Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA QORSHEYNTA OO 26 INGOs SIIYEY DIGNIIN KAMA DANBAYN AH KUNA EEG ILAA 15 MAY

Posted on: April 20, 2009

WASIIRKA QORSHEYNTA OO 26 INGOs SIIYEY DIGNIIN KAMA DANBAYN AH KUNA EEG ILAA 15 MAY

HAR 20 APRIL 2009 THN

Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim Maxamed ayaa digniin u jeediyay 26 hayadood oo ah kuwa NGO yada caalamiga ah in ay ilaa 15 may ku soo gudbiyaan ugu danbayn warbixintoodii waxqabad ee 2008 ooy ku jiraan deeqihii Maaliyadeed ee loogu soo dhiibay Somaliland,Kuwii ku dhaqmi waaya Amarkaas, waxay iyadoo Wasaaraddu ka xun tahay ku kalifi doontaa in Shahaadooyinkii Diiwaangelinta ay Ururadaas ku hawl galeen la hakin doono, si ku mel-gaadh ah, ka dibna lagala noqon doono.
sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu soo saaray Wasiirku oo ay nuqul ka mid War-saxafadeedka heshay Xafiiska warqabadka ToggaHerer ee Hargeysa .

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa isaga oo dhamaystiran sidatan:-
Wuxuu Wsaiirka Qorshaynta Qaranka, Iskuduwidda iyo Xidhiidhka Hay’addaha Caalamiga ah, Mudane Cali Ibraahim Maxamed, ku Wargeliyay Xidhiidhiyaha Ururada aan Dowliga ahan (Focal Point of Information Non-Govermental Organizations INGOs) in uu gaarsiiyo Ururada INGOs ah ee wali soo gudbin warbixintoodii waxqabad ee 2008 ooy ku jiraan deeqihii Maaliyadeed ee loogu soo dhiibay Somaliland, in ay ku dhaqmaan Wareegtada Wasaaradda, soona raacaan Nidaamkii Xisaabtanka ee loo dejiyay inta ka horaysa 15 Bisha May 2009.

Kuwii ku dhaqmi waaya Amarkaas, waxay iyadoo Wasaaraddu ka xun tahay ku kalifi doontaa in Shahaadooyinkii Diiwaangelinta ay Ururadaas ku hawl galeen la hakin doono, si ku mel-gaadh ah, ka dibna lagala noqon doono.

Tirada Ururadaasi waxay yihiin 27 (Arag Lifaaqa).

Liiska Ururada aan Dawliga Ahayn ee Caalamiga ah (LNGOs) ee Warbixintoodii Wax-qabad ee 2008 aan u soo Gudbin sidii Wasaaradda Qarshayntu u tilmaantay

1. GERMAN DEMINING GROUP (DDG).

2. TERRO NOUVA

3. HEALTH UNLIMITED

4. WORLD VISION

5. TOSTAN INTERNATIONAL

6. HALLO TRUST

7. LIFE INTERNATIONAL

8. VETAID

9. INTERNATIONAL ISLAMIC RELIEF ORGANIZATION

10. MUNADAMADA ALDAWA ISLAMIYA.

11. OXFAM NOVIB

12. SOS KINDER DERFT INTERNATIONAL

13. TERRA SOLIDATI

14. SHELTER BOX TRUST

15. GUTEBORGES INIATIVE

16. CANADIAN AFRICAN INDIGENOUS DEVELOPMENT

17. MERCY USA FOR AID DEVELOMENT

18. MERCY CROPS

19. NOOLAYNTA NARUURADA MUSTAQBALKA

20. AMERICAN RELIEF AGENCY FOR THE HORN OF AFRICA

21. INTERNATIONAL RESEARCH AND EXCHANGES

22. MEDAIR

23. PREMIERE URGENCY

24. COOPERZIONE E SEILUPPE

25. HORN OF AFRICA FOUNDATION

26. MANHAL FOUNDATION

Cali Ibraahim Maxamed

Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Isku duwidda iyo Xidhiidhka Hay’addaha Caalamiga ah.

Xafiiska Wararka ee Togaherer Hargeysa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: