’aamo golaha ka soo baxay, waxaana ka mid ah xildhibaanada shirkaasi jaraa’id qabtay ee la sheegay in talaabo anshax marina laga qaadi doono:

1:Md:Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho)

2.Md: Axmed Muuse Obsiiye

3.Md:Maxamuud Xareed Rooble

4.Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire

5.Md:Xasan Cumar Axmed

6.Md: Cabdilaahi Sheekh Xasan

7. Md: Yuusuf Sheekh Axmed Nuur(ugaaska)

HAATUF

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: