Toggaherer’s Weblog

SIILAANYO ISAGAA UGU DA WEYN ITA SOMALILAND MADAXNIMO KA DOONAYSA XAAJI CABDI WARAABE

Posted on: April 21, 2009

SIILAANYO ISAGAA UGU DA WEYN ITA SOMALILAND MADAXNIMO KA DOONAYSA XAAJI CABDI WARAABE

Guddoomiyihii hore ee guddida joogtada ee golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in jagada gudoomiyaha guddidaas ee laga bedelay aanu wax cuqdad ah ka qabin, isla markaana uu raali ka yahay qof kastoo loo doortay gudoomiyaha guddidaas, isagoo dhinaca kalena Xaaji Cabdi Waraabe sheegay inaan wakhtigan xaadirka ah wax khilaaf ahi ka dhaxeyn guddoomiyaha golaha Guurtda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu isbedelka iyo isku shaandhaynta lagu sameeyay guddi hoosaadyada golaha Guurtida ku tilmaamay kuwo aan lahayn wax ceeb ah, waxaanu xusay in isbed-bedelku uu yahay hanaanka dimuqraadiga iyo karaamada dawladnimada.

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo muddo dheer soo ahaa guddoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtida balse dhawaan xubnaha guddidaas oo isbedbedel lagu sameeyay ay guddoomiye u doorteen Md: Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), ayaa waxa uu sidan ku sheegay wareysi khaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha Guurtida, isagoo dhinaca kalena Xaaji Cabdi Waraabe wareysigan kaga hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha khilaafaadka golahooda ka dhex abuuran iyo arrimo kale oo la xidhiidha khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka jira, kana dhashay go’aankii muddada xilka ay ugu kordhiyeen xukuumadda Riyaale. waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

S: Waxa jirta in dhawaan guddida joogtada ay guddoomiye cusub doorteen taasna la sheegay in dareen cadho leh aad ka muujisay, adigoo hore u ahaa muddo dheer arrimahaa maxaa ka jira?

J: Runtii guddoomiyaha guddida joogtada muddo dheer ayaan soo ahaa, qofkana waa la bedeli karaa, anigana bedelka la I bedelay wax culus maaha, ninkasta oo uu guddoomiyuhu u dhiibay xilkaas iyo kii kale ee loo dhiibaba anigu raali ayaan ka ahay, aniguna ma ihi nin kursi ku diriraya wax ceebana uma arko, waanan nasanayaa, laakiinse wixii aan gobonimada iyo nabada wax u dhimayn raali ayaan ka ahay, kursigaa layga bedelayna raali ayaan ku ahay

S:Waxa jiray in khilaaf cusubi ka soo cusboonaaday golihiina ka dib isu shaandhayntii guddi hoosaadyada golaha, taas oo la rumaysan yahay in 42 kiinii xildhibaan ee go’aankii muddo kordhinta xukuumadda taageeray aydin qoraalkii aad dhawaan ku eedayseen guddoomiyaha la sheegay in xukuumaddu idinkaga dambayso sidii golihiina khalkhal loo gelin lahaa, arrimahaas maxaa ka jira?

J: Horta anigu wax khilaaf ah oo xoogani ma jiro, arrinkaana kama warhayo, arrintii go’aanka muddo kordhintana guddoomiyaha soo dhigay, markii laysku qabtayna codbuu goluhu ku kala baxay, arrinkaasi wuu dhamaaday, waxaanse soojeedin lahaa in goluhu wixii hore ee khilaaf ah ee jiray iska ilaabo oo isku duubni waajibaadkiisa ku guto.

S: Waxa la sheegay in guddoomiyaha aad si weyn iskugu khilaafteen kagana hortimid isu shaandhaynta uu xubnaha guddida joogtada ku sameeyey, taas darteedna la sheegay inaad si weyn ugu ololaynayso qorshahan cusub ee muddanayaasha muxaafidkiina aad soo cusboonaysiiseen laguguna eedaynayo inaad tahay ninka dabada ka riixaya, arrimahaasi maxaa ka jira?

J: Guddoomiyaha waanu wada hadalnaa, goorkastana waanu wada joognaa, intii meel wada fadhidaase talada ka dhexaysa way isku qabtaan oo way ku wada hadlaan, ka dibna waa laga heshiiyaa, wax khilaaf ah oo naga dhextaagan guddoomiyaha ma jiro, waxaanan qabaa oo aan rajaynayaa inaanu gole ahaan isku duubnaan doono, oo aanu mid kaliya noqon doono.

S: Waxa la sheegayaa in muddada Komishanka doorashooyinku ay u cayimeen qabsoomida doorashada madaxtooyada ee 27 September 2009-ka aanay muddadaasi ku qabsoomi karin doorashadu taas darteedna la sheegayo in muddo kordhin kale xukuumadda u samayn doontaan, arrimahaasi miyaanay qaranka dhibaato ku noqon Karin?

J: Horta muddadaa lixda bilooda ee golaha guurtidu muddada kordhiyey ee komishankuna u cayimay doorashada ee madaxweynuhuna digreetada ku dhaqangeliyey waa laysla qaatay, insha allaahu wax masiibo ah oo inaga horjoogsata illaahay inaguma keenee, wax korodhsiimo ah oo dambe ma jirto, waxaana laynooga baahan yahay in muddadaasi loo qalab qaato sidii doorashadu ku hirgeli lahayd, sharafkuna wuxuu ku jiraa in natiijada doorashada loo hogaansamo

S: Adiga ma kaa afgobaadsibaa raalida aad sheegtay inaad ka tahay jagada lagaa bedelay, mise xubnaha hogaaminta ee guddida joogtada loo doortay waad ku qasban tahay?

J: Waxaan si cad kuugu sheegayaa inaan raali ku ah kursigaa layga bedelay, horta waxaynu ku dhisanahayba in qofna la bedelo qofna kursiga fuulo, madaxweynahaa la bedeli karaa, guddoomiyaha golaha guurtida la bedeli karaa, ka wakiilada la bedeli karaa, guddoomiyeyaasha xisbiyadaa la bedeli karaa, aniga lay bedeli karaa, bedelku waa sharafka dawlada wax ceebana maaha, laakiin waxa ceeb ah in madaxnimada loo soo maro dariiq nabadgelyada waxyeelaya, waxaana la gudboon ka maanta ku fadhiyaana inuu nabadgelyo ku shaqeeyo, ka kursiga doonayaana uu dariiq nabadgelyo ah usoo maro madaxnimada uu doonayo.

S: Talaabadii ay ciidanka bileysku ku rasaaseeyeen guddoomiyaha kulmiye Axmed Siillaanyo iyo taageerayaasha xisbigaasi miyaanay arrimahaasi nabadgelyada wax u dhimayn?

J: In xabad la rido waa xaaraan, iyadoo lagu kalifo mooyaane, balse waxa loo baahan yahay in nabadgelyada mucaarid iyo muxaafid loo wada shaqeeyo, mucaarad haddaanu jirin dawlad ma jirayso, Axmed Maxamed Siillaanyo tan uu yeelay Saaka waa si wanaagsan, asalkiisana maaha mid fidma ka shaqeeya.

S: Adiga oo inta badan laguugu tilmaamo nin qalad saxba ku garab taagan madaxweyne Rayaale balse Axmed Siillaanyo guddoomiyaha kulmiye la tilmaamo inaad inta badan erayo duurxul ah uga jeediso fagaarayaasha, sideebuu yahay xidhiidhkiinu, sidee baase u aragtaa habdhaqankiisa siyaasadeed?

J: Xidhiidhkayagu waa Oday, Axmed Siillaanyana inta kursiga dalka doonaysa iyo inta hadda ku fadhidaba isagaa u da’weyn, anigu waligay la col ma ahi, wuxuu iga sheegtaana Xaaji Cabdi Xukuumaduu leeyahay nabadgeliya, ninkaan xukuumad nabadgelina shacbiga ma nabadgeliyo, waxaanse leeyahay Axmed Siillaanyo odhaahdaadu ha u eekaato odhaah Madaxweyne nin doonaya, oo dhaar yaanay noqon, waanan la talinayaa, Axmed Siillaanyana saaxiib baanu nahay, cidda kula talinaysa weedhaha ay ka mid yihiin madaxweynuhu ha ka soo baxo, wax uu u dhashay isagu maahee ciddaasaa ridaysee ha ka foojignaado

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: