Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA DAKHILIGA S/L OO MUCAARADKA UGA DIGAY IN AY SAMEEYAAN DEBED BAX AAN LA OGOLAYN

Posted on: April 19, 2009

WASIIRKA DAKHILIGA S/L OO MUCAARADKA UGA DIGAY IN AY SAMEEYAAN DEBED BAX AAN LA OGOLAYN

Togaherer 18 April 2009(THN)

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo hore digniin culus u soo jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmie iyo Ucid in aanay samayn Karin wax dibad bax ah, ayaa maanta mar kale daboolka ka qaaday in xisbiyada mucaaridka ahi ay xarumahooda ku qabsan karaan shirarkooda, xafladahooda, isla markaana ku samayn karaan isku soo bax ay kula hadli karaan taageereyaashooda.

Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta xafiiska ku qabtay shir jaraaid, kaas oo uu dadwaynaha iyo Ardayda ugu baaqay in aanay ka qeyb gelin wax uu ku ugu yeedhay mudaharaad aan sharci ahayn dawladuna aanay ogolayn .

“Iyadoo aanu hore wareegtooyin ugu qornay saddexda xisbi, oo ku saabsanaa mar haddii komishankii doorashooyinku aanay cayimin muddadii olalaha doorashadu furmaysay sida uu xeerka doorashooyinka qodobkiisa 21-aad qeexayo oo sheegaya muddada ololaha doorashada, bishii October sanadkii hore 3-deedii aanu saddexda xisbi u qaybinay warqad amar ah oo ah in aan la ogolayn banaanbax iyo olole kale.”

“Labada xisbi ee Udub iyo Ucid way aqbaleen oo waanu uga mahad celinaynaa arrintaa, laakiin nasiib darro Kulmiye aanay dheg u jalaqsiinin oo ay halkoodii ay ka sii wadeen oo shalay oo u dambaysay ay Berbera iyo Hargeysa iskugu soo baxeen. Taasi oo ka soo hor jeeda shuruucda dalka u taala .”

Wasiirku waxa uu uga digay Xisbiga KULMIYE in uu fara-geliyo goobaha waxbarashada, oo uu wasiirku ku eedeeyey in maalmahan ugu dambeeyey dad ka tirsan xisbigu in ay Aradayda ku dhiiri-gelinayeen in ay kala soo qayb-galaan mudaharaad ay abaabuli doonaan.

“Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay ka digtoonaadaan wixii nabad gelyada dalka khalkhal gelin kara, isla markaana aanay ka qeyb gelin mudaharaad aan fasax loo haysan, sidoo kale xisbiyada mucaaridka ahi laga bilaabo maanta waxay fasax u haystaan inay shirarkooda, xafladahooda ay ku qabsan karaan xarumahooda, ayna Taageereyaashooda kula hadli karaan.”

Waxaa kaloo uu Wasiirku waqtigaa ku baaqay xisbiga isku daya in ay dibad bax sameeyaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, taas oo uu ugu baaqay in ay ololayaasha la sugaan waqtigeeda oo ah marka xiliga ay doorashadu soo dhawato sida uu sharcigu qabo.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: