Toggaherer’s Weblog

LABA SHAQAALAHA MSF AH OO LAGU AFDUUBTAY GOBOLKA BAKOOL

Posted on: April 19, 2009

LABA SHAQAALAHA MSF AH OO LAGU AFDUUBTAY GOBOLKA BAKOOL

Moqadisho 19 April 2009 THN
Niman dabley ah ayaa maanta afduub u geystey laba kamid ah shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, shaqaalahan ayaa la rumeysan yahay in ay kula dhasheen wadamada Biljimka & Denmarki, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters goob joogayaal ku sugan Bakool.

Xassan Maalin ayaa sheegay inaysan caddeyn meesha ay ka tirsan yihiin iyo waxa ay ahaayeen dableyda geystey afduubka dhakhaatiirtan.

Mid kamid ah shaqaalaha hay’adaha oo ku sugan Bakool isla markaana ka gaabsadey magiciisa ayaa sheegay in ay kala ahaayeen labada qof ee la afduubay Biljim iyo Daanish, waxa ay wateen gaarigooda waxaana la socdey ilaaliyaashoodi, waxa ay ku socdeen Xudur, xarunta Gobolka Bakool, marka ay ku dhaceen gacanta kooxda dableyda ah.

Afhayeenka Al-shabaab Mukhtaar Roobow ee ka arimaya Gobolada Bay & Bakool, ayaa hadda ka hor u sheegay hay’adaha in ay ka hawlgelikaraan Bay iyo Bakool sidey doonaana u socon karaan iyaga oo amaanka hay’adaha sugaaya.

Shaqaalaha samafalka & Suxufiyiinta ayaa inta badan loo qabsadaa qafaalasho, wadanka sharciga iyo kala danbeyntu cirka ku laalantey ee Soomaaliya, waxa ayna inta badan dalbadaan afduubayaashu madaxfurasho.

Axmed Kulan
Moqdisho
ToggaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: