Toggaherer’s Weblog

MADAXDA XISBIGA UCID EE AWDAL IYO SALAL OO SOO DHAWEYEY BAAQII LABADA XISBI

Posted on: April 20, 2009

MADAXDA XISBIGA UCID EE AWDAL IYO SALAL OO SOO DHAWEYEY BAAQII LABADA XISBI

Boorame 19 April 209 (THN)
Waxa maanta hotel Rays Shir jaraa’id ku qabtay Wakiilka labada Gobol Awdal & Salal, ee Xisbiga UCID. Axmed Muumin seed, iyo Gudoomiyaha Deg/Boorama, xisbiga Ucid,Maxamuud Cabdi Xuseen (Guud-Cade),waxay labada masuul maanta shirkooda kaga hadlen sida wayn ee ay ugu faraxsan yihiin in mawqif midaysan ay ka sheeyaashaan labada xisbi mucaarid arimaha Murugsan ee ay Siyaasada Soomaaliland dhax gashay.

Wakiilka xisbiga Ucid u qaabilsan labada gobol salal iyo Awdal, Axmed Muumis seed, ayaa guul ku tilmaamay mawqifka labada xisbi sida wada jirka ah ay u soo saareen.waxa uu cadeeyay Axmed seed, in xisbiga Ucid, ka soo horjeedo Qas iyo jahawareer ka dhaca Dalka soona dhawaynayo wada hadal miiska la iskugu yimaad ,waxaanu xukuumada ugu Baaqay inay Aqbasho talada labada xisbi mucaarid iyo wada hadal.

Wakiilka labada gobol axmed mumin seed, ayaa sadexda xisbi kula taliyay in waajibka saaran raga madaxtinimada u tartamaya uu yahay in ay shacabka Soomaliland ay baryaan waydiistaana sidii ay Cod xalaala kaga heli lahaayeen taas badalkeeda maaha in dadka la baqadin galiyo Cabsina lagu Abuuro.

Gudoomiyaha Deg/ Boorama, Xisbiga UCiD. Maxamuud Cabdi Xuseen (Guud-Cade) ayaa si lamida Axmed muumin seed, isna ku taageeray inuu ku raacsan yahay lana dhacsan yahay sida labada xisbi UCID iyo KULMIYE ay aragti midayasn ka yeesheen Arimaha Mudo Kordhinta kuurtida iyo muranka siyaasada Doorashada tartanka madaxnimada S/Land
Guud-Cade oo dhaliilay warkii BBC da shalay oo farta ku fiiqay in Xisbiga UCID marnaba aanu calaamadsan 6-April sida kulmiye.

Isaga oo gudoomiyaha Deg/Boorama, ee Xisbiga Ucid, sii iftiimanaya waxa ay ku heshiiyeen Kulmiye & UCID. waxa ka mida ayuu yidhi in banaan baxa salmiga ah,Xor loowada yahay,Hoteelada Shirar ay ku qabsan karaan xisbiyada mucaaridku iyo xarumahooda, marka ay gaadho bisha may shanteedana Miiska wada hadalka la sikugu yimaad sadexda xsibi Qaranba.
Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID, wuxuu u taagan yahay Nabad wada jir iyo ilaalinta Dastuurka waxana uu ka soo horjeedaa Rabash iyo dagaal in kursi lagu Doono.
Qaar ka mida dad waynaha Boorama, ku dhaqan ayaa shalay soo dhaweeyay Baaqa wada jirka labada Xisbi waxayna qaar kood ku tilmaameen in Sixbiga UCID, Taladan iska lahaa Kulmiyana ku raacay isbadal siyaasadeena ku Iman doono ismariwaagii hore, ee ahayd Car, ha gaadho bisha Afraad Lixdeeda iyo Waxan Qaban Doonaa Mudaharaad

Sida ay dadka siyaasada ka faaloodaa u arkaan wadajirka labada xisbi, in laga gudbay isku muuqashadii Kulmiye iyo Xukuumada wada hadlna lagu dhamayn doono, muranka ka taagan Xiliga Doorashooyinka S/land waheen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: