Toggaherer’s Weblog

M/WEYNAHA IIRAAN AXMEDINAJAAD; YUHUUDU WAA DAWLAD CUNSURI AH…..

Posted on: April 21, 2009

M/WEYNAHA IIRAAN AXMEDINAJAAD; YUHUUDU WAA DAWLAD CUNSURI AH…..

M/WEYNAHA IIRAAN AXMEDINAJAAD; YUHUUDU WAA DAWLAD CUNSURI AH…..

Madaxweynaha dalka Iran Maxamud Ahmedinajad oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah oo looga hadlayo kahortaga falalka isir-sooca ah ayaa khudbadiisii keentay inay shirka isaga dareeraan dalalka reer Galbeed ah.

Ahmedinajad oo kamid ahaa hogaamiyaasha ka khudbeenayey furitaanka shirka Geneve ka furmay ee looga hadlayo falalka cunsuriyad ah iyo isirsooca, ayaa sheegay in dowlada Israil tahay Cunsuri oo ku tumatay dhamaan xaquuqul insaanka shacabka reer falastiin.

Madaxweynaha Iran ayaa ku eedeyey in dalalka Maraykanka iyo reer Yurub ay ku taageereen Yuhuuda falalka ay kula kacaan Falastiiniyiinta ayadoo mar marsiinyo ka dhiganeysa dhibaatooyinkii Yuhuuda loo geystay xiligii dagaalka labaad ee adduunka, wuxuuna Ahmedinajad sheegay in Reer Galbeedku ay yihiin kuwa abuuray dowlada cunsuriga ah ee Israil.

Intuu hadalkiisa watay Madaxweynaha Iran ayaa waxaa shirka isaga dareeray wafuud badan oo ka yimid dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Canada iyo Yurub, ayadoo ay horey shirka u diideen inay kasoo qeyb galaan dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Israil.

Ahmedinajar ayaa khudbadiisa sii watay ayadoo ay halkaasina uga sacbinayeen wafuud badan oo kasoo jeeda dalalka Dunnida sadexaad.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Iran khudbadiisa inay tahay mid khal khal ku abuureysa shirka, isla markaana horseedeysa inuu bilowdo is jiid jiid siyaasadeed.

Balse Ahmedinajad oo shir jaraa’iid ku qabtay Geneve kadib furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in kooxdii wafuuda ahaa ee reer Yurub ee shirka isaga baxay ay yihiin kuwo xaqiiqda indhaha ka xiranaya ayna tusaale u tahay sida aysan dhab uga ahayn ka hortagida falalka cunsuriyada salka ku hayya, asagoo sidoo kale dhaliiceyn dusha uga sii tuuray wadamadii kale ee horey u qaadacay shirka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: