Toggaherer’s Weblog

WAXA KHASAB IGU QABA NIN LIIBIYAAN AH OO KIRISTAAN AH REERKAYAGIINA WAXA IIGU DANBAYSAY1999 KII

Posted on: April 21, 2009

WAXA KHASAB IGU QABA NIN LIIBIYAAN AH OO KIRISTAAN AH REERKAYAGIINA WAXA IIGU DANBAYSAY1999 KII

WAXA KHASAB IGU QABA NIN LIIBIYAAN AH OO KIRISTAAN AH REERKAYAGIINA WAXA IIGU DANBAYSAY1999 KII

Kumanaan Tahriibayaal Ah Oo Buux-Dhaafiyey Caasimadda Itoobiya Ee Addis Ababa Iyo Duruufaha Argagaxa Leh Ee Ku Gadaaman

“Waxa khasab igu qaba nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, reerkayagiina waxa iigu dambaysay 1999-kii”

Warbixin: weriye Maxamed Cabdi Ilig (Horn Cable TV)

Addis Ababa, April 21, 2008 – Haween Tahriibay ayaa la sheegay in qaab adoonsi ah loogu Guursaday dalalka Suudaan iyo Liibiya oo ay sii maraan Tahriibayaashu, waxaana jira Boqolaal qof oo aan la hayn Geeri iyo Nolol waxay ku sugan yihiin.

Waxa intaa dheer halista jidka ay maraan tahriibayaashu oo ay tiradoodu sii kordhayso, balse waxa iyagu ka macaashay Mukhalasiinta dadka kaxeeya oo ka helay lacag adag.

Arrimahaas iyo xogo kale oo la xidhiidha tahriibka waxa warbixintan ku eegaya Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ka soo laabtay safar uu dhawaan ku tagay magaalada Addis Ababa, waana tan Warbixintiisii:

“Magaalada Addis Ababa ayaa waxay noqotay hoyga ugu weyn ee Tahriibayaashu marinka ka dhigteen iyagoo u sii talaabaya dhinaca Dalalka Sudan iyo Liibya.

Kumanaan Tahriibayaal ah oo u badan Soomali ayaa imika ku sugan Addis Ababa kuwaasi oo garab ka hela niman loo yaqaano Mukhalasiin ama Tahriibiyaal oo lacag ka qaata Dadka Socdaalaya, waxaanay Mukhalasiitani yihiin qaar kala garanaya Jidadka ay marayaan, sidoo kale Mukhalasiintu waa niman badankoodu Afka Xabashiga yaqaana waxaanay mar walba helis u yihiin Xadhig wallow badankoodu Xidhiidh la leeyihiin niman Dawlada Ethiopia u shaqeeya oo Qaarkood Soomaali yihiin.

Iyadoo ay sidaa tahay ayay hadana Dawlada Ethiopia si joogta ah u badashaa Ciidamada uga shaqeeya goobaha ay Dadka Socdaalayaa ay sii maraan

Waxa Qofka Socdaalayaa ee ka baxaya Magaalada Addis Ababa ilaa Xadka Sudan ‘Xamriya ama Martaba’ oo ah Labada Tuulo ee Dadka badan koodu ka talaabaan laga qaadaa lacag dhan ‘$250” oo u dhiganta 3250 birr waxaa lacagtaa la dhigaa meel dhex ah waayo hadii qofkaa la soo celiyo Lacagtiisii wuu leeyahay hadii uu talaabo Qofkaasi Mukhalaska ayaa lacagta qaata, Iyadoo jid marka Jeebka Qofku uu yahay lama huraan.

Boqolkiiba 80% ila 85% dadka ka baxa Xarunta Ehtiopia ee Addis Ababa waxay yihiin qaar laga soo celiyo Jidka u dhaxeeya Sudan Iyo Ethiopia, waayo Dawlada Ethiopia oo adkaysay Istabaha iyo Kantaroolada u dhaxeeya Magaalooyinkeeda si joogto ahna u badasha ciidamada ka shaqeeya ilaalada gudaha dalka Ethiopia,Taasina waxay keentay inuu mukhalasku la qabsan kari waayo jidka dadkii uu wadayna la soo celiyo.

Dadka Rayidka ah ee ku Nool Deegaanada ay tagaan Dadka Tahriibaya ee Soomaalida ah ayaa Lacag laluush ah ka qaata dadka si aanay Ciidamada Booliiska ugu gaynin ama aanay uu sheegin taasi oo hadii ay bixiyaan dadkaasi qariyaan.

Markay Ciidamada Booliisku Gacanta ku dhigaana waxa la keena Magaalada Addis ababa oo uu Qofku Xadhig ku mutaysto si hadaba qofkaasi loogu sii Mastaafuriyo xaga Xadka u dhaxeeya Somaliland Iyo Ethiopia ‘Wajaale’ Waxay Dawladu ka qaadaa Lacag gaadhaysa “3000 birr” Qof kasta oo Xidhan.

Hadii uu qofkaasi mar Labaad isku dayo inuu Tahriibo oo hadana mar kale la soo Xidho waxay Dawladu ka qaadaa Lacag dhan “5000 birr” ilaa uu Lacagtaa bixiyana qofku lagama Mastaafuriyo jeelka lagu xidhay.

Mudada Socdaalka qofka Tahriibaya ee ku socda Sudan waxay u dhaxeeysaa 24 saacadood ilaa 48 saacadood gudahood waxaana qaada Gawaadhi isugu jirta Landcruiser iyo Basaska Caasiga ah, badanaana habeen walba way baxaan .

Marka uu qofku u talaabo xaga Sudan 85% way badbaadaan oo waxay u sii socdaalaan xaga Khartoum oo ay ku nastaan Maalmo balse Mukhalsiinta dadka kaxaynaya ayaa haatan la sheegay inay kala jabeen taasina ay keentay in xataa Suudan laga soo celiyo dadka oo laga soo qabtay qaar badan mudooyinkani ugu danabaysay.

Wixii Maalmahaa ka danbeeya waxay isku dayaan inay Gaadhi ka raacaan Khartoum iyagoo u sii hayaamaya xaga Liibya, Qiimuha lagu raaco gaadhiga tagaya Liibiya waa ‘$1000, Isaga oo qofka tahriibaha ahi jidka ku sii jiraya mudo dhan 8 maalmood ilaa 10 maalmood inta u dhaxaysa, Sababta keentay in ay dhalinyaradu ugu dhiiradaan jidka Saxaraha ee u dhaxeeya Liibya iyo Suudan ayaa ah iyada oo ay soo kordhiyeen Darawlada Baabuurta wadaa adeega Isgaadhsiinta ee “thurya” oo u fududeeyay in hadii ciladi ku timaado Gaadhiga In si dhakhso ah loo soo gaadho.

Doorka hablaha iyo tahriibka.

Marka ay tahriibayaashu halkaasi marayaan qaar kamida Hablaha waxa la hadha Dadka Cawaanka ah ee Reer Sudaan si ay Hablaha u Guursadaan ama u Kufsadaan isla markaasina waxay halkaasi ku qabsadaan 2% dadka tahriibaya gaar ahaana Hablaha

[magacaygu waa Saynab Khadar Samater da’dayduna waa 35 jir waxa reerkayaga warkooda iigu danabaysay 20kii bishii April ee sanadkii 1999kii, waxaan ku dhashay Tuulo u dhaxaysa Warabeeye Iyo Burcada Bari. waxa i qaba oo xoog igu guursaday nin Liibiyana oo Kiristan ah waxaanu igu qabaa Beer uu kuleeyahay halkaasi tan iyo mudadaasina Beertaasi ma dhaafo mana arko qof Somali ah] waxay gabdhani sidaasi ku soo qortay warqad kooban oo ay u soo dhiibtay wiil Soomali ah oo ay markii ugu horaysay la kulantay Muddo Sagaal sanadood ah 2008dii

Xogtaasina Warqad ku soo qortay ka dibna dadka ku dhaqan Magaalada Addis ababa oo Warqadaasi soo gaadhay ayaa u gudbiyay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo ka mid Golaha Wakiilada Somaliland Todobaadkii lasoo dhaafay.

Hablaha ayaa si Xawliya usoo galaya Magalada Addis Ababa iyagoo Tahriiba waxaanay ka yihiin Tahriibka ila %25 waxay ku dhuuntaan goobo gaara oo ay Mukhalsiintu geeyaan si ay uga qariyaan Eheladooda ama Dadka garanaya ee baadigoobaya iyaga.

Habalaha tahriibaya waxa isugu jiraan qaar Caruur leh oo kasoo baxsaday iyo qaar Dhalinyaro ah oo iyaguna Nolol raadis ah, iyadoo aanu mari Karin Jidka qof kharsh yari balse Dadka Tahriibaya ayaa qaar kamida laga hagaa Dalalka Reer Galbeedka oo Eheladoodu ku maqan yihiin halkaasi ay Lacagta ugu soo diraan.

Hablaha tahriibayaasha ah qaar badan oo kamida ayaan garanaynin ujeedo ay kaleeyihiin tahriika iyo sabab ku kaliftay toona kuwaasi oo qaar kamida ah marka ay tagaan Magaalada Addis Ababa ay badelaan fikikooda tahiibka oo ay halkaasi iskaga nooladaan kadina ay ku bartaan balwadaha iyo goobaha xun xun.

halka qaar kale oo badana ay dib ugu soo noqdaan dalkooda marka ay ka horyimadaan marxalado aanay xamilikarin oo ay marka hore ka haysteen fikrad khaldan.

Tahriibaysha ayaa siyaabo kala duwan Lacagta u soo hela waxaanay qaar ka soo xadaaan Waalidkood qaarna Meheradaha Ganacsiga ee ay ka shaqeeyaan, qaar kale waxay soo iibiyaan Dhul halka kuwa kalena ay Eheladoodu hagto oo kasoo bixiyaan Lacagta balse Dadka Tahriibaya ayaa sita Lacago Kumaaan Dollar ah .

Magaalada Addis Ababa waxa haatan dhex dabaalanaya Kumaan Tahriibayaal ah oo ka dhursugaya siday u bixi lahayeen, iyagoo Habeen Iyo Maalinba ay socdaan Tahiibayshu ayay hadana la kulmaan duruufo ba’an oo kala duwan oo khatar galinaya Noloshooda caadiga ah.

Tusaale ahaan Magaalada Addis Ababa oo aan ku sugnaa bishii labaad ee sanadkani oo dhan ayaanay Wakhtigaasi jirin Dad xoogan oo Tahriibaya, balse hadal haynta Tahriibku way soo jirtay, halka haatan ay noqodeen Tahriibayshu qaar buux dhaafiyay Hudheelada Iyo Guryaha Addis Ababa, Maalinkasta wakhti yar oo koobna ku sugnaada Magaalada si aan loo ogaan ama Eheladooda loogu sheegin.

Safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia oo aan Xafiiskiisa ku booqday Aroornimadii hore ee Maalintii Salaasadii ee Todobaadkii hore ayaa isagoo ka hadalaya Tahiibka waxa uu ku tilmaamay Qax waxaanu xusay inay Maalinkasta u yimaadaan Waalid Raadcaynaya Caruurtoodii oo qaar kamida aan Sanado war laga haynin isagoo xusay inay arintani tahay mid istaajinteedu adag tahay waxaanu intaasi ku daray inaanay dadka Tahriibaya dhahamaantood wada dhaqaale xumo haysanin balse isku dayasho ay jirto.

Si kastaa ha ahatee, sida laga war qabo Kumanaan Tahriibayal ah oo Soomaaliya ayaa ku dhinta bada Midhiteriyanka ee u dhaxaysa Dalalka Liibiya Iyo Maalta, halka qaar kalena ay ka talabaan, Walaw Tahriibku yahay haatan dariiqa kaliya ee Qofku si sharci daro ah ugu gali karo Yurub ayay hadana Somalidu u taqana inay Yurub kaa xigaan Afar talabo oo kaliya oo aad qaado kuwaasi oo ay ku shegaan Dalka Ethiopa Sudaan Liibiya Iyo Talyaaniga oo ta Afaraada mana jiro qorshe ilaa hada wax lagaga qabanyo Tahriibka u meelyaala guud ahaanba Somalida ku madhanaysa Badaha iyo Saxaraha.

Warbixin Maxamed Cabdi Ilig Horn Cable tv

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: